DAAWO SAWİRRADA :- Ardaydii maanta muqdisho ka ambabaxday oo Ankara si weyn loogu soo dhaweeyay
Published on February 3, 2012 by cadaawe · 78 Comments · 30,803 views
Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada soo dhoweyn heer sarre ah oo magaalada Ankara ee xarunta wadanka Turkiga loogu sameeyey Ardaydii Maanta Muqdisho ka ambabaxday ee gaareysay ku dhowaad 400.
Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga oo uu hogaaminayey Ra’isulwasaare kuxigeenka dalkaasi,Wasiirka Waxbarashada Turkiga,Culumaa’udiinka ugu caansan dalkaasi,mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ,ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata magaalada Ankara iyo Arday u dhashay walaalaha Turkiga oo doonayey iney wadankooda kusoo dhaweeyeen walaalahooda cusub.
Markii ay ardaydeena gaareen magaalada Ankara waxa uu Ra’isulwasaare Kuxigeenka Turkiga gacantiisa ku gudoonsiiyey Jaakado loogu talagalay in qabowga laga xerto ayadoo Ardayda ukala dhashay Turkiga iyo Soomaaliyana ay ubaxyo iyo callamada labada dal ee walaalaha ah kusoo dhaweeyeen Ardayda cusub.














































































Photo by:- cadaawe
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
WAR HABEEN 23 05 2013
Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
WAR DUHUR 23.05.2013
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
WARKA SUBAX 23.5.2013
Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka South Africa ...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
WAR HABEEN 22.05.2013
Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin ...
Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Mashalah walahi waxaan abalkoda ku gudna ma garanayi walalahena Turkey koley taarkhda aya xasusan donta abaal inta la eg somalia cid u gashay tarikhda maso marin laakin yaan fadlan la noqonin awaal lawe dadka sida noo wanaajiyay ee qima inta la eg nasiyay fadlan yan abal daran lagu noqonin
masha alaah dowlada turki ma aha mid lailowi karo awalkey soomaali ugashey ilahey kasoko waxaa lagu mahadinaa dowlada soomaali dadalkey ugashey herka waxbarashada guul guul guul guul waa mid lagu farxo
mashalaaaah waad salaman tihiin omada somaliyeed meel walbood joogtaan caawa farxadeyda lama soo koobi karo waxaan dhihi karaa guushaan wax badan yaaan sugeynay alle ayaa mahad leh kasokow intii ka qeyb qaatay guushaan haba ugu horeysee dowlada aan walaalaha nahay ee turkaay iyo madaxda qaranka somaliyeed dar daaran dhalinta fursada u heshay in lasoo qaado waxaan kula talinayaa ineey ka faa.iideystaan fursadaan qaaliga ah mida kale waxaad howan tihiina magaca omada iyo sharafta umada waxaan sugeyna sidaad uga soo baxdaan masuuliyadaas dusha idiin saran wabilaahi towfiiq
asc waa habeen farxadeed waxaana idinka codsanayaa inaad noo soo daysaan asagoo baraamij ah hadaad haysaan walaalayaal
masha alaah wan ku farax sanahay dhalinteena iney hormar gaaran dowlada turkiya aad ayan ugu mahad celineynaa anagoo ah shacabka somaliyed ma iloowi doono awaalka ay inoo galeeen taariikhda ayaaa xusi doonto
Maanshaa Allah walaahi waan ilmeeyay soomaaliyay midooba oo nabadda dalkeena aan ka shaqayno abaalka walaalaheen Turkina waa in qof walba oo soomaali ah qayb ka qaato
waa wax lagu farho ardayda dalkeena wax usoo baraneyso si ay dalka ku dhisan balse waxaa kasii farax badan shaqalaha Radio Muqdisho oona sawiro raacinin musig WAA MAHAD ILLAAHEY sidaas ku socda musig sawiro lagu dul shido ajarna malaha waana dhago xanuun KKKKKKKKK NO xanaq waa fikirkeyga hana tirtirina hadii aad aragtan qof qilaafsan fikirkiina meelo ka mid ah ADKEYSTA
maasha allaaaaaaaaaaaaaah waa wax lagu farxo waa mahadsan yihiin dowlada iyo shacabka turkiga oo uu gu horeeyo reysalwasaare MUDANE RAJIB DAYIB ORDOGAAN IYO MARWADISA SHARAFTA LEH AAMINE ORDOGAN waxan mahad aan la soo koobi karin u dirayaa dowlad shacab iyo culumada turkiga sheekhooda ugu sareeyo in maanta ardeydenii soomaaliyeed ey ku soo dhoweeyaan turkiga gaar ahaan caasimada ANKARA gudoonsiiyaana jaakadaha dhacanka iyadoo xiligan yurub oo ka jiro qabow aad u xun sawiradan xasuusta leh ee iga ilmeysiiyey waxan u diraya macalimadeyda oo turki ah oo la dhaho faatuma ´colac in aan u mahad celiyo iyo daris badan oo turki ah sida ay gacan dheer noogu fidiyeen mahad aan la sooo koobi karin ALLAAH SWC ka sokoow waxey u sugnaatey turkiga .
