Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa xiliga habeenkii ah ka sameeya wadooyinka magaalada Muqdisho howlgallo baaritaanno ah kuwaasi oo looga golleeyahay in lagu adkeeyo nabadda ay hada heystaan dadka reer Muqdisho.
Inkastoo nabadda hada ka jirta Caasimadda Dalka ee Muqdisho aysan ku imaan si fudud oo ay geesiyaal badan naftooda u hureen hadana howlgallada baaritaannada ah ee xiliga habeenkii ah ay Ciidammada Booliiska ka sameeyaan magaalada Muqdisho waxa ay yihiin kuwo lagu baarayo gaadiidka iyo dadka la socda.
Ciidammada Booliiska waxey wadooyinka ka sameysteen barro ay ugu talagaleen iney gaadiidka ku baaraan iyo dadka rakaabka ah ee saaran waayo tan iyo intii ay isbedellada nabadeed ka bilowdeen Muqdisho gaadiidka dadweynaha waxey yihiin kuwo shaqeeya habeenkii saacaddo badan waxaana barahaasi ay Ciidammadu gaadiidka iyo rakaabkaba ku baarayaan ay yihiin kuwo qiyaas ahaan isku muuqda.
Sawirrada ama muuqaallada hoose waxaad ka arki doontaan sida ay Ciidammada Booliisku uga shaqeeyaan barahaasi ayadoo ciidammadu ay baaritaannada sameynayaan marka dadka safaf dhaadheer lasoo geliyo waxaana sidoo kale la hubinayaa gaadiidka yar yar ee kuwa raaxada ah.
Saraakiisha Ciidammada Booliiska ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in baaritaannadan looga golleeyahay sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda islamarkaana intii la bilaabay baaritaannada noocan ah uu isbedel ku yimid amniga magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Isbedel hormarineed oo dhanka ganacsiga ah ayaa laga dareemayaa xiliga Habeenkii ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayadoo isbedelkaasi ganacsina uu ka mid yahay waxyaabaha muujinaya sida ay nolosha magaaladu usoo kabaneyso.
Inta badan goobaha ganacsiga magaalada Muqdisho ayaa badankood xiliga habeenkii ah furan ayadoo dadkuna ay si caadi ah uga dukaameysanayaan ama uga adeeganayaan.
Goobaha ugu badan waxaa ka mid ah goobaha iibiyo cabitaannada fudud sida Jallaatada, mac macaanka,Carwooyinka,farmashiyeyaasha iyo kuwo kale oo badan kuwaasi oo marka aad gaarto aad ku arkeyso dadyow si nabad ah ugu caweynaya.
Qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah oo la hadlay iyana Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in goobaha ganacsi ay intooda badan dadku si weyn uga dukaameystaan habeenkii saacaddo badan oo ka mid ah taasina ay timid markii magaalladu ay ka dhasheen isbedellada nabadeed.
“ganacsigeenna mudooyinkan xiliga habeenkii waxba kama duwana kan maalintii oo goobaheenna ganacsi inta badan habeenkii wey furanyihiin dadkuna si caadi ah ayey waxey nooga iibsadaan ilaa habeen barkii laga gaaro, Alle mahadii wax dhib ahna ma aragno” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Telefishinka Qaranka.
Nolosha magaalada Muqdisho waxey aheyd mid si tartiib tartiib ah ugusoo laabaneysay si caadi ah wixii ka dambeeyey 06-August xiligaasi oo ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM Caasimadda ka xoreeyeen Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.
