DAAWO SAWIRRADA:-Ciyaartii Galabta Dhexmartay Xulka Qaranka Dalkeenna Iyo Kuwa Brundi
Published on November 25, 2012 by Raage · 30 Comments · 12,520 views
Aqristayaasha sharafta leh waxaan halkan idinku soo gudbinayaa sawirada ciyaartii maanta dhex martay xulalka qaramada Soomaaliya iyo Burunid oo guushu ay maanta ku raacday xulka dalka Burundi ka socday.
Waxaana qaab ciyaareedka maanta uu ahaa sidan
4-4-2
Goolhaye:
1-Axmed Cabdalla Macalim
Daafacyada:
4-Mahad Max’ed Xaaji
3-Abdi kariin Abuukar Nuur “Kabtan”
5-Axmed Cali Max’ed
2-Axmed Saqiir
Qadka dhexe:
16-Saadaq C/qaadir Max’uud
17-Saciid Max’ed Max’uud
11-Sacad Saalax Xuseen
8-Daadir Amiin Cali
Weerarka:
10-Max’ed Xariiri
14-Jabriil Xassan Fariid
Keeydka:
Muxsin Shariif
Max’ed Cali Shiino
Aadan Xuseen Ibraahim
Xamza Max’ed Muqtaar
Axmed Tahliil
Max’uud C/nuur Max’ed “Meeman”
Max’uud Tima jilac
Ugu danbey waxaa ciyaarta ay ku soo idlaatay 5-1 oo xulka qaranka looga badiyay waxaana hadii uu illaah raali ka noqdo lagu wadaa 28-bishan in ay wada ciyaaraan xulka qaranka dalkeena iyo kan dalka Sudan isla sidoo kale 01-bisha December hadii uu illaah raali ka noqdo waxaa ay xulkeena baratami doonaan xulka dalka Tanzania
Photo By Raage













Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
WAR HABEEN 23 05 2013
Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
WAR DUHUR 23.05.2013
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
WARKA SUBAX 23.5.2013
Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka South Africa ...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
WAR HABEEN 22.05.2013
Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin ...
Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
masha allah wan ka helay sida wanagsan oo ad sawirada nugu so gud bisen SOMALIA GUUUUUUUUUUUUUUUL insha allah wan helaynaa
Manshalh aloow guul nasii
maasha’allah aad ayaan ugu farasanahay.
aad ayaan utaageerayaa kooxdeena insha’allah guul ayey nosoo hoyin doontaa.
aad iyo aad ayaan uga xumahay lkn waxaan kula talinayaa tababaraha in aw dhalinyarta somalida ah aw isku shaandheey ku sameeyo oo aw cayaaryahanada ka soo wato gobolada dalka waayo sida eynu wada ogsoonahay waxaa la arkaa dhamaantood in ey yihiin reer mogadisho waaayo putland waxaa jiro cayaaryahano galmudug xataa sidoo kale guricelwaxaan maqlay xataa in ey jogaan cayaaryahano qatar ah marka mamulka kubada isku shandheynd ha sameyaan sidoo kale dhalinyarta dhamantood waa wada caato caato hana ku xusho rak xoog leh oo qofka markii jir la siiyo iska riixo karo waayo rakaan dhamaantood waa wada fiicanyihiin lkn waxey u egyihiin rag aan tabar saas ah laheyn marka cayaaryahanada qibrad iyo xoogba waa in lagu xushaa wabilahi towfiiq
ciyaar yahanadeena aadban u taageersanahay lkn guusha ruux u dhaashadaan jirin lkn 5taan goal nalala bartay inay ceebteeda inaga asturaan aan ku boorinaa aniguba waan ka mid ahay ciyaar yahanada lkn kubada cagta kuma fiicni dadaal wacan ayaan leeyahay guulna waan u rajeynaa kulankooda sudan
wey mahadsan yihiin ciyaartooyda qaranka laakiin 5-1 sax maaha
Insha alhu mar dhow waxan rajeyneynaa in noogula imaado istadio m´Muqdisho i hop one day insha alh
waaa guul yar inaa ka muuqanaa halakas
A.s.c walalahayga somaliyed mansha allah waan u mahdina qarankena somaliyed waxana jeclahay inaan tar tamada soo socda aan guul gaarno wlh waxan ka xumahay in layira walaga badiyay lkn aniga waxan amin sanahay in nanaga badin lkn wan gulesena sida hada oo dalkena isu badalay ayaan isu badalena xaga sportiga waxana salamaya radio qarankena somaliyed madama an ahay nin ku xiran dalka kenya ilahna waxan ka barya in dowladena wax ino qabato dhalinta hada jirta aynu nahay wana idin salamaya walal asxabta hurwa na wan salamaya
Waxaa jira wiila soomaliyeed oo u ciyaara kooxaha ka dhisan Yurub, heeka koowaad iyo heerka labaad aad haloo raadiyo, waxaan hubaa inaay burundi ku durdurin lahaayeen, intooda badan waxaa ku noolyihiin UK scandanivian iyo holland
MASHALAHA WALAKEEY C/LAAHI WAA KUSALAMY GUUL AYAAN ADIIN RAJENAA SOWMALI GUU GUUL
Wcs. Iam sorry about the match result of the yesterday game somalia vs brundi. Wa ceeb in malin kasta 5 goal lainoga taladaydu wa iska cadahay waxan kutalin laha 1 in cyartoyda lagu soxusho xoog iyo tabarta uqawo an xirfad cyaredkoda. 2 in xulka qaranka laga soxulo dhaman goblada dalka si ciyartoy tayo leh laisu ken0.3 IN said xoga losaro isfahamka cyartoyda iyo in laga xojiyo daafaca iyo werarka . Teasingka ha badsadan ani ahan cyartoy an ahay fotbal wana kaxumahay malin kasta sharafxumada nahaysata. Ty to ol
wasarada isboortiga ha radiyan dhalinyarada yurub joogata waxaan ay sameeyen sax maaha dhalinyarad yurub ka ciyarta ha la radiyo sida ceelbuur uu shegay.