masha,laah , marka hore dowlada somaliya waxan ka cudsaneyna hadi anu nahay shacab ka somaliya in ay talo u dhisto lagu xasuusto dowlada turkiga waxa ay u qabatay shacabka somaliya taladas u ah dhagax aat uadag u lagu xasusto waxqabadka turkiga somaliya u qabtay 2011 insha,laah godomiyaha barlamanka iyo dowlada hala garsiyo farinta shacabka somaliya taladas waliba hadi ay lacagteda ay dhib nuquto shacabka aya diyar ah in ay bixiyan kaliya dowlada ayan ka rabna fasax ah in an sameeyn karno iyada u taladada lagala tashanayo safarada turkiga somaliya ku liyahay insha,laah
maanshaa alaah walaalaheena turkia aadbaan ugu mahadcelinnayaa ilahay kasokow waxaad moodaa in ay aduunka kale naga xigaan ama ay ladhasheen somalia sida ayaa nooo wanaajinayaan wali tarikhda laguma hayo arday intaan la eg dowlad wax barasho u diyaarineysa oo saan u soo dhawayneysa oo xitaa dharka ayadu ugalineysa rag iyo dumar oo aan ka faaneyn alaahu akbar ilaaha ayaa wayn taarikhda ayey ka galdoonaan baal dahaba abaalkoodana maku hayo halakaan wax aan ugu gudno lkin ku wii u abaalgu da ilahay hanaga dhigo hadaan naahay somalia wadankana nabad ilahay hanoogu soo dabaalo aamiin amiin
taalo xasus ah wa muteysatay dowlda turkiga insha,laah hadi an hada la dhisi karin sababa jiro awgeed halasii qurshiiyo uu marki ay sura gal tahay ha la dhisoinsha,laah talo an sawir eheen lakin mujineyso waxqabadka turkiga somaliya u qabtay gar ahan muqdisho
runti ilim ba igu soo istaagaty markaan arkay arday soomaliyeed oo dibada u aadaysa wax barasho waxan mahad iska leh dawlada iyo shacabka turkish ka nad PM ardugan iyo abdala oglo madax waynaha waana mahad san thiiiin
Masha Alaah Tabaarakah. Abaalka ay noo gashay Walaalhena Turkiya Ma ilaawi doono Qaasatan Caruurteyda Waan ugu sheekeynaya Abaalka Ay noo gashay Turkiya. alxamdulilah Ka sokowna Waxa Guushan soo Hoyay dowlada Somaliya Qaasatan Mudane sheekh shariif Sheekh axmned. Thuma Walaahi Geed Dheer ayuu u Fuulay Ilaa Uu baryay R/wasaraha Turkiga Mudena Orogan in jahliga iyo Macluusha Somaliya ku dhufatay uu wax ka qabto dowlada turkiya ilaheyna waa ku guulayay Mudane Sheekh sharii. lakinj dadaka badidisa Ma ogaan dadaalka u sameyay m/weynaha ilaahse ka abaal marinaya. R/wasaraha Turika xamar iskama Imaanin Geed dheer iyo geed Baabana Lo kora. alxmdulilaah
wlh waa arin lagu farxo dowlada turkiya iyo shacabkeeda waxaa leenahay ma naqaano abaal kiina waxaan ku gudno lkn waxaa la hadlaaya umada somaaliyeed ninkii sawiradaan arko ama wadanka arimihiisa la socdoow dalka hore ayuu u socdaa ee qabiil iyo garabsiga daaya wadanka aan hor marino aniga maanta cidna kama aqaano ardaydaan lkn waa ilmeeyay markaa arkay wax qabadka dowlada somalia guul calanka buluuga oo aduunks sharaf kaleh waan arki doona iyo visaha wadankeena oo la tuugo inshaa alaah
Waad ku mahadsan tahay guubaabadaada wadaninimo… Hadalkaagu wuu na deeqay walaal Cabdullaahi Lazio..
dhalinyartaas riyadoodi baa u rumoowday mustaqbal wanaagsan allow sii si dalkoda iyo dadkodaba u bad baadshan allow aamiin
Anigu ma garanayo wax aan ku sifeeyo Walaaleheen Tukiga waayo waxa ay sameeyeen ka badan walaaltinimo&Muslinimo intaba.Waxanse leeyahay walaalayaal waxad noo qabateen waan xusuusan doonaa inta ruux soomaaliyeed ifka ku nool yahay. Bal eeg kuwii aan weligeen ku tilmaa,i jirney Walaalaha carbeed?