Photo By:- Canab Maxamed Barkhadle
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +14156550815
Asc dhamaan umada somaaliyeed mel walboo jooto then masha allah waa wax aad loogu farxo amaanka kajiro my city my home illahow usiyaadi an qurbahaan katagnee aamiin yaarabi barafaa nafta naga qadeee
illaahow noo ziyaadi alxamdulahii maasha allah magaalda waa hormartay walahi viva muqdisho
asc wr wb bacdal salaan
maasha allaahu maasha allaaahu
walhi caaadi maaaaaaaaahaaaaaaaaaan xamar cadeey
ilaaahey subxaana watacaalaa
hanoo saaidiyo nabada ka soo bidhaantey
aaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiin aaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiin
radiomuqdisho aaad ayaad u mahad santihiin sida sharafta eey ku dheehantahay oo aad inoogu soo gudbisaan had & jeer barnaamijyada nabadda ku saabsan
dank u wel
mansha.alah waa mahad ilahay nabadaan dhalin yarada eey ku caweenayaan dadbaa dhigooda u huray ilahay jana fardoosa haka waraabiyo muqdisho waa soo labatay guuul guuul
Qabow aaba qurbaha lala joogi waayey, dalkeenii udgoonaa nacowda samaa yaa kamaarmo lama huraan waa dalkaaga kudarsoo iyo dadkaaga waa lama huraan , waxaan kudhashay bartamaha dalka woqooyiga galgaduud, somaaliya somali baaleh aan hormarino bulshooy.
baraf baan lawadan waayay gaarigaygii dalkeenii waakas hawada macaan diyaar waxaan uahay inaan ushaqeeyo free wadankeena ee somaaliyay waxaa tihiin dameer malabsida ee alow yaa indin yiraada sida iskudhaama
lol @ Dameer malab sida kkkkkkkkkkkkkkkk
Xoogaa waan soo fahamney malabka qiimihiisa ey u egtahay sxboow
Nimaan dhul marin dhaayo ma leh.
Dhulkeena meel loo dhigana ma leh.
KKKKKKKKKKKK been maahan walahi dameer malab sida wa nahay qof walbo dhib ayuu sheegana hadana wadadi looga bixi lahaa waa lo jeeda lakin lama rabo.. somalinimo waan ugu bixi karna iyo qalbi dacaad ah lakin afmacaan iyo gudaha oo wasaq laga yahay saan le ku jireena
allaah baa mahad leh, Radio Muqdisho salaan iyo mahad badan sida aad ummadda ula socodsiinaysaan isbedelka iyo iftiinkan cusub ee nabadeed, mujaahidiinta dhabtaa waa idinka iyo dhammaan inta naftooda u huray soo celintii sharafka waddankeena iyo ka xoraynta cadowga nabad diidka ah mahadsanidiin mar labaad
marka ugu horaysa waan idiin salaamay dhamaan shaqaalaha idaacada r.muqdiysho iyo tvga qaranka soomaaliyeed ,marka labaad aniga waxaan joogaa garoowe ee caasimada puntland ,muqdisho waxaa ka socda horimar aad u sareeya xaga amniga iyo xaga ganacsiga ,laakin hada sawirada ay r.muqdisho soo qaaday waxaa iiga dhexmuuqday sawir ah gaari beesool ama bacda madaw ay daaqadaha uga dhagsan yihiin waxaan kula talinayaa dhamaan saraakiisha ama taliyayaasha soomaaliyeed ee jooga muqdisho in ay joojiyaan bacda madaw ee lagu dhajinayo baabuurta cidii ay ciidanku ku arkaan qof uu baabuurku ugu dhagsan yahay bacdaa madaw in ay ka fiiqaan ama ganaax dusha uga tuuran .tusaale ahaan magaalada garoowe iyo guud ahaan puntland bacda madaw lagama isticmaalo oo waa la joojiyay oo qofkii isticmaala waxaa lagu xukumaa ganaac iyo lacag aad u baan
waad mahadsanyihiin
Waa wax lagu farxo maasha Allaah
Asc allow dalka noo hagaaji dadka somaliyeed waxaan kula talin lahaa ineey ku soo labtaan wadankooda wax u dhaama malahna
maanshaa alaah ilaah waxaan uga barayay naa in ilaah u siyaadiyo caawa muqdisho oo saas dadku wada kafaynayaan ama wada shaahayaan ilahaw nabad waarta udaaa muqdisho iyo umada soo maliyeed
