Thursday, September 18th, 2014

DAAWO SAWIRRADA:-Ceelasha Biyaha,Xaawo Cabdi,Lafoole,Carbiska Iyo Afgooye

Published on May 28, 2012 by   ·   88 Comments  ·   59,680 views

Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada deegaannada Ceelasha Biyaha,Xaawo Cabdi,Lafoole,Carbiska iyo degmada Afgooye halkaasi oo dhowaan ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo iskaashanaya ay kala wareegeen Maleeshiyada Al-Qaeda.

Muuqaallada ayaa muujinaya in deegaannadaasi aanay ka jirin wax burbur ah maadaama aysan Ciidammada howlgalayey aysan toos u weerarin deegaannada ay dadku degenaayeen ayaga oo ka taxadarayey qasaare soo gaara shacabka sidaasi daraadeedna ay Ciidammadu istiraatiijiyad dhinaca howdka ah ay deegaannadaasi kula wareegeen waxaana taasi ay qeyb ka tahay Taageerrada ay Ciidammadu kala kulamayaan shacabka.

Muuqaalka Wiil Dhalinyaro ah oo ay gacanta ka jareen Maleeshiyada Al-Qaeda oo isagu ku faraxsan in dadkii tacadiga u geystay deegaanka laga xoreeyo

 

Oday ka mid ah Dadka degan Ceelasha Biyaha Oo Soo Dhaweynaya In Maleeshiyada Al-Qaeda deegaanka laga xoreeyo kana sheekeynaya dhibaatadii ay dadka ku hayeen

Muuqaal muujinaya Roobab durbaba ka curtay deegaanka Ceelasha Biyaha Markii Maleeshiyada Al-Qaeda laga xoreeyey (Mid ka mid ah dadka deegaanka oo roobka dhibcihiisa dalad kaga okoranaya)

Muuqaallo muujinaya jidcadeyaasha Xaafadaha Ceelasha Biyaha

Muuqaalkan waa Xaruntii ay Maleeshiyada Al-Qaeda uga ariminjireen gobolka Shabeelada hoose hadase waa Xor

Muuqaalka kore ee xarunta balse jid cadahan hormara waxey dadku iisheegeen in Seddex Sano gaadiidka iyo dadweynaha socodkooda laga mamnuucay oo Maleeshiyadkii jabay kaliya ay u xirneyd ama isticmaali jireen maantase gaadiidka dadweynaha ayaa maraya

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Ku Sugan gudaha Suuqa Ceelasha

Muuqaaalka Wadada hormarta Xaruntii Idaacadda Andaluus oo ay Maleeshiyaadka Shabaab dadka Soomaaliyeed ka gaaleeysiin jireen

Istuudiyihii Idaacadda Andaluus oo haawanaya kadib markii ay ka carareen Maleeshiyadii jabtay

Wariye Liibaan Cali Nuur oo kamid ah wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka oo hortaagan banaanka idaacadii Andalus

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Calamada oo ah halka ugu badan ee ay dadka sida qasabka ah isugu keeni jireen Maleeshiyada Shabaab ayagoo tacadiyo ku horsameyn jirey

Muuqaalka kore ee Isbitaalka Xaawo Cabdi

Laamiga u dhaxeeya Xaawo Cabdi iyo Lafoole

Gaadiid Khudaar ka keenay gobolka Shabeelada Hoose oo si xuriyad leh ku maraya wadada Laamiga ayadoo Meesha ay ka baxday Lacagihii baada ahaa ee ay Maleeshiyada Al-Qaeda ka qaadi jireen

Muuqaal ka mid ah Laamiga Lafoole

Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka Oo Lafoole ku baaraya gaadiidka Laamiga taasi oo ka mid ah xaqiijinta Ammaanka

Dadka reer Lafoole oo si kalsooni ah laamiga ugu ganacsanaya

 

 

 

Muuqaalka Arri si xoriyad Leh u daaqaya Ayadoo Dadkii lahaana aanan laga qaadeyn Baad Zeko looga magacaaboGaadiidka Ciidammada Xoogga Dalka oo si kalsooni leh ku maraya wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Carbiska ayada oo aanan Ciidammo ilaalo ah la socon 

 

 

 

Baar Ismaaciil oo ay ku suganyihiin Ciidammada Xoogga Dalka

Ciidammada Xoogga Dalka iyo Shacabka reer Afgooye oo si kalsooni leh u wada jooga

Taliyaha Guutada Lixaad ee Ciidammada Xoogga Dalka General Ibraahim Yaroow oo beeraha Afgooye kula hadlay Warbaahinta Qaranka

Sawirqaade Daahir Cabdiweli oo Ka Tirsan Telefishinka Qaranka iyo Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka oo Ku Daamaashaadaya Beeraha Afgooye kadib gudashada waajibaadkooda Xoreynta Dalka,Dadka iyo Diinta

Bidix Xildhibaan Cali Afgooye oo ka mid ah Xildhibaannada Kasoo jeeda Afgooye oo Ciidammada Deeq Dhiiragelin ah u geeyey iyo Midig General Ibraahim Yaroow Taliyaha Guutada Lixaad oo kala wareegay deeqdaasi

Boosteejada baabuurta aada Marka ee ka baxda Afgooye oo gaadiidka dadweynaha laga rarayo

Waa garoon lagu ciyaarro kubadda Cagta oo Afgooye ku yaala

Muuqaalka kore ee Xarunta Agoonta Tadaamun ee Degmada Afgooye

Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

Readers Comments (88)

  1. ismail says:

    asc radiomuqdisho iya dhamaan soomaalidoo idin waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo waxaan leeyahay cadawga soomaaliyeed oo dhan ha jabo meel walbo uu jooga iya cadawga muslinkaba gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed ha guuleeystaan waxaana u rajeeen inshaa allaah in eey dalka oo idil kala danbeeyntii kusoo celi doonaan hadii ilaah raali ka naqdo hanbalyo mar sadaxaad meeshiinana kasii wada howsha aad u heeysaan umada soomaaliyeed inshaa allaah waadna guuleeysane hadii ilaah raali ka naqdo wabillaahi towfiiq..