Masha Allah Tabarikalaah marka hore mahad ilaah aaleh runtii wax maba qori karo waan ilimeeynaa laakin waxaan leeyahay doowlada turkiga taariiqda aa xusi doonto tani waa lamailowaan marka waxaan leeyahaay ilaaah hanixafido masha alaah
masha alaah turkiga ilaahay ayaa u baal gudi doona hadii ay doowladeena somalai wey u heyn doontaa abaalkas viva turke
scw waxay ila tahay ilaah baa mahada leh mida labaad dadkii ku dadaalay ee leenka soo xiray marka aan taageerno dowladeena soomaalida waxay ku maahmaahdaa dad xume kii ku yiraah dadlaawaa la yiraah waxaan leenahay soomaaliyey toos toos oo isku tiirsada hadba kiina taag daran taageera waligiin
Alle ayaa mahada kobaadleh, Alxamdulilah for every thng Runtii ma aan cabiri karo sida aan Dareemayo mar Ilin ayaan dareemayaa marna ma garan karo sida u jirkayga Guud Dareemayo, Ilaahow Adaa Abaalguda oon aktaada lagu Qasaarayne Umadoo dhan Adaa Untoo Cabdi kuu yihiine Naga Gud gudi kari Mayno Abaalka ay Noo Galleen Guud ahan shacab waynaha turkishka, Soomaali Abaal Daran bal aynu eegno waxa aanu ugu Abaal gudno re Turki ugu Danbeen waxan leeyahay Allaha Barakeyo Dowlada turkishka Amiin ya Rapi
as/c waa wax lagu farxo walaalaheeena sida aay u soo dhoweesi ardaydeena ma ahan wax la qiimeenkaro ilaahaa mahadaas leh waana inaan xasuusnaanaa beri in aan iloowlo ma ahan bri in aan cakisno wanaagaan ma ahan waa guul somalida u soo hoyata arday yadane waxaan leeyahay waxaa tihiin dadkii mithaalaayo umada somali sumcadiina dhowrta ku soo laabta wadankiina adinkoo guulo noosoo hotisi waxaa tihiin mustaqbalka dalka dadkii beri mamulilahaa anagane ilaah ayaan idiin baryeenaa hanoolaato somaliya
ikhwaani walahi shucuurtayda ma qiyasikaro lakiin warkayga waxaan kusoo gaabinaayaa ilaahay turkiga ajarkooda aduun iyo aakhiraba ha ugu gudo walaal jira waxaan codsanayaa inay dawladu markay kumeelgaarka kabaxdo turkiga kacodsataa inay amaanka wadanka soomaliya turkigu kalawareegaan afrikaankan waxay dumiyaan mooyee aan hal xafiisna noodhisayn turkiga haday ciidamo keenaan wadanka waa nato oo way kaxogbadan yihiin waxaa hada jooga wadanka noogana faaiido badan kuwan hada jooga sidaa awgeed waain walalaha turkiga laga codsadaa inay ciidamo nosoo diraan si xooga dalka loo abaabulo
Masha allah aad ban ugu faraxsanahay waxan leeyahay ka faideysta dhalinyarta soomaaliyeed fursadan qaliga ah
Turki ilahow balayada hareer mari walahi waxan qoro ma aqni lakin waligeen idin ilawi meeno abaalawe manoqon dooono we love you turki pple ilah ha adin abaal gudo ………. ameeeeeeeeeen
wanku farax sanahay ardada aaday wadanka tunkiga waxan rajeyna ka badan iney wado tookada 2 aad
maaaaaaaaaaaaaaaaaaasha Allah, soo happy too see my people progressing. ilaaaahow nabad waarta nasiii
masha alaah waa wax lagu farxo ilaah ha naga dhigo kuwo ka faaiideysta una abaal guda walaalahood turki
Maasha Allaah Walaahi ilma ayaa iga soo daadatay markaan arkay walaalaheyn Turkida dawlad & shacaba sida ay u taageerayaan ardayda & shacabka Soomaaliyeed,weli taariikhda nama soo marin dawlad sidaan noo caawiso Soomaaliyey yenaan ka abaal dhicin.