asc Aqyarta wan idinwadsalamay wankufaraxsanahay muqdisho oo sanlagudamashadaya waxan ubahanahay inta aan hadagarnay iyo inkabadan dadalka meshisa halagaWada hanalaga shaqeya kaladambenta waxan ka codsanaya dhalinyarta dadkoda lo adaksanaya iney iskadayan aaqira iyo adunba waxmakuhelayane waxan kacodsanaya dhalinyarada somaliyed iney kashaqeyan horumarka iyo kaladambenta dalkena asc
ty soomali
masha allah wlhi waa wax aad loogu farxo isbadalka habenkii muqdisho xitaa dadka qaar dhira gilin ayey gilineysaa qasatan kuwa qurbaha rafadka iyo fakirka iyo xanunka aan dhamaneynin la jogo ilahow wadankena noo sii siyadi hada wuba soo haga gee amiin thx jayte sxb adiga iyo canab
si fiican
Asc mashaah muqdisho waa sooshidantay
maasha allah allow u siyaadi wanaaga iyo horumarka ka muuqda magaalada muqdisho magaalo madaxdeena. muqdisho mugdiga kabaxdaan maan ka kuhayaaye magaalo maxadeena baan maanka kuhayaaye somalidoo midoowdaan maankuhayaaye marxabo iyo salaan walalnimaan maanka kuhaaye radio moqdisho oo huromaraan maanka kuhayaaye umad wada mushaaxeeyso maan kuhayaaye maan dooriyahoow lawaayay baan maan ka kuhayaye somalidoo caalamka ka muuqataan maanka kuhayaaye inow magaceenu soo laabto ayaan maanka kuhayaaye wcs.
MASHA ALAH AAD BAAN UGU FAXASANAHAY ILAHOW NABADA NOO SIYAADI UMADEENANA IIMAANKA GELI WAXAANBA U XIISAY MACAWIISTA LA WATO HADA ANIGOO DHOWR ABUU CUMAR IYO IYO DHOWR SURWAAL IYO DHOWR JAAKAD ANIGOO QADAN DIBADA UMA BIXI KARO ALOW WADANKA NOO HAGAAJI ILAHEY SWT WUU NA TUSAY NIMCADIISA SIDA AAN GU BAHANAHAY SIDAAN FILAAYO HADII NABAD BUUXDA LA HELO IN AN MAR DAMBE LA AYICI DOONIN
alow naaga dheg baladkeena aamiin iyo amaano cadaalda aamiin amiin
Alx wlh muqdisho wey hormartay ilaaheyna waxanu kaka baryeyna inow sidaan iyo si kasii fcn inooga dhigo insha allah
Asc walaahi qofkii xamar ogaa 2010 siduu maanta yahay ma rumeysankaro, ummada soomaaliyeed gacmaha ha is qabsato oo waxqabad haloo soo wada jeesto. Dhaliil iyo is eedayn naga daaya fadlan aan wax qabsano
waxi hore waa dhaceen in lis cafiyo iyo xumaanti la sameyay la iska dhaafo oo aan wadankeena uso jesano aya lo bahaanyahay… qurbahan aan buuxno nin rago sidu alle inu abuuray u abuuray ya adhistay maxa inaga naga dhigay dameero ana caqliba laheyn ilahow wax ina fahamsi waxina waan rabna mana rabno somali waa sidaaa
Masha allah nabad aya aya xoriyad leh xoriyad la’an waxaqdaro kujog,
sidas owged waxan kulatali laha dowlada iney police ka magalada muqdisho eykudoorato “only honestly vigilance” marakas ayey police run ah noqonkaran
asc masha allaaaaaaaaaah wa wax lagu farxo is badalkaka imaday wadan kena ud konga badan alaaah ya
oooow ino siyadi oo anako nawad qana inooo ceeli
allah horta kow illahaybaa mahad iskale wadankeenii waa nuuray maasha allah tankale ciidamada daacad ha ahaadeen waala garayaa in somalia oo dhan meel lakala istaago la waayodalxiisayaal inta dunadajoogta ayaa iman doonto illahy baaqi waaye baryadiisalaguma qado aad ayaana ugu faraxzanahay wadanka dib u hagaagiisa
Canab maxamed barqadle ( caga weyne ) masha allah walashey mahadssanid waana ku salaamayaa walashey qaali iyo all bahda radio mogdishu
asa wlh wa wax ad logu farxo waxana umalena in lajogo waqtigi dhalinta qurbaha uso shaqa tagi laheyd wadankoda o dib unaqan lahayen alow ino siyadi amin amin amin
Maaashaaa alaaaah war ileen hadaan qurbaha afka taagayno ileen dhulkeenii hooyaa horu maray maashaa alaaaah waa in an wax ka nuurinaa oo dib ugu soolaabanaa !!!!!!!!!!!!!!
