DAAWO SAWIRRADA:-Dib U Dhiska Ka Socda Muqdisho Iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Oo Kormeeray
Published on January 30, 2012 by Jayte · 84 Comments · 22,169 views
Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada dib u dhiska waqtigan ka socda Caasimadda dalkeenna ee Muqdisho ayadoo goobaha dib u dhisku ka socdaan ay kormeereen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Sawirradan ayaa waxaa aynu kasoo qaadnay kormeer howleed oo maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dib u dhiska ugu weyn uu ka soconayo uu ku tagay Kusimaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise.
Kusimaha Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliya Wasiirrada Warfaafinta,Maalliyadda,Haweenka iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.














































































Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
maasha alaah ilahayoow isha biniaadamka nooga qabo wadankeenana nabadiisa dib noogu soo celi
illahow illahow ilahow, saqdhaxe habeen ayaan jooga ailahow dalkeena iyo muqdisho ilaho nabad ka dhig, ilahow sanadkan kisa kale dalkeena nabad ah oo dhismay allahow ka dhig , ilahow, walalheena, turkiga xifdi, oo xafid, ilaahow adiga ku baryeynaa dalkena nabad ka dhig, waxaan aad oo gu farxay dhismaha dalkeena ka socda muqdisho waxaan oran lahaa in la dhiso dhamaan wasaradaha iyo dhulka kale sida dhamaan 14 saldhig ee policka, hospitaladii dhamantood viva turky
masha alaah waa wax fican lugu farxo wangsan in wax abdan lagacabtay amaanka iyo dib u dhisinta xamar caasimada waw waxlugu farxo dowlad hada wax qabadkeyda w
waaaaw maasha allah m,aasha allah illaah ayaa mahad iskaleh walhi rajo ayaa muuqata illaahay ha noo dhabeeyo insha allah radiomuqdisho waa mahadsantihiin dadaalkana meeshiina ka sii wada umadii maantay danteedii garatay waana mahad ale alxamdulillah..marwalbana noosoo tebiya wax walbo mahadsanidiin walaalayaal inkastoo wadankayga aan moogahay sanad noloshayda anoon meel uga bixin laga soo bilaabo dhalashadayda 1986 ilaa 2010 bishii november 15 keedii…..maxamaray waana kugu soo laaban walee inshja allah………..
masha allaaah waa hormar weyn oo ay dowlada ku tilaab satay sido kale wadoyinka iyo iskoolada saas haloo dayac tiro waxaan aad ugu hambal yeenayaa wasiiska difaaca hussen carab ciise dadaalka iyo karti nimada uu muujinayo iyo intii la mid ka ah lkn waxaan ka codsan lahaa dowlada iyo wasiirkaba oo asaga ay tahay hooshiisa in ciidamada la isku dhafo uu jirin nin kooni ugu amar qaatan ilaa taliye ku xiran taliyaha guud mooyee manta ugu danbeysay ciidan isku dhacay ayagoo iskugu dhaceen wax aanan la shegi karin waxaas waa waxa aad looga xumaado mida kale ciidamada milateriga waa in laga saaraa magaalada dhaxdeeda oo ay ciidamada booliska ku haraan gudaha magaalada ayagoo la qalabeeyay milatarigana laga saaro xirooyin lagaliyaa waana inka rajeeynaa guul mar walba illaah ha ina dhooro idinkuna taloyinka dadka waxii saxan hala qaato waxii qaldana halaga raali noqdo.
marka hore waxaan salaamayaa BAHDA RADIO MUQDISHO.marka xigta aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay DOWLADA waxa ay wado waxaa farxad ah in la soo nooleeyo adegii difaaca dalka waxaan leeyahay xukuumada iyo shacabka soomaaliyeed GUUUUUUUUL meelkaste aad joogtaa.
