Saturday, May 25th, 2013

DAAWO SAWIRRADA:-Bilicda Berbera Iyo Shiikh “Doog Indhaha U Roon”

Published on January 28, 2013 by   ·   31 Comments  ·   21,294 views

Magaalada Dekedda Leh ee Berbera waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu magac dheer dhulka somaliyeed, waxana ay ka soo jeedaa xadaarado hore iyo ilbaxnimooyin badan oo ay lahaayeen dadkii ku dhaqnaa dhulka xeebaha. taasina waa ta keentay in Berbera ay noqoto meel magac ku leh caalamka.

Waxana haatan ay samaysay horumar badan oo dhinac walba leh waxana iminka ay magaaladu gaadhay meelo fog oo aanay horey ama awal u gaari jirin dhismayaashu, waxa hada ka socda horumar baaxad leh oo ay samaynayaan dadka deegaanku kuwaasi oo ay kaga dhisayaan dhismayaal casri ah oo u badan Hoteello lagu raaxaysto isla markaasina ay degaan dadka socotada ahi.

Waxaa lagu qiyaasa dadka ku nool magaalada Berbera tiro ahaan 200`000 qof,waxa ay leedahay laba jaamacadood oo kala ah Golis Berbera iyo Alpha waxaa kale oo barbar socda kuuliyadda barashada cilmiga badda,sidoo kalena waxaa ku yaala ilaa saddex dugsi sare oo ay dhigtaan arday tiro badan.

Berbera haatan waa meel camiran deked ahaan waxaana maalin walba ku soo xidha tiro doonyo iyo maraakiib ah kuwaasi oo sida bucshirado kala duwan iyo gaadiid tiro badan, waxaa ku yaala Berbera garoonka diyaaradaha labaad ee Afrika waxaana hada isticmaala dadka dhamaan kusoo socda halkan Somaliland maadama garoonkii Hargeysa yahay mid hada la dayactirayo

Kaydka haamaha shiidaalka ayaa ah mid isna weyn u camiran oo ay maalin walba ka baxaan boqolaal booyadood oo shiidaal u sida gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Xeebta Batalaale ayay maalin walba isugu yimaadaan boqolaal dhalinyaro ah oo ka yimaada deegaannada kale ee dalka gaar ahaan Hargeysa iyo Burco, haba ugu sii badnaato maalinta jimcaha ee ay dadku fasaxa ku jiraane waxaana marka aad dabaasha dhamaysato aad cabitaan iyo cunisba u tegi kartaa Hotel Maansoor Berbera oo ka soo horjeeda goobta lagu dabaasho.

Waa hubaal hal maqaal amase laba kuma soo koobi karno hasa yeeshee intaaasi yar ee kor ka xaadiska ah aynu ku dhaafno maanta ee nala daawada sawirradan:-

Waxaa kale oo iyana aanu qayb yar ka soo qaadanay dugsiga lagu barto culuumta caafimaadka xoolaha ee Degmada sheekh halkaasi oo oo aanu jeclanaay in aanu iyadana mar kale warbixin kooban idinka soo dirno hasa yeeshee waxa aanu hada ka soo qaadanay qayb yar oo ka mid ah .

FG:-Sawirradan waxey ka mid yihiin Sawirro uu Radio Muqdisho si joogta ah ugusoo gudbiyo Akhristayaasha Webka ayadoo haduu Alle idmo aynu kolba magaallo dul istaagi doono si ay Dadweynaha Soomaaliyeed u ogaadaan amaba u bartaan muuqaalka bilicda leh ee Dhulkeenna Hooyo.

 

Readers Comments (31)

  1. h says:

    Mansha’alah
    aad ayey u qurxoontahay Barbara.
    Runtii waxa loo malaynayaa qayb Yurub ku taal.
    Qoraha, waxaan ka codsan lahaa inuu saxo tirada bulshada degan Barbara iyo hadalka ah garoonka dayaaradaha ee labaad ee africa, si raadiyo muqdisho u ahaado sidaan ku naqaanay

    • waraabe says:

      h,sxb waa runtii radio muqdisho berbera airport waa garoonka 2aad ee ugu runwayga dheer afrika tirada dadkase ma hubo oo maba jirto magaalo somaliyed oo si dhab ah loo sheegi karo inta degan waxa la sheegaa waa uun qiyaas aniga laftaduna hadii lay dhaho qiyaas intaa kama yareeyeen hadii aanay ka badnayn