ma somalia baa mise sawiro kale ayad ino so arurisen ad ayay u qurux badan yihin wlh cadi maba ahan insha alaah dhawan wan imanaya rag manta so baxaya ayan so dhawaynaya ana wan so daba joga waxana jeclahay in an wadankena mal gashi ka dhigano anaka oo ah group s.afrika ka amba baxayo qebtisa manta ayay so baxayan aniga iyo qeb kalana sanadka kolka u dhamado insha alaah
Asc aad ayaan idiin wada salaamaayaa gaar ahaan qoraaga warbixintaan farxada ah wada. Istaambo baraf ah ayaa dareemay runtii markaan arkay sawirada oo iqiiro galisay. Waxaan alle ka rajeynayaa in an wadankayga hooyo dib ugu laabto anigoo cilmi iyo aqoonba leh ee aan ugu laabanin anigoon anfac aan laheyn walina aan aqoonteyda dad ugu adeego intii karaankeyga ah. Ilaahoow ii rumee riyadeyda inta soomaali ee ku riyooneysa sidatan ookalana urumee.
aad baan ugu faraxsanahay …. muqdisho … ku soo laabatay nabadeydii misana kajirta amaan la hubo … ganacsigii oo habeenkii socda mashallaaah guuuuuuuuuuuuuul muqdishu somalia …
asc dhamaan umada somaliyeed gaar ahaan wariyayaasha ka hoolgala radiomuqdisho salaan ka dib waxaan rabaa in cabiro farxada aan dareemay markaan arkay sawirada muqdisho ilaah mahadiisa waaaye hadii maanta ay tahay nabad muqdisho aniga waxaan ku noola hay nederland waxaan rabaa in aan imaado muqdisho sanadka nagu soo adan haduu alle idmo malg uunbaa i celiya ee sikale kuma baaqanaayo 2001 ayaa soomaali iigu dambeysay waxaan ugu xiisay si aan laqayaasi karin waxaan ilaah ka baryaa anoon xamar tagin ha i dilin yaarabi guuul ayaan u rajeeynayaa wixi jecel nabada iyo dowlada
masha allah ilahoow nosiyaadi
runtii waxaan aad ula dhacay hormarka magalada markaan arkay dhaliyartii oo ku shaahaya biibitooyinka hortooda
iyo supermarketka sida europe u shaqeeynaya waxaa dhiman in lacagta kaarbanki lagu bixiyo allow nabad nasii aan dalkeena kulaabaneeeeee qabow iyo barafkan waan dhibsanahy runtiiiii mahadsanidiin radio muqdisho
masha alah dadala ala ha idinla garab galee niman tisa utalin tu kale kuma daree dhaxdayna an hagajino ka dib aan dunida sadexad tir tirne an ugurne xidigahe an ku carabine wadade meel dogaho naq leho qeyradku cegago an bulshada geyneee cidamadnimadu wa shaqo adag adag u dulqata gesiyadoow ka guleysta cadawgena badan ee cagta hoskena dhigenu inu dato wa dahab case gardarada ma yeelno geerida ma didine somali a nala yirahdahe nalma mahadshe ogada gafuur duubtaay
maasha Allah dalkeeni hooyo wa macaan yahay jawigiisa shacabkana wajigooda laga dheehan karaa in ay faraxsan yihiin qabow & barafna malahan sidaan hadey kusi socotana somali badan oo kamid ahay qurbo wa macsalaamynaa oo dalkeeni ba ku laabanynaa insha ALlah…..