Hambaliyo hambaliyo wasaarada gaandhaan dhiga cadowga naga qabta idinka idinku tashaneynaa hore usocda hambaliyo wa hadal farxad leh salaan qaali ah iga gadooma bahda radiyaha qarankaiyo tvgaba mahadsanadiin saasna udadaala
masha allah wallaahi waa wax lagu farxo ilaah hanoo nabadeeyo wadankeena
masha allah wooow cajiib waaye
Mashaa allaah go ahead . Somali baan nahay we can do.waxaan aaminsanahy safarka 1000 mayl ah 1 talaabo in uu ka bilawdo maah maahda dhahaysa so hadyno somli nahay waa wax lagu farxo talabad aan qaadnay .aad ayaan ugu farxay.
hore u socda dowlada somaaliyeed ilaahey si nabad ah haku dhameeyo hormarka umada soomaliyeed bal fiiriya ma qasaara mise waa faaido somaliyeey intaas yar aan ixtiraamka siino dhulka waanu wada leenahay hormarkiisa aan taageerno walaaahi waa faaido u soo hoyatay umada soomaliyeed kii caqli leh ayaa garan karo ma fahamteen dib hanoo celina pleas all somali walaalaheyga wiil somaaliyeed ayaa ahay waana jeclahay hormarka dalkayga thanks all
masha allah dhulkeena hooyo wuu dhismayaa dowladeena ilaahoow noo dhaaf oo la garab gal wax qabadka
Ilaah ba mahad leh oo naso gaarsiiyay inaan idhaheena ku Aragno in caasimadeena muqdishoo oo dib loo dhisayo waxaan u rajynayaa guuuuuuuuul ummada somaliyeed meel walbo ay jogaaan hana laga wad qeyb qaato dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisinta
cdx hanoolaadaano hana guuleystaan..aad baan ugu faraxsanahay in xaruntii taliska dibu dhiskiisa socdo laguna guuleystay..shiirkole iyo talyayaasha xeradooda in lagu xijiyo ayaan sugeynaa..ciidanka xooga dalka horseedka xoriyada..nabada,dhismaha..cawoiyo maalin cxd
Maasha Allah. Waa wax aad loogu farxo in maanta xaruntii Gaandhiga dib udhis ka socda. Waa loo baahan yahay in dhamaan xarumihii dowlada dib udhis lagu lasameeyo. Dowlada hadeysan dhaqaalo uheyn waa inay caalamka lakaashataa sidii xarumahaasi dib loogu dhisi lahaa loona qalabeyn lahaa. Dib udhiska waa in lagaarsiiyaa gobolada kale kadib markii cadowga laga xoreeyo. Faanoolo fari kama qodna ee dadaalka iyo dardarta halkaa halaga siiwado.
WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY IN AY DHISO EX-WASAARADII GAASHANDHIGA, MAXAA YELAY WAXAY NOQON DOONTAA SALDHIGA AY ISLAAMKA LOOGA XUKUMO WADANKA SOOMALIYA INSHA ALLAH QARIIBAN.
maansha allaaah waaa yidiidiilo wanaagsan umada soomaaliyeed niyad galineysa runtii qaranka somalia ha guuleysto inshaa allaaah
Askar Anshax leh oo dhismayaashaan daga oo maamula difaaca and dadka iyo dalka u adeegaa la’idinka rabaa
ACS Waaw maasha`allah waa wax lagu farxo runtii cid walba oo jecel wanaagana waa ay soo dhaweynaysaa inta u soojeeda in ay wax bur-buriyaanna waxan leyahay walaalayaaloow iska dhaafa shidada iyo dhibka ee ka qaybqaata dib u dhiska wadankiina.
Ilaahoow nabad taam ah nasii
waan idin salamaya bahada radio muqdisho salan kadib waxan uamahadcelinya dowlada kmg somaliya howsha ay umada somlaiyeed uwado lkn walayal waxan madaxweynaha kacodsanaya madama uu hormuud uyahay dowlada hada jirta inuu wax kaqabto ciidanka maalin walaba laleeyahay waa ciidanka xooga dalka somalia hadana maalin walba isku dagalaya dadka dhexdiisa kuna ciyara sharafta dalka iyo dowlada walayal so waxa laga xumaado mahan malin walba ciidanka xooga aya is rasaseeya shacabka dhexdiisa ok goormay marka ka adkanayan cadwoga kusoduulay dalka ooy hormuudka kayihiin alshbab iyo waxa daba dhilifka u ah waa ceeb ciidanka oomalin walba islaya ama layiraahdo dadkii ayay boobayan sorry that is not good waa in ciidanaka ladhaqan celiya oo labara waxa ay tahay sharafka dowlada iyo kala danbeynta mahan in ninksata oo wadada maraya laso qabta hadana layirahdo waxa tahay ciidanka dowlada isgoon wax dhaqan celina ama tababar wadan wa sharaf daro mida ku imanaysa dowlada iyo qaranka umada somlaiya manta aya uugu danbeysa wa ay islayeen waa ceeb waxa walalo waa iniidan kajiifan hadad tihiin bahada radiomuqdisho wacyi galinta umada iyo bararujinta wwaa idin oganahay umada waxad uhaysan howla aan lasoo koobikarin wana mid wajib idinku ah inad dalkin aiyo dadkiina ilalisan mahadsanidiin bahda radio muqisho