    • NABADOON says:

      HAMBALYO,HAMBALYO,HAMBALYO… CIIDAMADA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED IYO KUWA AMISOM WAXAAAAN IDIIN LEENAHAY NOOLAADA GUUSHA AAD U SOO HOYATEEEN UMADA SOOMAAALIYEED MEELKASATA AAD JOOGTAAAN. INAGANA WAYNU IDIN LA GARAB TAAGANAHAY HII IYO HOOBA, ILAAAHAYNA WAYNU IDIIN TUUGAYNAAA IN CODOWGIINA JABIYO(AAMIIN) AL SHAYAADIINTA AFKA SOO BUURSATAY OO LAMAGAC BAXDAY (AL HABAAAB)WAXAAN LEEYAHAY BOHOL ALLE IDINKA TUUR OO HUF IYO HAF BAX IYO BUX, BUS IYO BAS ALLE IDINKA DHIG OO MID MID DHULKA ALLE IDIN LA GOO (AAMIIN) KU WANI UMADII SOOMAALIYEED BAY NAFTA U KEENEEN EE ILAAAHOW KU WAAS NAFTA U KEEN OO NAGA QABO (AAMIIN)

  2. Arimaheena says:

    Good Job, really am so happy Thanks Radio Muqdisho, Specially Abdifatah Jeite

  3. aad ayaan ugu faraxsanahay in laga saaro dalka kuwii umada dhibayay ilaah ayaa mahad iska leh ilaah ayaad mahad iska leh allow hanoo soo celin allow somali hadaa nahay dhibaatadaan oo kale hanoo soo celin allow kuwaas shartooda na mooti allow kuwaas shartooda inti muslim eh ka ilaali

  4. Maaashalah waad mahadasantihiiin radiomuqdisho wariyaasheeda iyo dhamaan bahda saxaafada aan dhaho si xad dhaaf ah ayan ugu farxay mudo ka dib markii aan milicsaday quruxdii dalka allow ciidanka xooga dalka ´garabkooda gal allow cadowga ka qabo wadanka allow adiga ayaa alle ah ee ciidankayna noo hagaaaji allow adiga ayaa alle ah maashaalah guuul guuuuuuuul guuuuul aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay maashaaalah somaliya ha noolaato

  5. BASHIR CADE says:

    MADAXWEYN SH SHARIIF NOOLOOW,WAXAAN KU FARAXSANAY CIIDDANKA XOOGA DALKA GUUSHA GAREEN,AL SHAYDAAN BYE BYE

  6. jamal007 says:

    wa ku mhadsantihiin radio muqdsiho sawirda sharfta leh ee aad noso badhigteen wana ilaah mahadii in shabaab jabeen guuuuuuul xds runtii Eebe wanagu maneystay dhul aad u wanaagsan barwaaqo idhah uruun

  7. bile says:

    waa arin farxad leh degmadii afgooye oo dalagii cagaaranaa hadii maanata shabaabka laga saaray

  8. Dahir Dalabeey says:

    Masha alh ilaah nabad aa kuwaarno hana siiyo wlh dhulkaani aad ayuu uqurxoon yahy, Radiomuqdisho adinkune waa mahadsantihin,sida wanaagsan oo noogu soo gubdisaan Sawirada Dalka.

    • maanyo says:

      Meelkasto oo la xoreeyo waa in lagu dhajiyaa calankeena quruxda badan ee Soomaaliya. haka dhex muuqdo si loo ogaado in ey soomaliya soo laabatey.Mahada sanid

  9. cali,yare says:

    maasha,alaaaaaaah,walaahi,waxasuus,goormaa,iigudanbaysay,ceelasha,biyaha

  10. deljecel says:

    Masha allah ilaah ayaa mahadleh marka labaad dhaman shaqalaha radio muqdisho iyo ciidamada qalabka sida waan umahad celinayaa run ahantii guushaan waa mid aad uwayn oo aan sugaynay in badan runtii cawa daren kayga wax aan ku qiyaaso magaranay farxad ayaa idhamaysay waxa kaliya oo noodhiman waa kismayo marka iyo jowhar insha allah ayagana mardhow waan tagaynaa ciidamada qabadka sida aad ayaan idun kugu hambalyaynayaa guuuul guul

  11. somali says:

    masha alaah ala dhulkaygu qurux badanaa alow nabad iiguso dabaal, waxan u mahad celinayaa marka hore alaah,marka xigana ciidamada xds oo naftooda u huray iney ka xoreeyan bahalada dhulkeeni wad mahadsantihiin horay usocda, waxan kalo umahad celinayaa radio muqdisho guuul somaliya ilahow sharafti nalagu yaqaanay noso celi

  12. Halgame says:

    waxan hanbalyo iyo bogadin u dirayaa raayada ciidamada qalbaka sida ee dalka somaliyeed gusha iyo hormarka aya kasameyeen dagalka lagula jiray argagaxisada waxan edin lenahay hakadaalininina kamiradhalinta nabada somaliyeed anganah waa idin garabtaaganahay

  13. yuusuf says:

    waaw waxaas ayaa lagaa dhahaa ciidanka googa dalka soomaaliyeed alle waxaa ka baryaa haraga haray ka guulestay maa sha alaah `

  14. mohamed says:

    maashaa alaah waxaan halkaan ugu mahad caelinayaa alaah subxaanahu watacaalaa kabacdina CXDS si gaar ah waxaana leeyahay bursha haraayga heray kuwii guuleestana alaha niiga dhigo waa wax lagu farxo guusha is daba joogta oo aad soo hooyneesiin soomaalia hanoolaato love you ,,,,,

  15. Abdurahman Omar Gaabane says:

    Nabdu qurux badanaa soomaliiye aan wadankeyn dib u dhisano qurbo la joogo waan ka daalnay.Ciidamada wadaniga waad mahadsantihiin ilaahey ha idin garab galo

  16. roble says:

    waxaan u habalyeeynayaa cxds radio muqdisho sawirada hagar la aanta ah aad noosoo gudbiseen sida fiican aad nooga haqab tirteen waad mahad santihiin

  17. c.raxaman shidane says:

    hanblyo hanblyo ayan leyahay CXDS iyo wariyayasha radioga qaranka hadan iman karna kana shaqayn dona amanka so qabqabn dona iyagana nagu dhex dhumaylaysanaya waxan arka magaloyin ay mar hore igu danbeday mahadi haka garto wariyayasha qaranka