  2. moud says:

    masha allaah
    aad bay u qurux badantahay magaalada berbera waxaan se jeclaan laheyn in bahda radio muqdisho aay soo sawiraan airportka hadda suurto gal tahay waayo waxaan maqlay in camerado lagu rakibay aadna wax looga bedelay howlaha shaqada iyo biicdaba
    waxaan kaloo jeclaan lahaa in aad sameysaan barnaamij layidhaahdo malgasho oo aad ku soo bandhigaysaan fursadaha maalgashi ee banaan maxaa yeelay soomaalida waxaay yaqaanaan in ay kada qaataan fikrad uu walaalki soo helay ama hudheel ama maqaaxi iyo wax yar oo weligeedba soomaalida taqaanay
    mahadsanidiin

  3. amin says:

    waa wax lagu farxo wanaaga iyo nabad dadka somali-land laakin hal midh un baa idiinka maqan oo ah inaadan somaliweyn malq

  4. Ali says:

    maashaa allaah qurux badanaa wlh dalkeeyga waa dal dalxiis ku fcn lenha cimilo dhaxdhaxaad ah maa shaa allaah ilaahey ha inoo siyaadio quruxda iyo dooga dalkeena.

  5. Abubakar Daacad - East Africa United says:

    Waa Wax Aad iyo lagu farxo hada nahay bulshada dibada ku nool Moralkeen kor ayuu aaday sawirada quruxdbadan. Dalkeen inuu horumar ka jirta ma aan ogeen. Waxaa waye wax lagu farxo inaa Horumar ku tilaabsan 20 sano buuq iyo aqoonsi laan. Wax aaminsanhay waxkaste waan qabsan karnaa hada isku dayno oo is garab siino. Wabilahi Towfiq.

  6. wadanI.somali.usa... says:

    Please. Les.be. somaliweyn..fadlan.
    Please. Please.

  7. wiilPuntland says:

    WAAD MAHADSAN TIHIIN BAHDA QARANKA GAARAHAA HOWLWADEENADDA WEPSITKA WAXAANA MUDAN TIHIIN BILID WADANIYEED XAGGAAS KA SII WADA DALXIISKA DALKEENA ANOO SARIIRTAYDA DALKA DENAMRK JIIFA AYAAD II SAHASHEEN IN AAN KU DALXIISO BUURTA SHEEKH IYO BERBERA.

  8. maxamed buuhoodle says:

    asc wr wb walaalaha shaqada webkan kahaya
    aad ayaad umahad san tihiin
    walaalayaal waxaad haysaan hawl aaad uwayn oo uqiima badan
    wajiga wacan ee aad usoo gudbinasaan shcab waynaa soomaaiyeed ee aad kasoo gudbinasaan wadan keena
    waxaa loobaahan yaha dad saxafiyiin ah oo wadaniyiin ah
    oo shacab ka kubeeraya wadan jacayl iyo
    wax qabsi iyo horo mar
    war baahina soomaliya kajirta oodhan waxaan kula talin lahaa in ay qaabkaan ugutaan hawsha
    waayo masuuliyad ayaaa idinkasaaran wadan kiina
    iyo in aad dadka dhiiri kali saan
    aaad iyo aad ayaad umahad santihiin
    halkaa kahaya
    allah waxaan kabar yay naa in uu wadanka nabad nooga dhigo
    is laynta iyo kalajabka naqa dhex saaro

    اللهمّ انقذ بلادي وشعبي
    ايها الاحبة فلنعمل معا الي القمة وصومال خال من الدمار والقتل والتشريد
    والقرصنة
    اللهمّ اعن من اراد بلادنا بالخير

    اللهم آمين
    وشكرا لكم مرة أخري ايها الوطنيون
    آلا فلتحيا الصومال وليسقط أعداها وكل من يكن لها المؤامرة
    والسلام عليكم..

  9. lucky burco says:

    MANSHALAAH INTII KU FARAXDAAY LAGULA FARAX WAAD MAHADSANTIIN BAHDA RADIO MUQDISHO LAAKIIN AAWAY CODSIGAYGII KU AADANAA MAGAALADA BURCO OO AAN ANIGU KU DHASHAY IYO WILIBA XARUNTII XORIYADA EE HARGEYSA HADHWANAAG WAAD MAHADSANTIHIIN WAKAALAYAAL WALAAHI AAD BAAN UGU FARXAY INAAD TEBTEEN GARABKIINII KELE

  10. abdirashid says:

    Berbera si fiican ban u aqaana wan ka so shaqeeyey amaanka airportka ayan u xilsaran jirey barisamadki iyo dawladi milatariga aheyd wali wa ii magaaladeydi maamul gaar ah iyo dawlad gaar ahna igama ahan burta shiikh wan jeclahey huduse markad garto kuleylki berbera wad iloobeysa qabow naftadu ku raaxeysato markad magaalada gaartana baaburkaga adigo saaran gabdho qurux u saaxiib ah ayaa caano lo’aad oo labeentoodi ay dul heehaabeyso o jeegag ku waada ayay kula so hoos istagayan walaahi xusuus baa geelwa lagu xero geeyaa aya horey lo yiri waxaan xususteyda dib u celiyey sannado badan o hadaan xusi laha aan ka baqayo in la I dhaho waayeelwwaaxid waad mahadsan tihiin radio muqdisho iyo mujinta somalinimadiina halkiina ka sii waada ha huleelo nacabkuye wa bilaahi tawfiq

  11. xudeyfa sly says:

    Masha allah qurx bdanayey barbera magalada qadimiga ah masha allah allow nabad dalkena hooyo

  12. mubarak says:

    ma shaa allah aad iyo aad buu bilic wanaag san yahay wadan kayaha gaar ahaan waxaa aad ii soo jiitay mac hadka shiikh mashaa allaah horamar wanaag san.

  13. Ali Qodax says:

    Maansha Allah, Berbera oo ah xarunta dhaqaalaha dalka, waxaa ka muuqda horumar wayn waloow aanay qormada iyo sawiradaba ka muuqan wadooyinka aadka u quruxda badan ee ay leedahay, sidoo kalena waxaa aad aan u xasuustay quruxda deegaanka sheekh o ah deegaan aad u bilicsan. Somaliland Allaw Dhawr

  14. shankarshe says:

    masha allah ilahay aya mahadaa iska leh nagu maneestay dalkaan iyo xoolaha asaga ayan uga mahad celinaynaa ilaahay dalka odhan sidan hanooga dhigo aniga aad ayaan ugu farxaya wa dalsomaliyeed ayaga waxay rabaan ha aaminsanadaane

  15. zaki hanad says:

    wadankena somaliya dhul aad quruxbadan ayuu leeyahay rabi ha noo daayo waa magaaladii aan ku dhashay ee berbera i love waan urajeynaya mardhow in aan calanka baluuga ah kataago oo aniga ka noqdo maayerka magaalada berbera ee wadankena somaliya

  16. Ahmed Dheere says:

    aan siyaad barre u ducayno wayo waxaa isaga dhisay. Sida dekeda iyo airport oo lafdhabar u ah Berbera iyo in badaan oo kale oo ka mid ah dalka Somalia. Iyo weliba qaarkale oo badan sida wadoyinka barbera oo ah kuwa ugu wacaan wadanka. Marka Siyaad barre alah haka abaalmariyo.

  17. asc aad iyo ayan ugu faraxsanahay inad naga bahi tirtaan muqlada qurxon ee dalkena masha allah ilove somalia wadankeyga waxan mogahay 10 sano insha allah wan ku laban dona sanadka cusub waxan mamulaha idacada jamhuriyada somaliyed eey wariye ka hir galiyaan wadan aynu ku nool nahay ee angola gar ahan casimadeda luanda ascwww

  18. Masha allah isha ethiopia ilahey hanoga warejiyo badeena balaaran oo ilaahey nasiiyay iyo dhulkena. Iyo dhaman calamka

  19. xoosh says:

    maansha allaah soomaaliya waxaa -kii sabi ja dhismay PL io SL waa dad isu tashaday maansha allaah waa laydinku bogaadinayaa, waxaana aad u jeclahay sheikh iyo berbera waa laba magaaloo qadiimi ah..

    soomaaliya illaahoow nabad.. nabad.. nabad…

  20. Ahmed somalilander says:

    WAXAN AAD u salamayaa dhamaan shaqaalaha Radio muqdisho
    marka xiga waxan aad ugu farax sanahay inay soo bandhigaan horumarka ka socda somaliland gaar ahaan berbera iyo sheikh taaso noqon karta talaabo ay ku dayan karaan somalida kale
    SOMALILAND ALLOW DHOWR.. AAMIIN..

  21. abdihakim says:

    asc jeclaan lahaaya in dadka somaliyeed isku qalbi noqdaan oo isk si wax u fahmaan . jeclaan lahayaa inaan muwaadinimada dareno oon joojino kala qoqobka qaaradaan yar ee aan uga nool nahay caalamka baaxada wayn ee nagu heeraarsan .