Masha-Allaah. Ilaahey SWTnabad raagta ha na siiyo
maasha alah waxan idin leeyahay ilaahey ha idinla garab galo dowladnimo ayaa sharaf noo ah ee ilaahow umada somaliyed midnimo amiin
Mashaa alaah waa war lagu farxo walahi dhisman aad ayaan ula dhacay waxa now sow bidhamowyo dowlad
wlh waa wax wanaagsan halawado ilaah ha fududeeyee waalagu guulesandoona inta dhiman inshaallaah
masha alaah waa hurumar eynu garne hadanahay umada somaliyeed wana wax lagu farxo in dalka dib u dhiskisa dowladena aay dib u billowdo waxaan filaya xumada ineey dhaman wazaradaha dhisidonto na qalabeyn donto ka hor augosto is aay dhaxal muuqdo ugu warejiso ama ugu si shaqeyso sanada kale isha alaah
Aad ayaan ugu faraxsanahay walaahay in dib u dhis fiican ku socdo magaalada muqdisho, waa arin qofkasta oo soomali nadiif wadani ahi uu ku farxo, waan garan karaa in hadii wax laburburinaayo ay qaadato mudo yar oo kooban laakiin hadii wax ladhisayo ay mudo dheer qaadanayso.
waxaan marka hore u mahadcelinayaa ilaahay SW sidoo dhamaan dadka ku howlan ee naf iyo maalba u huray inay dadaal ku bixiyaan dib u dhiskaa xaruntaan wasarada gaashaandhiga iyo waliba meelkasta oo kale oo sidaan oo kale dib u dhis looga samaynayo waxaan leeyahay RAJADII SOMALIA WAY IFTIINTAY ILAAHAYNA HAYNA GAARSIIYO NABAD IYO HORUMAR, sidoo kale waxaan leeyahay ku qaswadayaasha nabadiidka ahi inay joojiyaan dhibka ay wali ku wadaan dalka iyo dadkaba.
Bahda radio muqdisho waan u hambaliyeynaa, laakiin waxaa fiicnaan leheed inaa noosheegtaan dhismahaan waxa eey tahay iyo inta eey la egtahay iyo cida loogu talagalay.
Waa xaruntii Gaashaandhiga aan kuu fasiree waa xaruntii Difaaca Waddankeena Soomaliya ( Diifaacii Diinteena, dadkeena iyo Dalkeenii hooyo oo aan ku dhalaney ” Hooyo noogu dhashey”). Hadda waxaan u maleeyaa Zakariyow in aad fahantay. Marka ogoow Dhismahaani waa Xaruntii difaaca dalkeena, diinteena iyo dadkeena bal weeydii waalidkaaga.
Mansha’allah waxaan quru kabadan dhismaha kusocdo Muqdisho. Guuuuuuuuuuuuul weeeyo. Allahay dawlada hanoo xoojiyo.
in badan waxan ku fataxsanahay dhisida wasaarada gaashan dhiga waxan halkaan ka arkay dabaqa ku ka mdi ah dhismoyinka wwasaarada oo lagu magacaabo AAKHIRO GALBEED hormar wacan soomaliyey!!!!
bisinka caadi maaha dalkoo dshana waan urajeeynaa in uu saan uwada dhismo insha allaah lkiin meelaha ladhisayo maa noosheegtaan magacyadooda meelaha aay kamid yihiin thnks radiomuqdisho jira waligiin
masha allah muqdisho waxey ku soo naqan rabtaa sideey ahaan jirtay waayo waayo,,kanoxoow nafta waaaaaaaaa oo ha noolaaan cadowga somaliya alaha jebiyo especially cadowga koofurta…
ilaahow tii marlabaad aanna la duminin nooga yeel adaaa cadil ah guul ban iidin leenahay guul
Ascw walashey Farxiyo Ali wa in loo
Jawaba dhismahan wa wasaradii
Gashan dhiga ee dowlada somaliya
Wa Guri kamid ah guryaha dowlada waxa
rajeyna in anan ku firsan kaligod
oo lo bahanyahay in an labano dhamanten
Oo gacmaha Is qabsano walaahi waxad arki
Dontiin gaalo noo shaqeyneyso wadankena
4tiisa gees Nimco aya ku jirto bada iyo barriga
Ee manahay kuwo wax kasaayo wax fahmaayo Pls Qabiil No Qaranimo yes diintana anku dadalno geeri kahor in.sha,alah guul ayan gareynaa amiin Radio muqdisho thanks shaqalaha oo dhan
Mashallah dalkeena waa inaan dibu ugu soo labaanaa. Wallahi wan kufaraxsanahay sawiradan. Radiomuqdisho wad kumahadsantihiin. You made us love our country so much. Thanks markale.