Asc walalayal mel walba ad jogtan wan idin salamay muriqina maloo dalka mira kuberooo macdanta dahaka mujiya wanagaay
masha allah ilaahow noo siyaadi nabada waa wax lagu farxo muqdisho oo heerkaan soo gaartey dagaal iyo burbur ka dib
soomaaliyey baraaruga gaar ahaan waxaan u dirayaa madaxda dowlada in fiiro gaar u yeeshaan nabadgalyada degmooyinka iyo gobolada kale waxaan ku dhashey xamar faanoole fari kama qodna
mashalaaaaaaaaaaaah walhi aad ugu xiisay xamar allow nabad macaaan somalia ameeeen waxaanba soo xasuustay sida quruxda badan habeenkii free loo wada socto waa qatar meshaan baraf lala socon karin qabow waqtga badan intiisa,….. lkn wadan walbow axa dhiso waa dadkiisa shacaboooow wadanka amaankisa suga cid walbo qalalaaso ka dareentaan ama ka shikisaanba goobaha wolada na igu dhow wargaliye
wwwwwwwwww masha alaah ilahow nowsiyaadi amiiiiiin
asc dhaman dadka somaliyed aniga waxan joga somali qasatan muqdisho marka ad ayan ugo farax sanahay hurmarka an mar walba arkayo in ey ila arkan dhaman dadka somaliyed qasatan dadka qurbaha diloden reer radio muqdisho hadad sanidin
waa wax lagu farxo sida muuqata muqdisho oo gaadiid habeen la raaco waa hore yaa dadka ugu danbeysey saas darteed tan maanta muuqataa waa wax lagu farxo
Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay waxa ka socda wadanka aad baan u qiirooday runtii walalayaal aan u dadaalno nabadda wadankeena waxa aan wax ku nahay waa dawladeena iyo madaxdeena aniga waxaan joogaa qurbaha aad baan u jeclahay wadankeyga waana ku faraxsanahay inaan imaado dhawaan radio Muqdisho in badan ayaad mahadsantihiin.
Masha Allah nabad iyo hormar iyo barwaaqo ayaan u rajeenayaaa mogdhisho waxaan dhihi lahaa ciiidanka qaranka dhamaan waad mahadsantahiin waxaan Mar danbo Lana ku sireenin qabyaalad iyo diin been ah umada mogdhisho nabad ayee dooratay iyo hormar … Waxaan jirAa 25 sano waxaan ku riyoon jiray Marma arki doontaa intaadan dhiman ka hormar Mar arki doontaa Somalia ooh ah nabad walaahi soomaliya ooh dhan waa Hal qabiil so wada jirAa aan dad kung nahay qof walba ha kun ijifto hana ku soo kaco
Masha allah ilaahow noo adkeey oo nooga dhig magaladeena magalo nabad ah oo aan ku damashaadno
waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw
maasha’allaaaaaaaaaah caadi maahan runtii waxan arkay wax walboo yurub laga helo in dalkeena yaalan, aad ayaan ugu faraxsanahay, ganacsatada soomaaliyeed ee dalalka afrika iyo carabta ku ganacsado waxan ugu baaqayaa in ay sidan oo kale ukeenan ganacsigooda dalkaa ubaahane.
good radio muqdisho thanks.
Salaam marka hori… Walaalyal somaaliyay waad aragtaan nabado macaanka ay ladahay…walaalyal nabada aan ku fara adaygno ,nabad baa naaso lanoogu leh.. walaalyal wax walabi ba waa inoo hagaagyaan hadaan nabad halnu…SOOMAALIYA HANOOLATO.
maashaalaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah
wlh xamar cadeey waa noo hagaagtahy lakiin soomaalia waxyaabo badan baa kamaqan doolada waxaan ka cod sanaa lacagta xooshka ah oo tirada badan in ay badalaan waatoo lacagtii waa wasaq qaana baa ba day wlh sida hore waa dhaantaa 100 100 in sha allaah qurbaha waakatageenaa in sha allaaaaaah
Alhu akbar
maasha alaah, maasha alaah!ilaahayow nabad baanu kaa barinay,mindhaa hadaan nabad buuxda helo qofdanbe qori maqaato,waxaan u mahad naqayaa shaqaalaha qaranka gaar ahaan kuwa dalka ku sugan oo aan ognahay meeshay wax ka soo bilaabeen.walee taariiqdu waa xusi kuwii dhiigooda u daadshay iyo kuwa har iyo habeen u taagan qaranimada,sharafta iyo calanka Jamuuriyada Soomaaliya,
Shabab moryanta afka doban nabada bidhantay waey kabukan umada isracday way kabukan
Muqdisho wa magaladan ku dhasay wa magaladan ku so bar baray miqdisho igaralinoqo
Waxan kasotagay adigo wax magarato kugu cayarey so 1992 Malin malmaha kamida wan kusono noqon dona
wlhi aniga maba aqaaaaan wax aaan dhaho waaayo farxad ayaan la ilmeeynayaaa runtiii waan jeclaha dalkayga iyo dadkaygaba ilaaaaahoow adin dhowr horey socod iyo hurumar iyo wadaninimo ayaan ilaaaaah inooga baryayaaa walaaaal idikana ducada hala badiyo bahdana radio muqdishana waad mahadsantihiiin walaaal thankz all
mansha alah waa wax lagu farxo alaha noo siyaadiyo intaan iyo inkabadan waan rajeyneynaaaaaaaaaaaaaa
waaw walee waa wax lagu farxo waa ilaah mahadiis ilaahigii wadan keena sidaas nooga dhigay allaw mahad adey kuu suganaatay..
mashaaaaaaaaaaaaaaaaahhhhhhhhhhhhhhhhl
farxad dbn iyo nabad mcn markA UGU HORENTA WAXA MAHLI RADIO MOGDISHA IYO MADX WEYN HORE MUDANE SH.SHARIIF WADANKI WUXU KU SO LABTY 25 SANO KADIB LACAG BAA LACAG DHASHO
waxan salamaya dhaman cidamada nabad ilalinta ee boliska somaliyeed kadib waxan salamaya dhaman shaqalahay iyo shacabka somaliyed sawiradasa waxan kahelay maqayada waxa lagu karinayo aniga oo joga wadan qurbaha kamahelo waxs oo kale
wad mahad santihin
waxaan u hanbaliyeynayaa umada somaliyed dhamaantood khaasta inta wadanka somaliya joogta waxaan leeyahay waxaa soo curatay nabadii ee ilaahoow noo siyaadi qorbahaan ku dhibaateysanahay baraf iyo hanfi baa na dilootay allow dadkeyga tubta toosan ku toosi nabada qiimaha ay leedahay hadii ay ogaan lahaayeen qof somali ah ma qaadeen qore allow kuwee dhunsan soo hanuuni
dhalinyarooy asxaabey saaxiibayaa aan u guntano sidii aan dalka u nabadaysan laheen waxaa dhibka wada waa dhaliyaro so mali ah ha la arko dhalinrao soo ma li ah oo nabada wada viva somlaia
alah siyaadiyo waa farxad ee somali gashay waye aniga muqdisho waxaa iku danbesay 2010 mana u sawirneen reer muqdisho arinkaan waa muraayad qurxoon oo muqdisho laga argo
Maansha allah Ilaahow nabada sidaa noogu sii wad
intaan maraka ay indhaheygu qabtaan waxaan helaa caafimaad dheeri ah mahadsanid radio muq.