  18. scw magacayga waa maxamed xuseen shekh aadan runtii aad iyo aad ayaa qof walbo oo somali igu farxayaa markii arko sawiradaan ka turjumaayo dagmada igu qeraadka badan somalia runtii xaadaadi ayaa istaagayso ilaahayow wadankeena nagu so celi runtii aad iyo ayaan idinku mahad calinayaa shaqalada da da yar ee radiomuqisho waxa tihiin dhalinyaro yar yar oo masha laah oo shacebka somaliyeyd si kalsooni igu adeegaayo isha alaah hada ka dib uma noqon doono dagaal iyo gaajo ilaahey hanagu simo halahaan colaad iyo jahwarer shacebkeena somaliyeyd ilaahey nabad iyo cadaalad waarto ha siiyo aamiin amiin

  19. ADUUNYOY waalaleey aduunyoow waayo badan waa meeshaan ku mnoolaa jiray AFGOOYE shansano ka hor lakiin hada waxaan ku noolahay DALKA CANADA insha alaah waqti dhaw ayaan ku noqonayaa wadnkayga HAMBALYO CIIDANKA XOOGA SOMALIYEE Dsaas ayaa laydin karabaa guulaysta insha alaah dadkiinana u tura wa bilaahi tawfiiq wsc

  20. wadani dharkaynley says:

    maasha allah, mahad idilkeed waxay usugnaatay allah subxanuhu watacaalaa, marka xigana waxaan guul ku waara leeyahay cxds oo soo celiyay sharafteenii, maasha allah ilaah garabkiina ha galo ayaan leenahay, waad mahadsantihiin bahweynta radiomuqdisho, howsha aad shacabka u haysaanaa waa mid ay ku qanacsanyihiin dhamaan inta ka maqan dalkooda haba ugu horeeyeenee, guuuuuuuul guuuuuuuuul guuuuuul, insha allah……

  21. Abdi says:

    Maansha allaah waa wax lagu farxo umada Somaliweyn oo nabda usoo hoyatay maasha allaah cidimada dalka dadka iy diinata oo halgamay waxaan idin leeyahay ee wada dadaalka aad ugalay saan umada somliweyn waa aniga oo ha mahamed muhumed hassan oo ku hadalay magaca umada somliweyn

  22. yussuf osman says:

    Waxaan ahay wiil somaaliyeed oo ku nool cariga mareykanka dhigtana jaamacad waxaan hambalyo leeyahay ciidanka xooga dalka shaqada aad qabateen inta ayaan ugu jeedaa waan jeclahay maanta inaan garabkiina istaago laakin waxbarashada ayaa dhexda ii mareyso lakin maalintaan soo bogo meelkale ma abaaraayo somalia kali ah ayaa i taqaan. kuma dhalan kuma korin somalia lakin maalin walbo waxa ay tahay dawladnimo iyo ku noolaashada dal adiga aad leedahay waxaan ka arkaa sxbdeyda aan jaamacada isla dhigano. waad mahadsantihiin waad mahadsantihiin waad mahadsantihiin ha u shaqeynina dawlad ee waxaad u shaqeysaan sidaan dalkeena nabad ugu dhigi laheydeen waan jeclahay inaan u dhidhido somalia lakin amuuraha iyo tabarta ayaa i xanibeyso. midakale waxaa mahadsan radio muqdisho abaalkiina wax lagu gudo malahan waad mahadsantihiin. gobonimo dawlad cadaalad isjeclaan ayaan idiin rajeynayaa. markale mahadsanidiin.
    Allow dalkeyga nabad ka dhig allow dadkeyga is jecleysii allow qalbigooda isu keen allow nabad waarta inoogu deeq aamiinta ila qabta

  23. Xuriyo says:

    War meesha u dhaxaysa Xamar iyo Afgooye Xamar 2 ay noqotay; waxaan fahmi waayay sabata loo weeraray meesha; ileen Shabaabka lacag iyo wax u dagaalam ay meesha u ugaarsan jireen; hadda waa faro maran yihiin; waa u dhamaatay; ninkii askarta ka tirsan oo dadka u dhibaato u gaysta xeerka dagaalka halug qaado; wuxuu iska horkeenaa shacabka iyo Dowladda; waxaan u hambalyaynaa ciidanka Soomaaliyeed, iyo ciidanka Afrika oo nagala qaybqaatay xuraynta Soomaaliya; waxaan leeyahay Soomaaliya ma idin iloobayso; anagana waxaan qayb ka noqonaynaa xurayta dalal kale ee Afrika; saan hadda ka horba samaynay; marka amaanka hala adkeeyo; nimankii waxay rabaan inay bilaabaan ku dhufo oo ka carar; ma samayn karaan, haddii la haysto taageerada shacabka; waxay noqonaayaan malay biyo waayay; laakiin hadda la lumiyo taageerada shacabka, waxay noqonaayaan malay biyo ku dhex jira; tan waa in la ogaadaa. Waa mahadsantihiin; Radio Mogadisho, waa mahadsantihiin; maalmihii hore ma keenin sawiro, marka waxaan isdhahaynay see wax u jiraan. Mahadsandi mar labaad.