alxamdulaah waa hormar la taaban karo oo aan gaarnay allaha hanoo ilaaliyo guushaas amiin dadkeena waxaa u sheegaya in ay ilaasadaan qaranimooda iyo midnimadooda kana fagaadaa kooxaha nolasha diidan
Rajo aya na galisen weynu ku raxeysenaye rafadkii muqdisho yiilay weynu ku rajo belnaye raxmad eebe nasiiyay weye maaha raganimo dheerade raadkan waxa iska leh r.wazare farmajo rabtan no tilmamaye raxmad ilaah haku siiyo aya leyahay weynu ku rabnaye rafiiqada aakhiro haka dhigo ragii uxid raacay radio muqdisho runtii waaba rugteynee raaumaal inaa ka dhigto aniga waaba roonaa lahede rugteyda wa boondhere magacna reer xaji
mahad waxa iska alle kasogane FARMAAJO yaa leh
Farmaajoo waligaa noolaw ‘ your our future president insha allah
Alaah ha no siyaadiyo kherkan bilowga ah
Alxamdulilahi rabil calamin masha allah masha allaha ilahow ada mahadleh walahi marki an arkay xarun dowladed ee sidatan u qurxon badan wanbedelmay isbedelkas ma ahan mid an xuman ula jedo ee wa ku farxay walahi masha allah muqdisho nurkeda baxayo ila hey ha natuso aamiin
maashaa allah quruxda wasaaradii gaashaandhiga genaral diini oo sharaxaya sida dhismaha loogu talagaley iyo xaafiisyada halyaye wadani somaliyeed illaahey ha.kula garab galo iyo dhamaan inta kale oo ka shaqeysay viva somalia
Mansha allah alla mahad iskale marka ugu horaysa .aad ayan ugu farax sanahay dhul kaygi hoyo oo dhismay iyo isbadalka ka muqda casumadad muqdisho .iyo abniga ka jira hadad waa wax lagu fano mansha allah manshaa allaah
Waa wax lagu farxo, Guul baan idiin rajeynayaa, mas’uuliyiinta dowladda garabkiina Allaha galo! cadowga Ilaahay ha idinka qabto!
gaashaan dhiga miyaa meeshaan mise waa meel kale
runti waa wax lagufaano waan kufaxsanahay horumarka ka socda dalka guud aahn gaar ahaan caasimad am muraayadi dalaka waan wax lagufaano alloow dalka nohaagaaji ghagagye aamin aamin ahayow somalibogode burcadiskumari aamin
MAANSHALAAH ILAAHOW NABAAD NOLOL WARTO ALLA HANOO SAA IDSHO INTI DHISTO DHULKA HOOYO IYO INTA DUMISA MEEYSKUMIBAA MAYA MAYA OO MACAALIN DUGSI HAYO IYO MOORYAAN MASES KU MIDA MAYA MAXADA DAACADA IYO SHABAAB SHEYDAAN MAYSKU MIDA OO MUGDI HABEEN IYO MAALIN MIYSKU MIDA MAYA MURAAYADA DALKEENA MOQDISHO IYO MEELKA LE MEYSKU MIDA MAYA MAYA ALLOOW NOSIYAADI AAMIIN AAMIIN
WALAAHI WAA WAX AAD IYO AAD LOOGU FARXO LABAATAN SANO KADIB IN LA ARKO DAD SOMALIMO KA GO,ANTAHAY
Waxaan sannado badan kaddib oo aan ka maqnaa Muqdisho imika ku soo dhiiranayaa in aan imaado.