waxaan la yabanahey madaxda wasarada isboortiga hada ka hor bay london lacag ka qaateen kuwi ay lahayeen somali bay masali
waxii dhacayna waad ogaydeen
madaxweyne hassan siduu amaanka oooga hadlayo waa in uu ka hadla sboortiga oo dad xun ay maamyulaan
tuugo mar walba so uruurinaysa qarrabp ahaan
war sboorti qaraabo laguma jiri karo
sidas hadey ku si socotana waa 5 gool iyo ka badan
war sidaan isu dhaama qolyahiina spoortiga u qabilsaan soomali
Asc way salaamanyihiin bahda radio muqdisho kadib waxaan kula talin lahaa wasaarada sports ka somalia ama bahda ciyaaraha inay isku shaandhayn sameeyaan waayo dhamaan gobolada dalka waxaa laga helayaa ciyaaryahano kuwan hada ciyaaraya ka heer wanaagsan saynu ognahay dhamaantood waa reer muqdisho hada markaa dhamaan dalka oo dhan waa in gobol walba laga xushaa tiro metesha xulka qaranka ee aan hal gobol laga xulin
asc wankufaraxsanahay inan arka dhalinyartena quruxdabadan ee calankisomali iney difacaan u istagay lakin waxan ka codsanaya dowladaena somaliayeed iney qulka wadankena kawarhayan waxan igubaqaya dowladena iney qaranka somalia ee qulka iney lacak galiyan waxan oo kalon ugubaqaya ganacsatada somaliyed iney cawiyan xulka somalia talamahan inmalinkasta inola dhaiab 5 plz hala xojiya xulka asc
DHAMAAN WXAAN KASALAMAY WALAL MUSLIMIINTA AH SATAANTA ISLAAMKA
السلام عليــكم ورحمه الله وبركاته
SALAAN KADIB DHALIYARDA XULKA QAARANKA SOOMALIYA WAY DADAALEEN WAAN KU FAXSANAHAY HADII AAN NAHAY SHACABKA SOMALIYED ANGOO IN TAAS OO SANO AHAY DOOWALADA LA AAAN HADII AAN YELANAY DOOWAALD CUSB XUL CUSUB WAXAAN U MALEENA HADII EEBE IDMO IN SADADA SOOSOCDO AAN GAARIDOONO MEEL FIICAN HADII EEBE IDO INTAA WAXAAN KU DARYAA WALALYAL HA ISNIYADA JABINA EE WAXAD WADAAN DALKIIN SIILABA LAABA INSH,ALLAHMEEL FIIICAN AYAAD GAARIDOONTAA WAAN NIISOODUCEENEE NAA
FADLAN ISKA ILAALIYA NIYAD JBAKA IYO WIXII LAMID AHA GOOLIYO GOOLDARO KUQANA WIXII AAD LAKULANTAA WAXA SUMCAD DARO AH KA ILAALIYA QULUUBTIIN
MAR LABAAT
السلام عليــكم ورحمه الله وبركاته
mansha allah aniga waxan ugu mahad anqaayana taagerayaasha soamaliyeed siiba reer ugandha see uga qayb qaateena kaalinta libaxa lahayd amsha allah aya ayaa umahadnaqanayan iyio cayaar yahanada soa,aliyeed
ASC XUL QARAN UMA EKA RUNTII DAMBIGA WAXAA LEH XIRIR KA KUBADA CAGTA OO KU SHAQEEYA NIN JECLAYSI TAASNA GUUL MA KEENTO EE SIDAN WAX HAKA BADALEEN
guul guul aan leenahay dhamaanteen QARANKA SOMALIYED
qarankeena ,markuu dalkeenu , hagaago insha allaaah asgauna waa hagaagi dona viva somaliweyn vivsa somalia ilahay dalkeena nabad nooga dhiga yaaabi ,amin
bismillah magaceygu waa sakariye abuukar xasan waxaan joogaa dalka turkiga gaar ahaan magaala madaxda ankara waxaan ahay wiil goal keeper ah waxaan dhihi lahaa hadaan u ciyaari lahaa xulka qarankeena soomaaliya in eysan laga reeyn lahayn laakiin ma heeystaan difaac ama wax ladhaho goalkeeper inshaallah waxaan rajeeyneyaa in aan u ciyaaro qaran
ASC DHAMAN UMADA SOMALIYED MASHA ALLAH GUUUUUUUUUUUUUUUUUL AYAN URAJEYNAA GUUL LAGU FARXO INSHA ALLH