  24. Daacad yare says:

    Guuuuul c x d waa mahad santihin hawen iyo sidaa dadka uku adegesiin guuuul

  25. omar says:

    somaliya somalibaa leh difaaca diinta dalka iyo dadka waa muqadas viva xooga dalka somaliyeed

  26. hassan aly says:

    ASC WR WB WAA ILAAH MAHADII HADDII MAANTA AAN CEELASHA BIYAHA AAN MASAAKIIN LAGU DHIIBAATAYNAYN ..FEB/2010 ANIGOO QURBAHA KA TEGEY AYAAN TEGEY CEELASHA MARKII AY MOORYAAN DIINEEDKA JOOGEEN TAXI AAN SAARNAA AYAA SHIDAAL UGA SHUBANAAYAY MEEL WADADA DHEXDEEDA AH OO HADABA AAN SAWIRKA KU ARKAY {BAKAARO YAREEY} AGTEEDA NIN MOORYAANTA KA MID AH OO QORI AK47 AH WATAA AYAA CAASI XAGA AFGOOYE KA YIMID KA SOO BOODAY MARKAASUU ISLAAN AAN KU QIYAASAY AYAYDIIS OO KALE AYUU QORIGII LA DHACAY ,ISLAANTA DA’DEEDA WAXAAN KU QIYAASI LAHAA 60/65 WEYNA ASTUREYD XAQIIQDII ARINTA MA FAHAMSANAYN ANIGU MEESHA WAAN KU CUSBAAYE WAXAAN IRI MAXAY HALAYSAY WAXAA LA I YIRI DHAR AY IYAGU SUUQA KEENSADEEYN AYAYNA WADAN ….WAA CAJIIB…INTAA ISLAANTII GARAACAY OO AY MEEL DABAKAAYO AH KU CARARTAY AYUU KASOO NOQDAY ISAGII OO QUSLAAYA …WAA YAAB INTAAS WAXA AAN ARKAY ANIGOO JOOGA MEESHA WAX KA YAR NUSAAC MAXAAD U MALAYNAYSAA WIXII JOOGTA UGA DHICI JIRAY ILAAHBAA NAGA DULQAADAY INTA YAR EE HARSANA ILAAH HANOO DHAMAYSTIRO…U MALAYN MAAYO WAX KA XUN KUWAAS IN AY DUNIDABA JOOGAANE ASC WR WB..

  27. alxamdu lilaahi says:

    waa guul ilaah mahad leh iyo ciidamada ilaah garab siiye iyto waxa u mahad dhaqaa ciidamada amisom

  28. Asc dad qalatadii Wa jabeen dad kafikirxun wali imaso marin Wa sida yuhuuda oo kale ilaah garab idinma siiyo adun iyo aqiro amiiin

  29. shukri hassan says:

    ASC ANIHA MAANTA FARXADEEDA LAMA SOO KOOBI KARO LKN WAXAAN SUGABA WAA JOWHAR IYO BALCAD OO LA XUREEYE ILAHAY HA XAFIDO CIIDANKEENA IYO MADADEENA

  30. feysal says:

    masha alh waa wax lagu farxo

  31. ali ahmed says:

    masha allah wadadaan dher 2years ka hor waxan kuso marey anigo iga jogto allow nafuro waxan kaliyaho nacayay cadowga qaranka o meshaas gacanta ku hayay mantana waxa ku damashadaya cidanka qaranka somaliyed iyo shacankii o is garabsanaya wa guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul umada somaliyed u so hoyatay waxana mahadeda iska leh alle ka sokow cidana xoga dalka iyo madaxweynaha illah ha dhowre guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul qaranka

  32. mukhtaar says:

    ascwrwb ceelasha biyaha si aan caadi ahen ayeey u dhisantay yaana la ilobin celasga hada waa magalo yaana xamar loowada cararin celsha waxi xamar yalo wayalan hala siidhiso magalada dowladane dadka dagan celsha iskol iyo xarumo cafimaad u sameya wadankane waa wada camirmaa halmagao yona noqon oo xamar kaliya eh wbltfq

  33. Nabad Jaceel says:

    IISHII BUKTAAY KU BIKAACSO WATA CIIDAMADA GAASHAMAN E XOOGA DALKA DAGAALKA UBAXOO BAA,BIYEY CADOWGII,KUWI KUDOONAYEY MADAX BANAANI MUQDISHO BAA BA,DA IYO DAGAALKEDA, KII KU BAAHAYOO WAA BAB,AGA,KII UBAGAYOO WAA BAAYADAADA,WA BARWAAQEENTA SOOMALIA DIB USOO CELISATAY NABADEEDA SOMALIIA,WAA SOOMALIA KASOO BAXAEESA MUGDIGA, WAA SOOMAALI BARAARAHEEDA, ISHII bUKTAAY KUBIKAACSO WAATA SOMALIA NABADEEDA USOO IFTIINTAY EE KII KANAXAY NAFTAA WAAY KII KU FARAXSANOO KUNAAWUL NABADA SOO IFTIINTAY FIFA SOOMALIA GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUUUUL GUUUUUUUUUUUUUUUUUL.

  34. Mohamed says:

    Waa muuqaal wacan

  35. aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay sawiradaan aad noo soo gudbiseen oo xaqiiqada ah

  36. Yousof says:

    asc dhamaan somaali weeyn waxan leeyahay
    Hambalyo waa Guul Inoo soo hoyatay waa
    inaan taageernaa xooga Dalka Qurbajoogta
    weli ma maqal iyadoo la leeyahay Lacagtaa
    ama Dawadaa waxaan ku taagereynaa ciidanka xooga dalka maantay waxa eey joogtaa axyaa Wadani somali ha is raacdo Guul Guul

  37. asad ciise says:

    FILINKII BIN LADEN WAA UU DHAMAADAY .AL SHABAAB WAA AY FAQRIYEEN .

  38. Wadani says:

    Maasha Allah waa wax lagu farxo inta dhimana hadda ayaa laga cirib tirayaa Khawaarijra calooshood u shaqaystayaaha ah bi’idnilaahi kariim.

  39. ahmed says:

    GUUUUUUUL WELIGIIN……….