maasha’allaah walaahi wanaaga eey noo sameeyeen turkiga wax aan ku gudno ma garanayo. turkiga wax qabadkiisa marnaba niyadeeyna maka go’eeyso markaan sawiradaan arkay iyo soo dhaweeynta iyo jaakadaha garoonka loogu diyaariyay ardaydeena walaahi waan la ilmeeyay farxad iyo wanaaga eey walaaleheen inoo hayaan aawgeed
Waxaa Iga Balan qadaan Inta Soomaaliya Oo Wepka Dawladda Soo Booqatay in mid Kasta oo Idinka mida Uu Qofkii Turkey ah uu Wall Ka Dhigto Ayagaa Walalo Naga Dhigtay
masha allaah waqtigan laga bilaabo cuthmaanniinti ayan kasoo jeedna turki ayaanu nahnay carab wax aan kuga baahan nahnay majiro jamacadda carabtana aan ka baxno illaahiyow ka dhig kuwii dalkoda iyo dadkooda iyo diintoda anfaco
Asc alle mahadii waye marka xigta waxan umahad naqaa walaalahena turki iyo dowladena o dhaxda uwada xerten sidii lo heli laha dhalin wax so bartay dhan walba kuwa diinta sobartay kuwa maadi so bartay kuwa dhaqatir ah mahad alle waye inay walalahena turkiya hala haas arday wax barto welina free ku baranayo waxan leyahay asxanto jazza kalaah radiomuqdisho ad aya ujeclay maxa yelahy wixi wadanka kadhaco ad ayan ulsocona thank you r.muqdishow ok by
Mashaa Allaah Aniga maqabo inaan gudi karno abaal ka ay noogaleen walaalahayga Turky laakiin waxaan leeyahay waxaa igu Walaahi igu Bilaahi in Dolada Turky iyo shacabkeeda meel walba aan isku imaano ama aan kukulano inaan kursiga ooga kaco waayo waxay inoo muujiyeen walaal nimo iyo islaam nimo waxay ina tusiyeen inaan leenahay walaal jira marka ogaada reer Galbeedka waxay u ordayaan wax kale maahan walaalahayga Islamka oo nasoo dhaweeyey ayey ka xunyihiin war Somaliyey awalba abaal laawayaal ayaan aheenee ileen nin dalkiisa burburiyey midna gatay midna liqay midna dumiyey baan nahayee wanaga Turky aan ku midowno wax kale yaanan cidna tarinee intaasaa iga dar daaran ah Turky aad iyo aad ayaan idin kugu mahadcliniyaa anigoo kaaga sida jaaliyada Somaliyeed ee ku nool Sweden magalada Malmo thnks wabilaahi towfiiq
Mashalah Turkiya alah ka dhigo midii jirta midii aduunka ka muuqata Abal lagalo waa la arkay lakin dad gudo waa la wayay
walahi waxaan abalkoda ku gudna ma garanayi walalahena Turkey koley taarkhda aya xasusan donta abaal inta la eg somalia cid u gashay tarikhda maso marin laakin yaan fadlan la noqonin awaal lawe dadka sida noo wanaajiyay ee qima inta la eg nasiyay fadlan yan abal daran lagu noqonin
bani aadamku abaaal magudi karo ilaah ayaa gudi kara ee ilaahow dowlada turkigta iyo shacabkeeda waxay jecel yihiin ku abaaal mari allahu akbar allahu akbar
Asc marka labaad waxamahadleh rabi marka sedaxad dowlada Somalia iyo dowlada turkia oo arintan aad uga shaqeeyay ilahay haka abal mariyo aradaydana waxaan kula dardarma waxbarashada waa mihiim burburka Somalia waxa keenay waa aqon daro waxaa laga yabaa qaarkiin in ay tahriib ku fikiraayan laakin shan sano yurub sidaa rabtid maka helee waa may laakin shan sano jamacad ayaa ugabixikartaa horayna shaqaa uga helee hala dadaalo dalkaa idiin bahane. Mahadsanidiin,
Masha ALLAAH nolasheeyda waa marka galiya aan farxad la ooye walaahi waayo ma argin walaalaheeyna wadanka ku dhibadeesnaa wax soo xasuusto lakiin turkiga waxeey noqoday walaaaleen manta waxaa u jeednaa intaan oo somaliya ah oo farxad ka muuqado ILLAAHOOW turkiga ka awaal mari
Eebaw dalkeyga nabad Eebaw dadka muslimka ah quluubtooda midey kor ka yeel muslimiinta –Eebaw shacabka turkiga barakey!!!!!Eebaw Amiin
ilahay waxan uga baryeynaa in ardada kuwii dalkoda iyo diintoda anfaca, turkiga ma hilmaami doono wana walalhaeen ilahay ha ka ajar siiyo waxa ay na tuseen walahi big hug ee somaliyeey ninkii turki ah soo dhaweeya abaalka ay noo galeena yaan la hilmaamin ilahow kheyrkoda ugu badal xasanaad,
slc walaalahay soomaaliyeed haday wax gartaan ilaah ayaa mahada iskaleh tanxigta waan u qiirooday sida quruxda badan ay usoo dhaweeyeen dalka turki walaahay dhibaataysnaa ee kayimaaday halkii aan kaimaaday ilaahow adaa mahada iskaleh waa farxad wayn umada soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan
waan idiin salaamay walaalayaal aniga waxaan idiin dhihi lahaa meeshaad ku araktaan qof turkish ah u mahadceliya.