Eebboow dalka noo nabaddee, oo sharwadayaasha nooga qabo… Nabad baa naga maqan iyo horumare..
maasha Allaah, waa guul lugu faani karo in maanta la dhisay mid ka mid ah wasaradaha ugu muhiimsan dalkeenna.Tan kale, waa in laga baxaa dhammaan dhismeyaasha kale ee dowladda ama dadweynaha si ayagana loo dhiso. Allaa mahad leh…
waa arin aad loogu farxo in bilicdi dalka ay soo noqotay alloow kherka nawaafajiyo oo dadka lugooyada nagu wado naga qabo amiin amiin,
maashaa alaah waa wax lagu farxo dib udhiska aad ka uwayn ee ka soconayo iminka caasimada dalkeena hooyo ee muqdisho waana mid soo celinaysa bilicdi ay caasimadu lahaan jirtay
waafiican hase ahaatee shabaab maalaga fogeey oola eryo siloo nasto loona raaxeysto qawaarijta halaladagaalo ciidankana mushaar halasiyo meeshii ladhisohala ilaaliyo thank
maashallah waa arin wanaagsan mana arag inta aan joogay somalia 20 sano ayaan jiraa waxey ila tahay somalia in ey u talaabsatay wajigii hormar ee shacabka iyo dalkaaba uga bixi lahaayeen murugahan daba dheeraaday
aad ayaan ula dhacay dhismaha aan arkaayo waxan eebe ka rajayn inuu dhibaatada inta hadhay naga dul qaado amiiiiiiiiiiiiiiiiin
Salaan Calaykum Umadda Somaliyed Dhamaan, Walaalayaal arinkaan Waxuu nawada galiyey Dareen Aaan caadi aheen, iyo Farxad Saaid aad iyo aad, Mashallaah Dowladayna ilaah hanooga dhigo midii Wadada toosan nagu hagilaheed.
Rajo la,aan baa nahaysay hadii aan nahay dhalinta somaliyeed laakiin hada waanku rajawayahay Wadankeena….
soomaali Guul madaxweyne shariif iyo Ra,isal wasaarihiisa guul waxaan aad ugu faraxsanahay horumarka ka socda muqdisho waxaan leeyahay dadka reer muqdisho maanta haday ka faa.iidaysan waayaan waxad ogaataan inuusan jaanisku markasta kula sinay ee walaalayaalow garab istaaga dowlada oo ka baxa xarumaha dowlada
Waa Alle mahadiis, waana runtii wax lagu farxo in aan aragto dib u dhiska dalka ka socda.
Mahadsinidiin Radio Muqdisho
ilaahiyooooooooooooow qurubo waa ku dhiman ilahow wadankeyga nabad noga dhiga ilahow dowlda somaliyeed dowlda caadil ah ka dhig yaa rabo somalia waa dhamaaty ilahow dowldan tee lagu nastexsto ilahoow ka dhig yaaaaaaaaaaa raabi thnks radio moqdisho
walhi marka aan arkey wadankeyga o sawiro qurux badan laga so saarey ilamo la ogn aya indhahyga ka so daadty mar walbo waxa arki jirn bilaayo iyo rafaad ka moogto lkn alxm ilahy al shabab iyo wixii la jiro hanaga qabo yaa rabi qurubo ma rabne wadankna nabad nga dhig somaliyey waa rafaadneey qabiil inta naga dhaaftn qaranimo aan ku faaano i love my cntry
mansha allah waa Guul allow somali Udhameestir nabada
maashalh caadi maahan ilahay hanoo hagaajiyo madaxda qaran maashalah waa daacad radiomuqdishowna ilaahay hanoo daayo way nahaqabtireen
marki aan arkey wasarada gashadhiga la dhisayo rajo ayaa isoo gashey waxba is ari walee dooled ayaa soo socoto maasha allaah noolow sheekh shariif iyo gaas iyo galaha wasiirada
am very happy huru marka dhacay waxan waa basici umuda hurumarkeeda ciidanka waxa loo dhiso waa inay umada u adeegaan marka ilahay ciidan aad u adag oo umadooda u adeego alah nasiiyo yaa rab waxaan jeclaan lahaa in an ku biiro
Dalkaygi oo nabad ah in aan dib uugu noqdaan daaim kabaryayaa
asc aad ayaan ugu farxay huru marka dalkayaga ka soconaya walaahi baan ku dhaartay dar ale ayaan ka il meeyay quruxda dalkayaga