  40. raowal says:

    Masha alah waa wax lugu frxo Waaye Camal iyo Guul

  41. nuure says:

    waa wax lagu farxo ee dowladu hasameeso iskuulaadkii waxbarashada hay adihii dowlada si dadku umashquulaan dadkana hala dhiiri galiyo wasiiradu hatagaan xildhibaanadu hatagaan aqoonyahaniintuna hatagaan thankyou waa nuure oo jooga Nairobi bye

  42. A S C HANBALYO GAR AHAAN XDS IYO DHAMAAN UMADA SOOMAALIA XAQ IYO BAADIIL MASIMAN OO MACALIN DUGSIHAAYO IYO MORYAANTA MASIMN MIDKII U ADEEGO DALKIISA IYO KIIDUBTO DADKIISA MASIMAN MAYA MAYA SOOMAALIYEEY AN TAGEERNO NABAADA IYO WANAAGA WAXI WADA INSHALAA WAN GUULEYSAN DOONNAHE WA BILAAHI TOFIIQ

  43. Asc dhaman waan salamaya radiomuqdisho marka waxa ku farxasan hay in an arko sawirda deganaka celesha ciyaha waxa ku mahasanada wariyasha somaliya m

  44. ali says:

    guushu waa mid loo baahanyahay marwalba

  45. abdirahman yare says:

    masha allaaaaaah guuuuuuuuuuul umada somaliyed hore usiii socda alqaacida flimkeda waa dhamaatay

  46. wadani yare says:

    waa waxlagu farxo waxane leyahay ciidamada xooga dalka soomaliyeed guulees waane ugu hanbalyeynayaa shaqada ey qabteen oo gesinimada ku dhehantahay…dheldhel malagu qaban muuqaalkan aad arkeysiin ninbaa dhiigisa iyo dgecenkiisaba uso huray haben iyo maaline difac u jifay ..runtii waanku farxaa markan maqlo arimo katurjumaayo dib u dhiska dalkeyga iyo dowladnimadeyda ALAHAYOOW SOOMALIA OO DOWLAD KA DHISANTAY INDHAHA II SAAR…radiomuqdisho.waxan dhahaba waan aqoon wayay sida daacad nimada ey ku jurto oo sacad walbo noguso gudbineysiin isbadalka wadankena

  47. jubbagirl says:

    VIVA xooga dalka iyo Amisom guuuuuuuuuuuuuuuuuuul ilaahey ha idin siiyo dhulkana allah kaxoreeyo sheydamaha

  48. ahmed hasan says:

    asc salaan kadib waxaan kunoolahay dalka south africa magaceeyga waa ahmed hasan, da`deeyduna waa 27 jir, noloshadeeyda markii laba loo qeeybiyo qeeyb waxaan kusoo qaatay qurbaha,maantana waxaan dareemayaa farxad aan halkaan lagu soo koobi karin, maxaayeelay waxaan arkayaa dalkeeygii iyo dadkeeygii oo aad u faraxsan, tilaabo hormar lehna qaaday, waxaan soo xasuustay maanta maalintii ay maxaakiimta lawareegeen wadanka, u sida aadka ugu dhex muuqday madaxweyne sheek shariif sheekh ahmed,nabad diidka madaxweynaha waxey yiraahdaan shariif lasoo gamay lakin aniga waxaan leeyahay shariif lasoo diray,maxaayeelay mar waliba oo soomaliya guul gaarto asaga ayaa hormuud u ah sidaas daraadeed waxaan leeyahay madaxweyna shariif ilaahey ayaa usoo diray inu dalka iyo dadka soomaaliyeed kasamata bixiyo dhibaatooyinka iyo calooshood ushaqeeysta yaasha, waxaan kusoo gaba gababeeynayaa soomaali hanoolaato,xooga dalkana hajiro, ilaaheey yaa mahad iyo shukri mudan.

  49. kabotooy says:

    asc dhaman umadda soomaliyeed meel kasdtoo ay joogaan /ciidamada qalabka sida gaar ahaan ciidamada xooga dalka waxaan lee yahay hambalyo tan kale waxaan lahadlayaa shacabka war lashaqeeya ciidamada si aad u heshaan nabad buuuxda ama loo cirib tiro alqaacidada wabilaahi toowfiiq

  50. caaqil says:

    asc hambalyo cxdalka iyo radio muqdisho

  51. xasan xuseen says:

    asc allaah ayaa mahadleh marka xigtane cxds mar hadii la xureeyay muqdisho iyo duleedka magaaladda muqdisho iyo weliba magaaladda afgooye hadda ayeey shacabka nasanayaan inta kujirtane gacanta duliyiinta waa la xureen doonaa

  52. Wadani says:

    ASALAMU CALAYKUM

    GUUL GUUL SHACABKA SOMALIYEED U SO HOYAYETAY ILAAHAY CIIDANKEENA XOOGA DALKA IYO AMISON HA U HIILIYO KUWA CADOWGA AH OO SHACABKA XASUUQAY ILAAHAY HANAGA QABTO

    MIDNIMO XORNIMO QARNIMO MUSLINIMO AAN GARAB ISTAAGNO SHACABOW MAANTA AYAN HORUMAR BILAABI HADI ALE CADOWGII INAGA KICIYAY

  53. Maxamud says:

    Ilaah haguuleysiiyo CXDS iyo ku Au da

  54. abdul says:

    waaaaaaaaaaaaaaaw and waaaaaaaaaaaaaaaaaaaw waa sawiro aad iyo aad noo tusaya in wadanka nabad kusaalaabtay waana mahatsantihiin radiomuqdisho thanks

  55. cabdale says:

    war dhulkeenu masidaan ayuu unuurayaa

  56. DHIMBIL YARE says:

    asc somalia hanoolaato.
    waa wax lagu farxo. hamoogaan xasuusta somalia

  57. madina says:

    maa sha alaah waaa kheer mar hadeyba nabad tahay oona dhiig ku daadan waa kheer maa sha alaah waa in shacabka na bad baad shaa maxaaa yeelay 21 sano ayeey dhibaato ku jireen .

  58. waku farax sanahay ciidamada Qaranka somalia
    guushee gareen aad ayaa ugu habal yeenaa ciidan ka qaranka somalia ilheey garab buuxo xasiiyo

  59. musharaf macalin abdi says:

    asc dhamaan shaqaalaha radio muqdisho iyo samaliyoo dhan waan idin salaamay salaan kadib waxaan leeyahay hamabalyo hambalyo guusha ey gaareen ciidama qalabka ee dalkeeena hooyo waxaan idin leyahay waad guuleysateen anakana waxaad nosoo howseen guul lama ilawaan ah ilahey ha adinla garab galo intii ku dhimatayna allaha uxariisto janadiina allaha geeyo wixii noolna insha allah waa la amaal mari doonaa guusha aad usoo howseen shacabkiina anakuna waan idin garab taganahay hadii aanahay shacabka somaliyeed

