Friday, October 31st, 2014

DAAWO SAWIRRADA:- Ardayda Ururka SYL II Oo Bandhig Ku Sameeyey Xeebta Jaziira

Published on November 26, 2011 by   ·   39 Comments  ·   14,248 views

Bandhig bileed ay si heer sare u soo agaasimeen qeybta waxbarshada ee ururka SYL II ayaa shalay ka dhacay xeebta badweynta hindiya ee Jasiira.

Bandhigaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wufuud ka socoto dowlada oo isugu jiro xildhibaano ,agaasimayaal,iyo  wafdi ka socday dowladda Turkiga, iyo sidoo akale ka qeybgalayaal ka socday bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan sida:culuma’udiin,ardada jamacdaha,waalidiin , fanaaniin,iyo marti sharaf kale.

Bandhig bileedkaan  ayaa loogu magacdaray “Muhiimadda  Waxbarshada iyo xuquuqda ardayda”maddama ay bishaan  November ay kulansatay laba munaasabadood oo muhiim ah sida 17 ka oo aheyd maalinta ardada adduunka iyo 21ka November  oo ah maalinta macalinka Soomaaliyeed.

Munaasbadaan  ayaa ardayda ay tababarto SYL II qeybaheeda kala duwn ku soo bandhigeen xirfadihii ay barteen iyo waxa ay kororsadeen iyo sidoo kale bandhigyo heeso ciyaaro hiddo iyo dhaqameed ,iyo qudbado qof walbo taabtay oo bandhiga joogay.

Inta ay socotay xafladda ayaa sidoo kale waxaa hadallo qiimo badan ka soo jeediyay agaasimaha guud ee wazaarada waxbarashada iyo hidaha tacliiinta sare  Agaasime.Muse Faarax Xeyd kaas oo sheegay in aan isweydiinno waxa inaga maqan muddo  laabantan sano ah ka dib iyo waxa inoo qabsoomay isagoona u mahad celiyay  ururka SYL II iyo tababarada,wuxuuna cadeeyay in tababarada noocan ah ee xirfad abuurista ay wax badan ka tarayaan  soo nooleynta rajada dhailinta Soomaliyeed.

Waxaa kale halkaa qudbad aad loola dhacay ka soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga nabada iyo hormarinta; Xasan Sheik Mohamud oo  aad ugu dheeraaday kaalinta dhalinyarada waxbaratay ay ku leeyihiin horumarinta dalkooda iyo dadkooda isaga oo waliba ku bogaadiyey dhalinyaradii halkaa isugu timid in ay kaalinta siyaasadeedna looga baahanyahay in ay ka qeyb qaataan.

Dhanka kale sheikh Cumar max’uud Dheere(Sheikh cumar Xerow) oo ku hadlayey magaca culumaa’udiinka soomaaliyeed ayaa ku nuuxnuuxsaday xuquuqda dhalinyaradu ay ku leeyihiin bulshada iyo  waliba kan iyaga lagu leeyahay.wuxuuna halkaa ka yiri”waa waajib muqaddas ah in qofku jeclaado wadankiisa tusaalena waxaa noogu filan jacaylkii nabi max’ed (NNKH) uu u hayey magaaladii uu ku dhashay ee Maka”.

“Dagaal sokeeye Dirac laguma noqdo “ waxa ay ka mid aheyd murtidii uu tusaalaha u soo qaatay mid ka mid ah xildhibaanada dowlada horana u ahaa wasiirkii hore ee cadaalada TFKG ah ee soomaaliya Xildhibaan C/Raxmaan Janaqoow wuxuuna ku booriyey Ururka  dhalinyarada soomaaliyeed ee SYLII in ay laba-laabaan dadaalada loogu jiro dib-udhiska dalkooda.