  22. halyey says:

    aadbad u mahadsantihiin bahda radioMuqdisho, runtii Berbera waxay ka mid tahay magooyinka taariikhig ah ee dhulka somalidu dagto, waxaa lahayd airport ka uGu wayn Africa, balse hadda 20 kii sano ee uGu dambeeyey ayey gashay magaalada labad e uGu airport ka wayn Africa mid ayaa ka wayn lkn illaa hadda calanka ayey u sidaa airport rada Africa, insha kuwo ka waa wayn waan dhisan karnaa hadii wadanku innoo dago, Africa waxay ina dhaaftay 20 years aynu burburka ku jirnay

  23. halyey says:

    aadbad u mahadsantihiin bahda radioMuqdisho, runtii Berbera waxay ka mid tahay magooyinka taariikhiga ah ee dhulka somalidu dagto, waxay lahayd airportka uGu wayn Africa, balse hadda 20 kii sano ee uGu dambeeyey ayey gashay magaalada labad e uGu airport ka wayn Africa mid ayaa ka wayn lkn illaa hadda calanka ayey u sidaa airport rada Africa, insha kuwo ka waa wayn waan dhisan karnaa hadii wadanku innoo dago, Africa waxay ina dhaaftay 20 years aynu burburka ku jirnay

  24. C/rashid says:

    Aad Baad idinku Mahad naqayaa shaqadaas fiican,Ilaahay Wax wanaagsan haydiinku Bedelo dhamaantiin inta ka shaqaysay,Niyada ayaad noo Dhisteen Wadanka,Waxaad naga Masaxdeen Waxaynu soo marnay,Walaalayaa sii wada,Anigoo jecel Magaalda Laascaanood haday idiin hirgasho.

  25. masha alaah waan tagaa mar alaala iyo markii ay noqo to waayba qorux badan tahay

  26. Umu khaliid says:

    masha allah ilaahay ayaa mahad leh. Insha allah soomaali nabad sax ayee naqane, lakiin xuulaha xage lu wadaa ile wadanka ayaa uu bahan dadka ayaa gajo haysa, walaahi dadka qar lacag kali ayee firinayan xuulahan badan wadanka in laga saro maa fiicno walaahi. lakiin dhib malahan cadaalad sax marke timado ayee bixi dooniin.

  27. MUSTAFE says:

    SOMALILAND HORE U SOCO OO HASOONOQON

  28. yasin says:

    asc asxaabta radio muqdisho wa dad xalaala oo xaasidnimadii somalida lagu yaqiinay lahayn markaas dayniile dib uma galaayo waxa soo boqonayaa radio muqdisho thnks

  29. abdirashid says:

    hambalyo hambalyo radio muqdisho, hadii aad sidaaa u wada hadlaysaan oo aan daah la isasaarayn oo la isku qirayo wixii wanaaga, xumahana la iskala talinayo waxba may xumaadeen,,, aad baan idiinku mahad naqayaa sida quruxda badan eed uga faalooteen BARBARA

  30. Farhiya says:

    Runtii aadaa u mahdsantihiin bahda radio muqdisho, gaar ahaan howlwadeenada web sideka.
    sida iiga muuqata sawirada iyo maqaalkii ka horeeayayba Barbara waa magaalo aad u qurux badan inkastoo aanan tagin dhulkaas cous dalkoo xasilooni badan ka jirin hadana waxaa aad iisoo jiitay muuqaalka qurxoon iyo sawirada ALLOW DALKEENA IYO DADKEENA MIDEE OO DOWLAD IS RAACDA NAGA YEEL.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX I 25 05 13
Bilicda Magaalo Xeebeedka Boosaaso (45)

Magaalada Boosaaso oo xilligan ay dadku ka xagaa baxayaan

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
Xoolo

Deeq xoola ah oo loo qeybiyay dad ku xoola beelay abaartii ugu dambeeysay ee dalka ka dhacday

Dadka xoolo dhaqatada ah ee  ku nool deegaanno ...
sweeden

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm oo xalay dhigay dibadbax

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
kenya-flag

shir looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga soomaaliya oo dhawan ka furmaya Kenya.

Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
haween

kulan looga hadlayay dhibaatooyinka soo wajaha haweenka uurka leh oo lagu qabtay dalka koonfur Africa.

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna  soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
IMG_3804

Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka. SAWIRO

Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Astaanta_Barnaamijka_Nasashada

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka Radio Muqdisho

Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
DSC00223

Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadooyinka muqdisho habeenkii oo sii kordhaya iyo ciidamada oo adkeeynaya amaanka,”sawirro”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
gud (5)

Gudoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo munaasada soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Juba ee wadanka Koofurta Sudan “Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
astaanta-warka

Dhageyso warka Habeennimo ee radio muqdisho

WAR HABEEN 24.05.2013
S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*