Maasha Allaah
Wannaagan walaalaheyn Turkiga ay inoo galeen mid lagudi karo ma aha waxaase mahad mudan Eebe iyo Islaamnimada oo aan ku walaalownay.
Ma noqon doonno kuwo illaabo gacan qabashda iyo abaalka ay walaalaheyn Turkiga inoo galeen xilli ay arrinteenu meel xun mareysay.
Waxaan Eebe walaalaheyn Turkiga ugu Baryeynaa in hamigooda kiisa wannagsan uu Eebe waafajiyo Islaamkana ugu dhigo hormood (leader).
Wa Billahi Towfiiq
all My Brothers & My Sisters this is amazing work that Turkey have done. Welcoming our Somali brothrs and sisters in Turkey for a better future. Thank you Turkey for helping our Somali sis bro
mashaa alaah mahaad alaah iskale kadiib walaala henaa turkida oo nosoo gurmadaay sii aan laa ilobii kariin waxaan leyahay fursaada halagu ciyariin halagaa faidestoo sii wadankaa aan uu hormarinoo inshaa alaah mahaad sanidiin baahda radio muqdisho
Runtii Ilmo ayaa indhaheyga buuxisay, maalin uun Turkiga abaalkiisa waan gudi doonnaa Inshallah, Runtii sida uu Ra’sal Wasaaraha Turkiga Ballan qaaday in sanadkasta arday Soomaaliyeed ay waxbarasho Turkiga u aado waxay meesha kasaari doontaa in dhalinyarada meelo joog noqdaan amaba ay ku fikiraan inay Qori qaataan sababtoo ah waxay helaayaan hami ay tiigsadaan. GUUULEESTA WALAALAHEYNA TURKIGA ILLAAHEY HA IDIN XIFDIYO
masha allaaaaaaaaaaaah alla turkiya abaalkooda maxaan ku gudnaa? allow unaxariiso inta na jecel. walaalaheyga soomaaliyeed ee fursadaan heleyna garabkooda allaha galo allaha ka dhigo kuwii karaamada umada soomaaliyeed kor uqaada. allow aamiin
asc wr wb allah mahaddii turkiya waxay qabatay wax 20 sano caalimka dhan uuna u qaban umadda soomaaliyeed.abaalkan lama guddii karo wax keliya oo loogu abaal celin karo waa in laga faaiiddaysto taageeradda intaas leg oo la khasaarin.dalku waxuu 21 sano dagaal iyo burbur ugu jiro aqoontii baa dibadda uga baxday markii qabiil la isku diley.turkiya iyo madaxweyne shariif waay fahmeen sidda looga bixii karo aqoonta dibbadda uga baxday dalka waaa dhalinta yar yar ee dhalshay burburkii ka dib wax la baro si loo helo hogaanka beri ee dalka waayo 2 generation baa dalka ka burburey.allah dayib erdogan cimriga u dheereeyo caafimaadna siiyo waa halyeey islaam cadawgiisana allah jabiyo.soomaali haddii nahaya waa inaan ka faaiiidaysanaa fursaddan.sacuudiya carabiya intooy ciqaabta gabdhaheena baay tarxiilaan ,turkiyana diyaaraddo u soo diraan si aqoon u soo baraan.kala aragnay walaal eedla iyo cadaw kuu qosla
maashaa allaah ilaah ajar iyo xasaan haka siiyo dadaalka turkiga ee noogu jirto dhan walba hanoqdee turki ma ilaabi dona inshaa alah abaalka ee galeen ilaah waxee ku farxan haka siiyo cadawgane rabi haka celiyo waa walaalahena allaah wlhi waa farxad turkiga somaliya walaal maqabin lakin hadee walaal dhab ah yeelaty
AS WR WB
Illaah baa mahadleh intaa ka dib Turkiga shacab iyo dowladba illah qeyr hala kulmiyo dhibaati kastana allaha ka wareejiyo, somaliyana illaah hanooxasiliyo Aaaaaaaaaaaammmmmmmmmmmmmiiiiiiiiiiiiin
Waa arrin aad iyo aad aan ugu farxay in hal maalin ay xamar ka duulaan arday gaadhaysa 400 oo qof waddankaa aynu walaalaha nahay ee Turkey waxaa loo baahan yahay in laga abaal mariyo dadaalkaas intaa la`eeg ee ay inuu galeen wadammo kale oo britain ka mid tahay ayaa isku deyaya inay iyana siyaadsan ahaan iyo si kaleba ay xidhiidh la yeeshaan dowladda iyo dadka soomaaliyeedba lakin ma gaadhayaan kaalinta Turkigu inoo ku jiro, waxaa markaa loo baahan yahay ardaydaas la qaaday in ay dalkooda wax usoo bartaan oo ay aqoonta iyo cilmiga ay ulasoo noqdaan wadankooda hooyo markaas baynu abaalkooda (Turkey)gudi karaa oo dalka kusoo dhowayn karnaa.