Isku soo wada duuboo bandhig –bileedkan  ayaa waxa uu kaga duwanaa bandhigyadii hore loo qaban jiray,waa maree in lagu qabtay jawi aad uga qurux iyo deganaan badan jawiyadii hore loogu qaban jiray  oo ah xeebta badweynta Hindiya ee Jaziira;iyo tan kaloo ah in loogu yeeray bishii tacliinta laguna lifaaqay xuska maalinta macalinka iyo tan ardayda.

 

 

 

Readers Comments (39)

  1. wariye abdulahi says:

    guul guul meeshaa kasii wada

  2. Maxamed says:

    Waxaan o kale waa wax lagu farxo waxaan leeyahay dhalin teena ilaahay hanoo daayo dadaalkoodana hawadaan

  3. caaisha says:

    Mashalah,Illahow wadankena ki an uso labano nogayel oon ku raxesano anago wada cafimaad & barwaqa hesano. Aamiin.

    Qaboowgan aya dhibsanaye Illahow wdankena ki sansi kasifican no noqdo nooga yeel, xiisa wallahoon u qabin wadan cimiladisa santahaye. Leyrtii macaneed ayan rabnaye allow salaama yeel madaxda & shacabkena anagana salmaa nagu so celi inshallah.

  4. wadani boy says:

    maasha alaah waan soo dhaweeyneyna sida quruxda badan ee kulankaan udhacay somaliyey nabada aan taageerno insha alaah bishaan bisheeda waan kusoo laabanaya dalka

  5. xalan says:

    farxADA CIYAALKAAS KA MUUQATA ALOOW U SII BADI OO BAD BAADI MAANSHA ALLAH GUUL GUUL

  6. ahmed says:

    qurux badanaa ..ilaahoow soomaali xafid..mahad sanidiin radio muqdisho ..soomaali laxmi ah ilaahii iga dhigay aan ku shukrinayaa..

  7. Siidii yare says:

    Waa arin lagu farxad ah oo muujineyso isbadalka ka dhacay wadankena hooyo allow waan ku baryee noo ziyaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaadi

  8. cabdisalaan says:

    qarannimadu wacanaa

  9. sayid Badar says:

    salaan wacan 00 qaali ah iga gudooma

  10. Cali says:

    Hambalyo syl2 wad gulesaten qofki arko sawiradan inad wax qabaten isma weydinayo wa xafladi ugu horesay nucan o kale ah an arko muwadin ayad tihin hore u socdo waxana idinka sugena inad noso bandhigtan kuwo kale wayo sawiradan manto dhan kama dalayo inan dawado aqristana maqalkan thnx syl2

  11. Nuur xasan says:

    Een waxa muqata in syl2 ay shacabka somaliyed uso badhigtay wax qabad muqda sida inay waxbartay ardayda xirfado kala duwan sida secretary, nurse, saxaafad, computer, farsamada gacanta ,xeebta jazera ardayda ay geeyeen syl2 waxay u guteen sida dowlad somaliyed oo ardaydoda geeyaan melaha ugu qurxon somalia syl2 hanoolaato

  12. Bashiir says:

    Maasha`Allah Illaaheeygii naqalqay ayaa mahadda leh Illaaheeyoow nabadda noo siyaaddi “aammiin”

  13. mohamed hassan ismail says:

    waan ku farax sanahay bandhiga noocan oo kale ah waxaana leeyahay kudayda syl 2

  14. Sayid-Ali Guli says:

    Ku sii wada sidaa .. waa wax wanaagsan

  15. Haabte says:

    msha allah wawax lagufarxo nabad kamuuqato dhulkeeyga hooyo mantaya iyo shacabkii o fahmay nabadu waxa eeytahay lahow usiyaadi

  16. ABDIYARE says:

    RUNTII AAD AYAAAN UGU FARAX SANAHAY DHALIN YARADAAN IS XILQAAAMAY WAXAAANA MUHIIM AH IN LA HELO DHALIN YARO ISKU DUUBAN OO HAL HADAF LEH AMA GOAL KAAS OO AH IN AY WADAN KOOODA IYO DADKOODA DHIBAATAYSAN WAX U QABTAAN MAADA DHALIN YARADU AY YIHIIN MEESHA KALIYAH EE BULSHADU ISKA BADALI KARTO DADKA MAANTA DHIBAATAYSAN WAXAA WAXAA U QABAN KARA WAA DHALIN YARADA.