masha alaah ila noo siyaadsho amiin waa hoyadii wadanka somaliya waa cadimadii somaliya
Maa shaa Allaah ilaahey noo siyaadi nabada iyo quruxda wadankeena soomaalya oo dhan Aaamiin YaaRabbi Yaaraxiim
Masha allah Yaa rab ino siyaadi nabada umada Somaliyedna ka saar qabyaalada iyo qabiilkaba qalubtoda.. anaga dhamaanten waan wada jecelnahay wadankeena sida an halkan ugu jeedo lakin hadi reality loo hadlo somali hada nahay waan is kaseyna qabiilka ayaa wadankena ka jecelnahay oo qabiilka aya 1 ah kadib waa somalinimo hadaan garan laheyn muhiimada wadankena ino leeyhaay dhibkaan inaguma dhici laheyn ilaahow somali ugar gaar
alxamdulilaah shukri rabil caalamiin ilaah ayaa mahadaan iska leh ee noo keenay nabada iyo doowladnimada taamka ah ilaahoow noo siyaadi umadeenana horay ayeey u dhibtootee dhin kale ha ku celin waxaana ku mahadsan dhamaan masuuliyiinta dalka soomaalkiyto ciidamada booliska iyo gudoomiyaha gobolka banaadir gudoomiyaha deg waabare axmed faal iyo gudoomiyaha hodan
asc dhamaan umada somaliyed melksto ay jogto gr ahan kuwa dlka joga mdxda cdmada geesiyada nftoda u hurey inn mnta herkan grno ilhey ha idinsiiyo ajirkeda aamin wn waxn la so kobi karin farxadan aan indhaheyga ku arkoya insha alh wxn ka nasan dona qbwga iyo brfka xamar cadey xeebteda u xiise xamar cadey xudundeyda ku tuugane radio muqdisho all thnks
guuuuuuuuuuuuuul somaaliya hanoolaato
asc aad baan ula dhacay lkn waa suaale ma mid sii nagaan doontaa waan la is waydiiyaa taa
tan kale yaan la iloowin inaan soomaali nahay micnahayga dadkii qaribaada iyo qaxootiga inaan nahay in ln la iloowo ma ahan
siday ku sii jirtaa tani ayadoo wali dilki socdo qarixina dhaco mobilekina la dhaco
hadaba hadalkaygu ma mid iska dhah ahaa mase waxbaa ka jiro adinka is wqaydiiya taana
buunbuuni yar ma badalayso dabeecadeen ilaa la shacabku qabtaan kii dilka gaystay kii wax dhacayna ay ku oriyeen ama ay eryaan lkn dad diyaar u ah in la dhibaateeyo misna happy ah ma filayo in taa ay u sii jirayso lkn rajada ALLA lagama quusto waan idinkugu duceynayaa hadaadb ahelaysaan ama ay idiin sii jirayso bashiir caato
masha allah wlhi mar walbo waxey iaga heysaa in aan iska fiir firsado jacelka aan u qabo muqdisho darteet jayte intaan iyo in kabadan ayan kaa sugeynaa viva c.fitax dahir jayte
mashaa allah waa wax lugu farxo ilahayna waxaan ka baryeena inuu noo siyaadiyo dal aan dalkaaga ahayn waa dareen ku joog marka dadoo dalaka hala ilaaliyo
Mansha Allah,Somaalia Waa wadanahayggi Waa meeshii aan ku dhashay.Allow noo nabaday.Allow naga qabo Xaasidka ka soo horjeedo nabadda.
Waxaan leeyahay,Qaasstan Xamaree waxaan ku rajeynaya Nuur iyo Barwaaqo aan horay loo araag.
asc waxaan dhamaan salaamayaa soomaaliweyn meel waliba oo ay joogaan waxaan sigaara aan usalaamayaa shaqaalaha iyo maalulka idaacada radiomuqdisho waxaan kaloo salaamayaa madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa waxaan kaloo salaamaya raisulwasaaraha iyo ku xigeenadiisa iyo gudoomiha baarlamaanka waxaan idin leeyahay wadanka waad nuuriseene sii wada dadaalka iyo amniga anaguna waan idin garab taaganahay anoo ka hadlaya soomaaliweyn wasalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
asc waxaa wax lagu farxo ah in aan ujeedno carwooyinka iyo maqaayadaha iyo sida habeenkii loo ganacsaanayo
maasha allaah alle ayaa mahad iska leh nabad amaan na siiyay aloow inoo siyaadi masha allaah hormarka somalia ka socso allow u siyaadi wax walbo aduunka yaaal somali tuulo walbo waa la geynayaa nabad hadii la heli dowlad aan helno insha allaah