KAN LAMA DHIHI KARO ABAAL IYO IXSAAN MIDNA EE WAA IMAAMKA QOFKA MUSLIMKA SAXDA AH HALKA LAGA BARO IN UU GAARO SIDA NABIGEENA MUXAMED NNKH UU XAFIISKA NOOGU SHEEGAY QOFKA IIMAAMKIISA WUXUU TAAM YAHAY MARKA WAXA UU NAFTIISA LA JECELYAHAY UU LA JECLAADO TAN WALAALKIIS MARKA HALKAAN WAXA KA DHACAY WAA TAAS ILLAAHA HA KA JASO SIIYO DOWLADA TURKIGA SHACABKEEDA IYO MASUULIYIINTEEDDA
SOOMAALINA TII KA FAA IIDEYSATO ALAH KA DHIGO
aad baan ugu farx sanahay sida wanag san ee walalaheena eey noo garb galen ale waxn uga tugeyna adunyo iyo aqira wanagsan ardaydana waxn u rajeyneyna wax barasho wacn kuwii dalka iyo dadkaba wax u qabta alaha kadhigo amiin amiin amiin
allaha akbar waan jecleystay markaan arkay sawirada ardayda somaliyeed ee deeqda waxbarashada ka helay wadanka turkiya runtii ma iloobi karno abaalka ayay noo qabatay wadan aan walaaha ay nahney turkiya ha noolaato somaliya ha noolaato turkiya mahadsanidiin
waxey sameese doowlada turkiya waa wax aana wiligeed la maqal lana arkin waan ku farxay wallahi sida sharafta leh eey noo soo dhaweyse doowlada turkiya illahey ayaa abaalkeda gudi karo angane ollahey ha na dhigo kuwii wax ka barta fursadan qaaliga ah waxa eey noo muujise waa wax aana caadi eheen waxaa loo diyaariye wax kale iska daaye jaakadihii dhaxanta eey ka gishan lahaaye diyaaris kaliya looguma simin ee waa loo galinooyaa xataa illahey agtiisa ayaad ka heleesiin qof walbo woxow dhiibto ayuu illahey agtiisa ka helaa
aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin soo gudbinta tilaabo kasta oo farxad leh oo kusaabsan wadanka hadaad tihiin bahda saxaafada qaranka. intaas kadib, kaliya halkaan hal wax ayaan oranlahaa dawladu hasamayso oo ah , Ardada la qaadayo inta aan la qaadin kahor in wax yar oo is minaar ah la siiyo . tusalaaha koobaad ee meesha ka muuqda waxaa weeye in dhamaantood wajigooda ardayda murugo ka muuqato taas oo aanan hal qofna ku arag ilka cadayn ama dhoolo cadayn halka dhanka kale ay wada dhoola cadaynayaan . waa fakarkayga, mahadsanid
turkia hanoolaato cadawgeeduna hajabo ilaaheyna waxaan kabaryaa in uu wadankeena noodajiyo
Masha allaah wax aad loogu farxo waxaan umahad celinaa makra hore allaah , marka labaadna walaalaheena turkiga sida wanaagsan oo ay noo gacan qabteen , ardayda cusubna waxaan urajena iney noqdaan kuwii dalkooda iyo diintooda anfaco iney noqdaan .
Masha Allah.. Waxaan U mahadcelinayaa Dowlada Turkiya oo Ardayaa u firtay waxbarasho .. aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay ardaydaa waxbarasha loo furay .. waxaana leeyahay noqda rajadii iyo mustaqbalkii barito.. una barta wadankiina Hooyo….
SALAAN KA DIB JIZAAKALAAHU QEYRAN ILAAHAY HA IDIN KA ABAAL MARIYO AAQIRO IYO ADDUNYABA WAX WALBA OO WANAAG AH OO AAD NOO QABATIIN ILAAHA BAA IDIN KA ABAAL MARIN DOONA HADAAD TIHIIN SHACABKA WALAALAHEEN AH OO TURKIDA AH IYO DOWLADOODABA .