  60. asc dhamaan walaaalaha muslimiin guud ahaan ahaan gaar ahaan wariyaasha iyo howlwadeenada idacadda iyo TV-ga qaranka aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa umadda soomaaliyeed guusha ay gaareen gaar ahaan ciidamada umadda soomaaliyeed ee u istaagay in cadowga umadda ay ka qabtaaan walaahi aad ayaan ugu farxay markaan maqlay warka sheegay in ceelasha ilaa afgooye laga xoreyay alqaaacidada foosha xun waxan ahay nin ka maqan muqdisho kuna nool magaalada hargeysa qabashada degmada afgooyana aad ugu faraxsan waayo afgooye waa meeshii aan ku soo barbaaray gaarahaan xarunta agoonta ee dataamun laakin asal ahaan reer muqdisho ah hargeysana ku soo barakacay mar labaad iyo mar sedexaad waxaan leeyahay ciidamada guul allaha siiyo insha allah reermuqdisho ramadaanta ayaa muqdisho inoo balan ah inagoo xor ah

  61. Hassan abdi aaden says:

    Asc dhamaan walaalaha muslimiintagaar ahaan reer soomaaliya ayaad ayaaan idiin salaamaya walaahi waa taariikh aan la ilaabi doonin xoreynta ceelasha ilaa afgooye waxaan ka sugeynaaa mujaahidiinta qalabka sida inay ka xoreyaan alqaacidada wadanka ku soo duushay ciidamada qaranka ayaa mujaahidiin dhab ah laakin alqaacidada ka daba meereysata dumarka iyo caruurta iyo ardayda mujaahidiin ma aha allaha cadaabeee

  62. Hassan abdi aaden says:

    Asc dhamaan walaalaha muslimiinta gaar ahaan reer soomaaliya ayaad ayaaan idiin salaamaya walaahi waa taariikh aan la ilaabi doonin xoreynta ceelasha ilaa afgooye waxaan ka sugeynaaa mujaahidiinta qalabka sida inay ka xoreyaan alqaacidada wadanka ku soo duushay ciidamada qaranka ayaa mujaahidiin dhab ah laakin alqaacidada ka daba meereysata dumarka iyo caruurta iyo ardayda mujaahidiin ma aha allaha cadaabeee

  63. walaalayaal ciidamada qarankow dhiigu waa dheeman wan ognahay lkn walalayaal waxaad aad adareeska ulabasateen waa ınaad dalkiina cadowga kadifaacdaan anigu dalka waan karajadhigay labosano kahor wlh maantana waxaan arkaa mustaqbalkeenii oo soolaabtay waayo nimankaa ladagaasheeen taariiqda laguma arag wax lamida xaga xumaanta iyo fisqiga ilaahey ha idinka ajarsiiyo anagana waan idin garabtaaganahay radiomuqdishana waad arki doontaan shaqada aad nooqabateen abaal gudkeda walaalayaal guul wacan

  64. Masha allaha aadba u mahadsantihin wariyayasha qaranka oo isku howlay inay no gudbiyan sawirada melihi laga cayriyay kuwi dinta sheganayay wana wax lagu farxo kuwas oo la bursaday sidi wada an ini leyahay shaqadina

  65. Baariow says:

    “Dowlada kmg ha guuleysato” All-qacida yenan dib ugu soo naqan goobihii laga bixiyay insha allah & Doolada dhalan doonta mid fiican oo Diinta,dalka iyo dadka u torta Amiin Amiin!!!

  66. geesey says:

    waxaa mahad oo dhan u sugnaatay ilaahii naga kiciyay nimankan diinta sida qaldan dadka ugu fasiray misana umadii gumaday nagana dilay intii doorka u ahayd wadankeenii hooyo iyo cid walba ay is dhahayeen waxtar buu u lee yahy wadanka rabi baa iga sareeyee niyadaydu maanta waxay la mid thy ninka qoriga sidee sii baacsanayo dad qalatada dhiiga umada uun ku soo kacdo. tan kale radio muqdisho waxaa lee yahy habenkii xiliga aan guriga imaado waxaa ku ciil goyaa wararkina heesaha wadaniga aad barnaamijyada saartan anigoon dhagaysan hurdada igama soo dhacdo ama xitaa aan la ilamayn heesaha wadaniga wadankada oo aad jeclaataa waa iimanka barkisa .XUBUL WADAN NISUFIL MINAL IIMAN YAA HORAY LOO YIRI. marka nin walba danbiguu glay waa la og yahy

  67. abdul says:

    warka waxaan kusoo kabaa mashallaaaaaaaaaaaaaah cidadma dowladeena iyo kuwa dariskanahay ee naftooda hurayba garabkooda kor a haaado guulbna waan urajeynaa

  68. axmed cali says:

    mash alaah war cusub

  69. Qabobshe says:

    asc.. aniga keliya waxaan codsan lahaa in meesha ay qabtaan dadka nabad dareensiiyaan oo aan la arkin baad iyo leejo iyo wixii umada dhibaayo keliya waxaan rabnaa dowlad na difaacda waxaan u oomannahay waa nabad

  70. barre says:

    maasha,allaah,maasha,allaah,maasha,allaah. waa guul u soo hoyatay dhammaan shacabka soomaaliyeed, waxaana marka horeammaan mudan allihii u suurta galiyey cxds iney la wareegaan deegaannadaan, marka labaadna waxaa amaan mudan ciidamada xooga dalka soomaaliyeed intaas kadib waxaan aniga ra,yi ahaanteyda aan cxds ama dowladda kula talin lahaa (waa haddii leyga yeelayee) ineysan shacabka dhibaateynin si hadhow aysan shacabka u dhihin shabaab aa noo dhaantay iyo iwm, haddii laakiin aad dabeecad wanaagsan kula dhaqantaan oo nabad gelyadana kor u qaadaan oo shacabka ay dareemaan iney shabaab ka reeysteen haddee waa sidii loo baahnaa, dowladuna wey guuleysaneysaa insha,allaahu. intaa kadib waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa radio muqdisho oo noo fududeysay inaan caawa halkaan ka daawanno deegaannadii laga xoreeyey qawaarijta,waxaana idin leeyahay halkaas kasii wada howsha wanaagsan ee aad shacabka u heysaan kolley mar unbey taariikhdu idin xusi doontaaye insha,allaahu.