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk jecliyaaa radio muqdisho masha alah aaaaaaad maaaan u salamaya shacabka somaliyeed meelkasta oo eey dunida ka jogaaaaaaaan wariyashana waxaan lehay gulest
ascw roonow ilaahow nabad waarto nookeen nafdeenan maalinteeda ay gaarto xulquumta oo cidkuu gargaarto jirin noo kaalmay somaliya waxay noqotay dad aanba kufakarin nolosha qiyaamo oo waxayba kudhawyihiin hadaynaan isdaba qabanin munaafaqiintii susaylimo ibnu kadaab mid waxad arkaysaa sunadii kamuuqato oo maqayadaha intowfadhiisto ku hadlaayo qabiil iyo qurmoonkii sidaasna diinlaguma gaaraayo ee isdaba qabta soomaaliyeey ascw
Maa shaa Allah waan ku farax sanahya muuqaalka wadan keena siiba xamar waana wax lagu farxo Allow nabad nooga dhig iyo barwaaqo oo dhmaan iskugu keen qurbo joogta iyo kuwa xabsiyada ku jira allow iskugu kaayo keen wadan keena anagoo nabad iyo cafimaad qabna insha allah amin amin amin wadankana waxaan u rajaynayaa iyo dowladeena barwaaqo hormar cadaalad kheyr nabad galyo taam ah insha allah
Dalkeeniyo horumarkiisa
Dadkeeniyo wada jirkooda
SOOMAALI isku duubnideena
Bulshoy dagdag uga shaqeeya
oo aan dunidaa hayaantay
Inana dacal aan ka raacno
Dariiqa wanaagsan qaadno
Qabyaalad aynu diidno
Misana dib u dhaca saluugno
Danteena ku dhiiranaano
Kuwaan darajada u dhiibnay
Bal aynu kawada danbeyno
Inaysan dayicin xilkooda
Bal aan ugu wada ducayno
Masha alah somaliyey ducada hala badiyo insha alah waa laga baxa dhibta maalin uun (dhibta laguma waaro dhaxal looma yesho waa laga dhamadaa) insha alaah (from asaxabta tahriibka)
Waxa igu dambesay 2008 dhamanted
alla nabudu macana inta hartayna allow saqir baraf iyo qabooow aya kaw naga sii yay talkada tal aadan ehen wa dareen kujoog
waan kufaraxsanahay muuqaalka nabadeed ee kamuuqda muqdishoow ilaahay waxaan kabaryayaa in uu nabad kuwaariyo aniga waxaa iigudanbaysey xamar taakhdu markay ahayd 23/06/2007 maalintaas xaaladeedu waa xumayd oo dagaal ayaa ka olalayay alow nabad kuwaari dalkeena oo dhan aamiin
Allaaahu Akbar.. Allow dalka inoo daji dhab ahaantii Qof Afka Soomaaliga ahi
ku hadlayo Kolkaan arko qalbiga baan ka
ooyaa.. Qurbo weynu nacnay dalkayaga ban rabnaaaaa!!!
Walaahi aad baan ugu faraxsanahay in sidaa oo kale aanku arko magaalada Muqidhso, walaahi caadi maaha, aad baan u qiirooday waxaaba i heysa beridan ma tagtaa magaalada, tabaabusheysi isk dhaafe.
Wey mahadsanyihiin Radio Muqisho, sida aadka u wacanoo had jeer aad nooga soo bandhigtaan hormuarka uu dalka gaarey iyo waliba Magaaladeena Muqdisho. Ilaahey ha noo kordhiyo Aamiin.
Waad mahadsantihiin Radio Muqdisho.
kkkkkkkkkkk, yaa helikara sidoon oo kale tan waaba farxad faxad dhaaftay habeen oo magaalada Muqdisho sidaa loo dhaxsaconaya dad iyo baabuur, bababaaaaaaaaaaaaaaaaay.
Waan soo socdaa ee ha isugu waayina walaalaheeyoo, ilinta yaa iga qubmeysee, wax waan qori lahaahy, indhaheyga ilin yaa qarisay. Waxaan u mahadacelinayaa nabaddan lagu diirsaday dhammaan intii ka soo shaqeysay up to bottoom. Dunidaay arkag dalkeena iyo caasimaddeena Muqdisho, Xamar cadde, waakan iska fiiri hee. Ka naxoo naaqus. Soomaaali Soomaalibaa leh ee walaalayaal gacmaha aan is qabsano wax yar baa inoo haray. Daa Fariska ha orda, Orod………orod hee.
Radio Muqdisho, mahadsanid. Abaal marinbaa leedihiin, waana idiin siin doona Insha Allaah hadiii dalka aan ku soo noqodo.
ilaahaw adaan kutuuknee noo kordhi nabada waayo waxaa nadishooday baraf iyo qabow iyo kacabsasho ribo ilaahaw nabada noo waari somali somali baaleh