WADAMADA KALE WAXAY NOOGU BADALEEN XABAD IYO BAMBAANO IDINKUNA WAX KALE AYAAD NOOGU BADASHEEN WAX ISKU DHAWNA MA AHAN .
ALAHA IDIN KA ABAAL MARIN DOONA WAQTI AAN WAQTIGAAN AHAYN WAANA ABAAL AAD NOO GEYSATEEN OO AAN LA ILOOBI KARIN.
WADAMADA XABADA NOO KEENAYAA IYO KUWA BAMBAANADA NOO KEENAAYA IYO KUWA SOOMAALIDA AH OO CAQLIGOODU NOQDAY INEEY WAX DILAAN IYO WAX QARXIYAAN MA EHEE WAX KALE MA YAQAANAAN WAAYAABEE.
BAL FIIRIYA TURKIGU ABAALKA UU U GEYSTAY SHACABKA SOOMAALIDA AH OO DHIBAATADII KA BADATAY HADANA ILAAHAY NASRI QEYR QABA UU ILAAHAY U SOO DIRAY OO GARAB ISTAAGAY WALAALAHOOD MUSLIMIINTA AH HADANA LA WADA DAREEMAY WANAAGII AY QABTEEN IYO WAXA AY CAALAMKU LA YAABEEN SIDA AY ULA MACAAMILEEN SHACABKA SOOMAALIYEED IYO SIDA SHARAFTA LEH AY WAX WALBA OO WANAAG AH AY U SAMEENAAYAAN IYO XATAA WELIBA WAX AAN MEESHAAN LAGU SOO KOOBI KARIN AH NOO QABTAY ALAHA KA ABAAL MARIYO DOWLADA TURKIGA IYO SHACABKOODU .
WABILAAHI TOOWFIIQ
somaaliyeey noqdo kuwo abaalkaan gudo waad aragtaan wadamadii dariskiina ahaay waxay ogolaan la yihiin inaad baasaboorkiina ku dhex martaan ayagoo dad idin kugu sokeeyaan turkigina xitaa madaxdooda ayaa saf soo galeen si ay caruurteena usoo dhaweeyaan ilaahey waa ka abaal marin doonaa ixsaanka ay noo galeen anagana hadaan nahay shacabka somaliyed waxa nala gudbon inaan garano wanagan
Maasha allaah ilaahoow garab hanoowaayi,ilaah baa mahad leh inoogu gargaaray walaalaheyn Turkiga mana ilasbi doono abaalkooda insha allaah
MASHA ALLAH ILAAHAY BA AMAHADLEH MARKA XIGANA DAWLADA TURKIGA WAAN QIIROODAY WAANA WAX LAGU FARXO OO LASOO DHAWEEYO IFTIINKA AY HELEEN DHALINTA SOMALIYEED ILAAHAY HA CAAWIYO TURKIGA WAA DAL JIRA OO AY TAHAY IN LA XASUUSNAADO QOF KASTA OO SOMALINIMO KU JIRTAANA UU UU UMAHADNAQO GEESINIMADA AY INAGU GARAB ISTAAGTAY.
ZAHRA UK
mashaa alaah ilohow turkiga dhul gariirka kaqaad adaa wanoo waxid ha
ASC
Walaalayal hala siiyo walaalaheen TURKEY ALL SOMALIA OIL DEPOSITS Contracts iyo Dib udhiska dalka somalia gaar ahaan Koonfurta somalia oo ah halbawlaha dawladnimada somalia hadaanu nahay shacabka somaliayeed gaar ahaan puntland shacbkeeda waxaan leeyahay Madaxweyne shariif si deg dega ha ula hadlo dawladiisa hana doyaariyo waxii walaalaha Turkey loogu abaal gudi lahaa oo ah in Kheyraadka somaaliada sida Macdanta iyo OILka inaka caawiyaan walaalaheen Turkey waana in Qandaraaska la siiyaa reer Turkay
mida kale waa in madaxweyne shariif ku qanciyaa madaxda reer puntland inay walaalaha turkey siiyaan qayb ka mid ah qandaraasyada ay qaateen SHirkadaha AUTRALIA IYO CANADA ee kala ah CANMEX, RANGE RESOURCE IYO AFRICA OIL
WALALAYAAL walaalaheen turkay Abaal ayey dhigteen waa tan maanta BRITAIN ka xanaajisay oo PM David Cameron oo ku doodayaisagoo leh ‘anigaa gumaysan jiray ee sidee TURKEY iiga faramaroojisaa kaydkaygii shidaalka iyo macdanta ee mustaqbal oo ah somalia hala fahmo booqashadii orgaan Miraheedii waxaynu guranayno maanta
ilaahay daayo ORDOGAN raisal wasaaraha Turkeyga isagaa reer europe iyo Mareekan ka xanaajiyey waa kuwaa maanta muqdisho galoo baxaaya
Maasha allaah Runtii shucuurtayda ma qiyaasikaro farxadayduna kuma soo koobi karo qoraal kaliya maasha allaah maasha allaah maasha allaah
masha alah masha alah dhalintan wakuwii bedelilaha ee ukenilaha soomaliyada cusub emustaqbalka dhalan doonta guusha iyo mamul wanaga kaladan baynta iyo isjacelka qowmiyad nimo kababi inlahaa dalka isnaceebka iyo wabaiyada katimid dowladaha qaliijka siiba sacuudiga tas ookunoqotay soomalida iyo inta muslin nimada jecelba laf dhuunkashay iyo fikrad madhales ah oo waxun jajebisa
I don’t know what to say……I’m really emotionally proud and Happy for our Somali youth getting educated. Big Thanks to Turkey for making this happen. May Allah (swc) help them achieve their goals and help them become the future leaders of our country.