walaalayaal marka hore waan idin salaamayaa. salan kadib anigu aad iyo aad ayaan udhaliilayaa xidhiidhka kubada cagta soomaaliya waayo maysoo xulin ciyaartooy qaran matalikarta waxaan kacodsanlahaa xidhiidhka kubadacagta soomaaliya in ay ciyaartooyda soomaalida ee yurubjoogta sookaxeeyaan kuwaas oo kaciyaara heerka kowaad labaad iyo waliba saddexaad anagu mayeelayno 5_0 marwalba sidan maga soomaaliya dhulka ayuu kugalayaa waxaan rajaynayaa in codsigaygaasi uu gaadho xidhiidhka kubada cagta soomaaliya
ASC, Iliin ba indahayga so istagey.. Meegaan sugeynaye kooxdeen Qaranka. Ilahaye oo gusha noo damestiir.. Dalka iyo dadkana noo hagaji.Amiiiiiiiiiiiiin
Waxan umahad celinayaa Radiyaha qaranka oo nosoo gudbiyay sawiro iyo warbixin aad uquruxbadan mahad sanidiin
man sha alah ocean stats waa soo bixi doontan sxbbyaaal how bixinina guuuuuuuul somalia guuuuuuuuuuul ad ayaan idinku faraxsanhy
marka hore dhaman wad salaman tehen fakarka an qabo aya ah xereka ku bada cagta wa in la badala maxa yelay waxa jiro dad ku fiican dhinaca ma mulka marka waxan u arka xereka manta in uu san ahen med ka so baxay wa jibka saran waxan ka mid aha dadka da wanaye ciyarta hadana man arkin ciyar an ku ra xesto ay so ban dhegen xulka somalia waxa jiro waxan shegi karin balse dowlada wa in ay qada telaba wax ku ol ah mesha wan ku cebow nay marka runta loo hadlo wadna mahad san tahen fakar hagaro madaxa dowlada u sarayso hana so fara gal shan w ?
asc aniga aadbaan uga xumahay natiijada ciyaartaan, waxaana layaabanahay goormaa ciyaartooy fiican naloo sooxulaa oo lagatagaa qabyaalada wax lagusooxulaayo, bal ilaahaan idinku dhaarshee goolhayaan meesha lakeenay ma mid uqalmaa inaw soomaaliya matalo oo aw africaantaan gool kadifaaco tabarba uma laha inaw banooni qabtee, geele sharafteena waad ku dheeshay waa in alshabaab laguu geeyaa qoorta hakaa goysee , ilaahay haku ceebeeyo sidaad noo ceebaysay amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
dhmaantiin waan idin salamay
salan ka dib , waxaan wadaa su,aal ah .
1 sidee ayey idinkugu muuqataa qaabka ay u samysantahay Maaliyada ama funaanada ay ku ciyaarto xulka qaranka dalkeena soomaaliya….
Waxay u egtahay Xulka soomaliya in ay dib u laabteen 2005
Goor dhow lagama dhalin 5,7 iyo wax la mid ah What is the reason?
Qof welibo oo ah qubara sport waa Dareemi karaa problem.
Talooyin:
1. Marka hore waa in la helaa xariir kubada cagta soomaliyeed oo xor a.
2. Gudoomiye xiriirka kubada cagta oo lagu soo doortay Cod xor ah (Nin ay doorteen 24 kooxood 5 ilaa iyo 6 ka mid ah asaga leeyahay meesha way ka baxeysaa)
3. Macalin Xul Qaran oo Cirbad lala kor taagneyn Sida hada dhacday
4. Accountibility Macalinka waa in uu la xisabtamaa Ciyaatoyda Xirirka waa in ay la xisaab tamaan Macalin Dowlada Somalia Waa in ay la xisaabtamtaa Xiriirka somaliya ee kubada Cagta.
5. in laga dhaafo xulka qaranka ee soomaliya kan anigaa wato ee dhaaf Macalin ama 11 ula imow intaan noogu dar waaya arag ha noo soo noqdee
6. Gudoomiyayaasha Kooxaha Wadanka ka dhisan waa in ay noqdaan ku Family la ahaa sport somalia.
Lixdaas teer iyo kuwa kala waxa base u yihiin horumarka Sport Somalia.
waxaan joognaa xiligii leys kula xisaabtami lahaa talaabo welibo oo la qaadaayo ku saleysan Qaranimo, Sport waa midka ugu Horeeyo.
Qore: Qubare Sports With Creat sports family.