    RUNTII AAD AYAAAN UGU FARAX SANAHAY WAXAAN KALOO AAN SOO JEEDIN LAHAA IN AYSAN WADANKA GUDIHIISA KALIYAH AYSAN KU KOOBIN DHALIN YARADA MAADAAMA MAANTA SOMALIDA DHAN AY DIBAD JOOOG WADA TAHAY.

    WAXAA LOO BAAAHAN YAHAY IN XARUMO LAGA FURO AMA XAFIISYO KUWAAS UU DHALIN YARADA U SUURTA GALINAAAYA IN AY SI FUDUD U KALA QAATAAAN MARXALADA WADANKA MARAYO IYO QOF KASTA OO SOMALI AH LA DIIWAAN GALIYO SI LA ISKAGA WAR QABO WAXNA LOO WADA QABSADO WASALAMU CALAYKUM BY ABDIYARE ALISHIRE KHARTOUM SUDAN

  17. Muktar says:

    Waxaan salaamayaa dhamaan shacabka somalia meel walbo oo ay joogaan salaan kadibn waxaan aad ugu faraxsanahay xafladii ka dhacday xeebta jaziira waan u xiisay xeebta jaziirz iyo xamar caddeey RABBIyoow nabada aan helnay inoo siyaadi nolosha wacan ina sii aamiin
    waxaan kaloo hambalyo u dirayaa SYL 2 oo isku howlay dhallinta tacliintooda iyo wanaag faridooda dadaalaa waa uu gaaraa INSHA ALLAAH wadanka waa uu hagaago doonaa barwaaqo iyo nabad wanaag badan waan helii doonaa BI’IDNIL LAAH

  18. hassan says:

    asc wabacdu baryahan waan maqnaa waxanse ku soo beegmey somalia oo isbadashey aad u qurxoon bal eeg bandhigaan waxaa nadishey dad fool xun oo qoxoti ah ileen dadku iyo dalku way isku qurxonyihinn hadii ay helaan amaan iyo dawladnimo maasha alaah dee shaleyna waa tii ay xukumadu xeebta jasiira si xarago leh ugu ciyaareen maasha allah ilaah ha noo siyaadiyo horumarka iyo nabada ilaahaw duliga naga saar

  19. u.dh.i.s says:

    asc.waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay
    dadaalka dhalin yarada somaliyed kalinta
    ayka qataan qaranimada iyo nabada horumarka alle waxaan uga baryeeynaa
    nabad iyo caano bash bash iyo barwaqo

  20. ahmed dirshe says:

    waxii dhigleeho kakaaca
    ninki seexeta siciis diibi dhall.

  21. hanad says:

    ma sha allahaal sida ku qurdabadan ee xafladaazu dhacday

  22. gacal says:

    waa wax fiican ee horey halo waado

  23. waan ku faraxsanahay nabada dhulkeena ka muuqato

  24. mohamed says:

    Yaa yaaa , waxbaa ka dhacay meesha , caadi maaahan , war waa in lasoo noqdo hadii ayba muqdisho sidaan tahay .

  25. Samra Ahmed Amore says:

    Masha alah waxe ehed xaflad ad uqima bdn misana ey kusi jirte dalxis iyo degan barasho wayo waxa tagnay mel cimila mac udgon bdn oo anan nolasheyda tagin somali allow nabd noga yel.