  71. Sahra says:

    Mashallaha thank you radio Muqdisho heestan I love it.
    “Nafaqadiinu waa guul neeftiinu waa calan natiijadiinu waa gobanimo laga nasto lagu nagaadee; ha noogina ha noogin natiijadiinu waa gobanimo lagu nastoo laga nagaadee ha noogina ha noogina geesiyada naq iyo doog nuurku baxaayoow necaaw xurnimo nolosha uhurteen ha noogina ha nooginaa nafaqadiinu waa guul.
    viva ciidanka xooga dalkeena.
    Xamar caddeey soo noqo adoo nabad ah.
    Guuuuuuul iyo gobanimo Somaliya.

  72. MUWADIN SOMALIYED says:

    asc radiomuqdisho iya dhamaan soomaalidoo idin waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo waxaan leeyahay cadawga soomaaliyeed oo dhan ha jabo meel walbo uu jooga iya cadawga muslinkaba gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed ha guuleeystaan waxaana u rajeeen inshaa allaah in eey dalka oo idil kala danbeeyntii kusoo celi doonaan hadii ilaah raali ka naqdo hanbalyo mar sadaxaad meeshiinana kasii wada howsha aad u heeysaan umada soomaaliyeed inshaa allaah waadna guuleeysane hadii ilaah raali ka naqdo wabillaahi towfiiq..

  73. Ismail FBI says:

    Mashaa allaah al sheydaan waan Ka guleysanay, Guuuuul guuuul cidanka xooga Somaliyeed

  74. guuuuuuuuuuuuuuuuuul farxada aan dareemayo alaa og maansha alaah

  75. wadani says:

    mashaa allaah walaali aad iyo aad ayaan uqiirooday marka aan arkay ciidan soomaaliyeed oo waajib koodii gudanaya iyo hiista qaran aad inoo saarteen , wale marka aan muqdisho imaado dhamaan shaqaalaha radiomuqdisho waan wada casuumi inshaa allaah

  76. liibaan says:

    WAR MA IS TIRAAHDEEN CEELASHA BIYAHA IYADAABA XAMAR KA QURUX BADAN WALAAALAYAAAL ANIGA WAANBA YAABANAHAY E WALLAAAAAAH SOOMAALIYA WAAA DHISANTAY SIDA LAMOODAYO BA MA AHN WALLEEE,,NASHAA ALLAAAAH

  77. MASHA ALLAH WALAHI WAXAAN DAREEMAYAA FARXAD IYO REYN REYN ANOO JOOGO YURUB AYAAD WAXAAD UMOODAA NIBANKAAS KOOBAHA LAGA QABSADAY IN EY NEEF IGA SOO GO,DAY EY TAHAY YACNI MARKEYKII HORE WAXAAN AHAAY QOF CARIIRI BAAS KUJIRO BALSE HADA INTA DEEGANADA YARAA LAGA QABSADAY AYAAN WAXAAN DAREEMAYAA FARXAD IYO REYN REYN OO WALIBA CARIIRIGII AAN KA BAXAY MAASHA ALLAH ILAAHAYOW INOO SIYAADI NABADA IYO XOREYNTA AMA HANASHADA WADANKA OO IDIL DOWLADA FEDRALKA BALSE WAXAAN UGA DIGAYAA CIIDAMADA QARANKA IN EY ISKA ILAALIYAAN XAQA SHACABKA SOMALIYEED YEESAN KU HUGOOBIN INSHA ALLAH DOWLADANA WAXAAN KA RAJEYNAYAA IN CIIDAMADA MUSHAARKOODA SI HABSAMI LEH EY U SIIIN DOONAAN WAAYO HADII CIDAMADA MUSHAARKOODA JIIRO AW GALO WAXAA MESHA SOO KALEYSO KALSOONI DARO EY MADAXDA KA QAADAAN KADIBNA EY SHACABKA BAARIS AMA DHICID UGU DHAQAAQAAAN ILAAAHOW ADAA MAHAD ISKALEH OO INTAAN DOWLADA U SAHLAYEE INTA DHIMANA DHIB LA,AAN UGU SAHAL DOWLADA MAAMULKA IDAACADANA WAA EY MAHADSANYIHIIN KHEYR ALLAHA INI SIIYO AYAAN INI LEEYAHAY

  78. alxamdu lilaahi ilahaa mahadale rasuulka aa fadlileh scwk dhmaan inta jecelnabada waan salamay bahda idacada iyo tala fishinka qaranka salaan qaasa wax yar ayaa dhiman dulqaadka hala badiyo galada ala hanaga qabto shabaab waa mujrimiin ilahey ka furtay ayaga ayey heysataa maanta waad arag taan ciidan ka qalabkasida wexey gacanta ku dhigeen nin dadka laa yay xolohooda iyo gac mahooda haween xaraan ku guursaday bal maan maxuu ku jawaabayaa cadaabta kahoosmarwabad mariyi

  79. Xaaji arile says:

    Alaha ayaatmahad iskale

  80. hassan says:

    waagul u soo hoyatay umada somaliyed

  81. cali axmed cali says:

    somaliya ha noooolaaato

  82. asc wa in salamay anig oo aha teste am Abdullahi m m 100/100/ mahad san G/Sare oo jo wandka london waxa an radi ya tik an ku so bax hadi ilaah inshalah somaliya manshalah mahad ilaah mahadsan dolad somali 100/ iyo 100/ mahadsan iyo ciid xoo dal somaliay

  83. xuseen says:

    walaalayaalow heestaan ii sheega magaceeda waa hees aan jeclaaday oo qalbiga ii furtay !!!