horta marka hore wa wax lagu farxo in lasuuro galiyay in la dhiso wasaradii gashandhiga qaranka somaliyed inshallaah waxan illaahay ka tuuga inta dhiman in uu illaahay noo soo diro kuwa noo dhiso ..tan kale waxan leeyahay walaalahayga xoog ku haysto xarumaha dowlada waxan idin leeyahay ka baxa oo dega meelo kale si loo dhiso maxa yelay dowlada wa in ay hesha meel ay ku shaqeeso iyo xafiis hadan la helin wax masaconayan madaxweyne shariif wa kuu ugu horeyay isku xilqama in uu dib u dhis ku sameyo xarumihi dowlada kuwa kale ku xigana waxan rajeyna in ay wax fiican ka dhaxli doonan..hoosha ha socoto
waa ku farxay ma Qiyaasi karo inta aan dareemayo ma masha.allaah woow ilaahoow hoowshiina garab idiinku siiiiiiiiii AAMIIN GUUL
mash,allh dhabti wan ku faraxsanahay in wadankayga hooyo sidan u higsado dhisamha ka soconayo wa mid aan mudo an sugayay mash,allh waxa mahad gar ah leh allah ino samaxay ina herkan ka garno dhismaha dalka iyo amaanka , allow nabad yeel
Wan idin salamay dhaman shaqalaha rediyaha qaranka masha alah ilahay ha nu daa yo dal kena od gon ka badan
masha alaah marka hore waxan salamayaa bahda radio muqdisho oo maalinkasta noo soo gudbiya wax aan ku faraxno wad mahadsan tihiin dadkeyga waxan leeyay dalkiina ku fekera sidii aad u hormarin laheyden alshaababnâ ilahay wadanka ilahay haka qabto aamin aamin
masha alah wa wasaradi difaca dalka o bilicdedi dib logu soceliyay tas waxay ka dhigantahay qaranimadi an waynay in ay dib nogu so noqotay wa nimco alle alaxamdullilah allow noo wari nabadan shacabkana waxan leyahay toso isku tirsanada insha alah
Masha allah aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay maanta inaan arko wazaradeeni gaashandhiga oo dib loo dhisayo ilah waxan ka barya in wadankena oo dhan is sidaas oo kale loo dhiso dadka guryaha anan heesana masakiinta ah guryo ey u dhisto dowlada insha allh sidas ayan rajena GUUL SOMALIYEY
xamar cadeey waa loosoo noqon doonaa allaha noo daayo xamar
xamar cadeey waan kuu soo laaban doonaa inshaa laah dadka oonabada iyo dadka waana arki doonaa anagoo banad iyo damaashaad dadkeeynii hooyo ku joogna aad ayuuna u mahad sanyhay radiomoqdishu sida sharafta le uunogu soo gudbiyo wax yaalaha aan u baahannahay ee dalka ka jira hambalyo ayaan ku leehay codka caasimada
aad iyo aad ugu farax sanahay inaan arko dalkeena hooyo ee somalia ooo dib u dhis wayn uu ka socdo,, allah swt ayaa mahad oo dhan iska leh,, inoo aqbalay ducadeeni aheed inuuu mar un dalkena hoyo nabad helo,, anaka hadii aa nahay qurbo joog waxaan sugi la,nahay dalkeena oo dhan oo kala dambayntii iyo nabadii looga bartay ay dib usoo laaban rabto,, ilahow adaa mahad iskalehe nabada soo carfaysa inoo dhamaystir aamin insha allah, viva muqdisho iyo dawlada somalia,, iyo sidoo kale dhamaan umadeena somaliyed,,
dal waa dalkaaga yaarabi inoo ga dhig mid ina anfaca aayaha oo inooga dhig mid ku waara nabad iyo walaal isjecel
maa shaa allaah waa loo baaahan yahy wax qabad kaas
waaaw allow caasimada noo deyso
Maansha’Allah waa bilicdii hore ee magaalada oo dib u soo noqoneysa
waan ku farax sanahay dalkeeygii oo maanta saatan loo dhisaayo waxaana urejeeynayaa saan iyo sika fiican
waaa mahad ay alha mannta hadi somaliya ee heshay dad dhisaaaa walhu akabar
wow masha allah , hool aan yareen baad heesaan allaha idinla garab galo insha allah waan guuuleesan donaa , gobonimo
Taliyaha xooga dalka Somalied meelkasta oo aan daawado wuu kujiraa Maashaa Allah waa shaqsi firfircoon oo wanaagsan oo dabeecad fiican bulshada kula dhaqma.
asc dhamaan soomaaliyoo idil waxaa idiin sheegaayaa dowladnimada aad ayay u macna badan tahay lakin wax kastaaba waxay leeyihiin hooyo iyo aabbo ciidanka xoogga dalka ayaa ah tiirka qaranka kaas hadii ladhiso oo aad kugarab gashaan doorasho xur ah ayaan gaaraynaa insha alaah meeshii qabiilka looga dhex muuqday milatariga ugu muuqda waan guulaysan doonaaa