ilaahay aya gudi kara abaalkooda waa wadan muslim ah wuxu na garab qabtey xiligi loo baahnaaaaaaaaa adinkana ogaado kuwa fursadan helayow inad tihin ubixi berri wadanka usoo noqotan ugana faidaysan waxad so barateen
Runti wax dhab ahaan somali wax u qabanayo, u gargarayo Turkiga ayaa ka jira xag Quudin raashin abaraha iyo dadka soo barakacay iyo deeqaha waxbarasho oo ah mid Taarikhda gali in ka badan 1000 ardey ayey waxbarasho siiyeen qaaden oo Noloshodana kafalo qadeen.Ilaahey(SWT) waa noo gargarteeni ha idin gargaaro. Dardaaran dhalinyarada somaliyeed ilaaliya wanaaga iyo sharafta la idin sameyey, ka fogaada xumaanta iyo wixi magaciina wax u dhimayo ama dadka iyo dowlada Turkiga wax udhimayo. Fdalan sharaftiina iyo sharafta wadanka iyo dadka idin martigalinayo ilaaliya
masha allah, run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko Dawlada Turkiga oo kaga dhabaysay caawinta walaalohod, waxan kaloo hambalyo u dirayaa dhaman dhalinyarada Turkiga la geeyay, waxan kaloo halkaan uga mahad celinayaa Allah subxanah, oo arrintaa sahlay, kadib, waxan u mahad celinayaa Madaxwayne shiikh shariif iyo raisul wasare C/wali oo iyaguna gacan wayn ka gaystay in arrinta ay suurta gasho,
runtii aad baan ugu faraxsanahay in somalia hormar wayn ay gaartay, insha allah mar dhow, guul wayn baan gaari doonna, hadaan nahay ummada somaliyed
SWW dhamaan aqristayaasha, waxaana caawa ku faraxsanahy in caruusta soomaaliyeed ilahay fusad u keenay ay kaga baxaan jahliga iyo dhibaatada.
waxaana mahad iskaleh ilahay, mudnaana iskaleh dowlada turki iyo cidiikulugleh in lahelaa fursadaan qaaliga ah maashaa allah dhalinyarda soomaaliyeed ee fursadan helayn waxaan kacodsayaa in ay dantooda gartaan oo ay ka faaiidaytaan.
walaahi waan ku farxay quruxda ay leeydahay ardada soomaliayeed sida la soo dhaweeyay indhaheyga waxa ka socoto oyin ee ardadaan sharafta helay waxaan leyahay ha dayicina fursadaa qaaliga ah mar un beey ku soo martaaaaaaaa
ma shaa alaah waxaa idin lee yahay ardayda sharafta leh oo jaaniskaan heshay yeesan iska beer dareenin oo haku dhagaan wax barashadooda yurub yeesan u soo ordin intaas wa iga waano
maaashaalh waa farxad aad uweeyn usoo hoyandoonto somaliya, waxaana mahada iskaleh Allah subxanawatacaal surtagaliya in Turkiga deeq waxbarasha ah ukudeeqayo ardayda Somaliyeed, waxaan fariin kaar ah u dirayaa araday chaniska heshay in ee ilaaliyaan magaca somaliyeed eena kalin kageestaan sida ee kur uqaadi lahayeen calanka Somaliyeed. wishing you the best of luck and success.
waxaan kula talın lahaa ardayda waxbarashada lookeenay ın aay qabııl ısu raacin oo walaal tinimo iyo somalı nımo haystaan
MAASHALLAH ano ah arday djiboutian ah waxna ka barta magalada bursa/turkiye .. waxanleeyahay soo dhawaada (hoşgeldiniz) noqdana kuwii wadankooga iyo sharafta ummada soomaliyeed kor u qaada.