  84. abdirisaaq baala iyiraah daa says:

    mashaaa allaaah waad ku mahad san tihiin sxbayaal wariyaya shaa raidomuqdisho saa kuwada sxibayaal waan kufarax sanahey sidaan aay wax noo gu soodirtaan waxaan leenahey hagoolesteen ccidamada dowladu markasta iyo xalad kasta alle hanoo sooceloyo dowlad wanaagsan

  85. yusuf says:

    waxaan aminsnahay hadii xamar uu nabad buuxdo helo in uu ku dhismi doono si deg deg ah maxaa yeelay ceelashu sida loo disay ayaan la yaabay masha alah ilahey somalida qaluubtooda mid haka dhigo amiin

  86. ilyaas says:

    sc radiomuqdisho iya dhamaan soomaalidoo idin waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo
    wallahi markaan arkay meshaan waan ooyay waxaa kujirto lafoole meel aandaganaay waye 15 år sano ayaan daganaay hadane waxaan kamaqanayhay wadanka 10 sano wana soolabanayaa balanwaaye guuuuuuuul doolada asc




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Wanlaweyn+amison4

Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada oo lagu qabtay Wanlaweyn

Kulan lagu taageeraayay howlgallada Ciidanka XDS ay ka ...
dhuxulow 3

Wasiirka Warfaafinta oo Ammaanay doorka hoggaamineed ee UK

London, 18 September 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-18-9-2014.mp3"][/audio]
jawahir baarqab

Kulan looga hadlayay doorka haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
P1050508

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xarunta Chatham House ee London(Sawirro)

Warsxaafadeed ....17,09,2014 ... Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa galabta waxaa ...
Rm

Wargelin: Barnaamijka islaamka iyo Bulshada oo berrito marti ku yahay Sheekh Cabdiweli Sheekh Rashiid Ibraahim

Dhammaan Akhristayaasha Radio Muqdisho, waxaa lagu wargelinayaa in ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-HABEEN-17.09.2014.mp3"][/audio]
vlcsnap-2014-09-17-16h40m03s60

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo tababar u soo xiray garsoorayaal “SAWIRRO”

Munaasabadaan tababarka loogu soo xirayay 50 garsoore oo ...
DSC05559

Dhalinyaro loo qabtay tababar kor loogu qaadayo aqoontooda “SAWIRRO”

Tababar kor loogu qaadayo aqoonta dhalinyarada, ayna soo ...
DSC01910

Dhibaatada burcad badeedda oo laga hadlay “SAWIRRO”

Kulankaan looga hadlayay aragtida dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka ...
astaanta_qaranka11 ok

Akhriso: Wasaaradda Garsoorka oo soo bandhigtay fursado shaqo

Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ...
Jawaari

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku baaqay in laga qeyb qaato shirweynaha dib-u-heshiisiinta Koonkur Galbeed “VIDEO”

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed ...
astaanta_qaranka11 ok

Muqdisho: In la helo qorsho mideysan oo ay ku shaqeeyaan Wasaaraha oo laga shiray “VIDEO”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha ee xukuumadda Soomaaliya oo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-DUHUR-17.09.2014.mp3"][/audio]
Abaarta_Gedo

Muqdisho: Abaaraha ka taagan deegaannada Maamulka Khaatumo oo laga shiray

Kulan lugu tageraayay hogaanka maamulka cusub ee Khaatumo ...
Shirka Jubbooyinka

Qaramada Midoobay oo soo dhowaysay shirka dib-uheshiisiinta Kismayo

Kismayo, 17 Sebtember 2014 – Ku-xigeenka ergayga-gaarka ah ...
dhalinyaro

Tababar ku saabsan isdhexgalka bulshada oo lagu qabtay degmada Hodan

Tababarkaan oo socon doono muddo labo cisho ah, ...
Muungaab Sawir Hore

Guddoomiyaha gobolka benaadir oo xarigga ka rajay xarunta Waaxda Koowaad ee degmada Shibis

[caption id="attachment_196901" align="aligncenter" width="640"] Muungaab Sawir Hore[/caption] Guddoomiyaha Gobolka ...
Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud: Xamaasad iyo Jaahilnimo diineed ayay ku sifoobeen Al-Shabaab

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hay'adda ...
jowhar

Maamulka degmada Jowhar oo walaac ka muujiyay fatahaadda Wabiga (Dhageyso)

Maamulka degmada Jowhar ayaa walaac ka muujiyay fatahaad ...
Maxaas

Ciidamada oo adkeeyay Amaanka degmada Maxaas

Maamulka degmada Maxaas ayaa ka warbixiyay ammaanka iyo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-17-9-20141.mp3"][/audio]
DSC_9117

R/wasaarha oo sheegay in 2015-ka Shabaab laga ciribtiri doono dalka

R/wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay in ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/Barnamijka-Bandhiga-Waraysiyada-ee-Caawa-16.09.2014.mp3"][/audio]
DSC01585

Kulan horumarinta Waxbarashada looga hadlayey oo Muqdisho ka dhacay

Ururka Wadaniga ah ee u Dooda Waxbarasho loo ...
MM

Q.M iyo IGAD oo dowladda ku ammaanay hirgelinta dib u heshiisiinta

Ergada ka qeyb-galeysa shirweynaha dib u heshiisiinta deegaannada ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-HABEEN-16.9.2014.mp3"][/audio]
Psdt

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dadka cabashada qaba waa in la soo dhoweeyo shirka Kismaayana lagu soo biiriyo” (Sawirro)

Kismaayo 16 september 2014-Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ...
DSCN0752

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Baydhabo Kula Kulmay Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Ee Gobollada Baay,Bakool Iyo Gedo “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed ...
Sawir Hore

Shaqaalaha Dab-damiska ee gobolka benaadir oo tababar loo soo xiray

[caption id="attachment_145161" align="aligncenter" width="640"] Sawir Hore[/caption] Guddoomiye ku-xigeenka gobolka ...
DSC_9117

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo ka qeyb galaya xaflad lagu qabanayo Birmingham “SAWIRRO”

Ra’iisul wasaaraha dalka iyo wefdi uu hogaaminayo oo ...
7

Bannaanbax lagu taageerayay howlgalka badweynta Hindiya oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Bannaanbax lagu taageerayay guulaha ay ciidanka dowladda Federaalka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-DUHUR-16.09.2014.mp3"][/audio]

Tubta Toosan

Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud: Xamaasad iyo Jaahilnimo diineed ayay ku sifoobeen Al-Shabaab

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hay'adda ...
Godane-150x150

Maxaa lagu xasuusan doonaa Axmed Godane ? Dhageyso

Toddobaadkii hore waxaa duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku fuliyeen ...
Godane

Taariikhda Godane, Dhageyso oo akhriso

Shalay oo Jimco ahayd ayaa si rasmi ah ...