  26. saacid says:

    asc
    dhamaan walalayasha somaliyeed iyo dhalinyaradaba waan salamayaa salan kadib munasabadan manta meesha iga muuqata waa mid aan sugeyney run ahantii marakan arkey xada aya i istaagtey wayo waa wax aan waligey hami jirin in aan mnar uun arko dhalin yaro somaliyeed oo isku xiran aad ayaana ugu faraxsanahey ururkaan ku dhawaqistiisa waxana manta aan cadeynayaa in aan kalmid ahey ururkaas waxaana rajeyna in uu illhey ka dhigo ururkii samata bixin lahaa dhibatooyinka somaliya ka dhacaya insh allah wey hagageysaa
    waxaan kula dardaarmayaa dhaman umada somaliyeed in ay tageero hoiil iyo hooba siiyaan ururweynahaan SYL II

  27. mohamed says:

    wax lagu farxo weeytahay ilaahayow nabad noo siyaadi wlhi waa hormar aan gaarnay ilaahey hanoo siyaafiyo

  28. Omar BanadirBoy says:

    ”Tumaatida dhexdeeniyo intaad waranka tuurtaan ;

    ka tashada cadaawahoo isku tiirsanaada ”

    Viva Somaliya 4 ever.

  29. abdi fitaah says:

    Asc all iyo radiomuqdisho waa idin salamay alle hano siyadiyo wadankena sidan iyo si ka fican alle hanoga dhigo amin wa farxad insha allah inta dhiman alle hano dhamesto alle mahadleh alxamdulilah asc all markale

  30. Warfaa says:

    Wax lagu Farxo weeye in dhallintu fahamto colaadda iyo Nabadda waxa u dhexeya.Eebow NABAD BARWAAQO iyo MIDNNIMO Umadda Soomaaliyeed sii Aaaaaaamiiiiin!!!!!

  31. viva somalia says:

    wa arin farxad leh bena mahan dhalintu wa laf dhabarka wadankena iyo qaranimo ilaah wadankeyga ha ika dhigo sida wadamada calamka horumar oo kale hana iika si wanajiyo dhalinyarada ku nol qurbahana waxan idin dhihi lahay wan ka dalnay qaxootinimo cidlwalbana wuu ogyahay sharaf dhaca uu leeyahay qaxootiye aan dib u fakarno una dadalno sidi an gacmaha isku qabsan lahen ukuna so horjesan lahen caloshod ushaqestayasha an eebo ka xishonen oo shacabka naga babi’inayo viva somalia iyo shacakeena somaliyed kuwan ahen sheydanta shabab

  32. Abdi says:

    AAAAh, maanshaa’allah Allahayoow Somalia nabad ka dhig, iyo dowlad kheyr qabto. Shacabkana is fahansan.

  33. GEAST says:

    masha alaha vive dhalinta somaliyed

  34. feysal says:

    aad iyo ayaan uguy farax sana hay xafladaan baalaaran waana arin wanagsan.

  35. karam abdi says:

    xaq ayaa u leenahay inaa wadankeena hor marino somaliya ha israacdo guul guuul guuul

  36. Masha alah aad aad ayan ugu furaxsanhay bidhaanta nabaded e dalkena iyo dadkena kamuqata alahayow somali qalbiyaydoda isku fur alahayo na tus no so celi nabad aniga wiligey ma arag nabad lkn waxan ku faraxsanhy yididilada nabaded dalkena uso bidhantay waxan kale ku faraxsanhy wax qabadka ururka syl2 e iso hilqamen is dhaxgalka dhalanyarada iyo kor u qadidista iyo deqda waxbarasho ey igu deqeen dhalinta wayo dal wlbo waxa u ku hormara dhalanyaro isku duban fahansana qimaha qaranimo iyo dowlada nimada waxeytahay syl2 waxey mideyen dhalanyarada somaliyed tusiyen dal jacelka iyo dad jcelka waxan leyahay hambiliyo wad muteysten amaan e waxa idin leyahay halka kasi wada waxqabadkina ila somali weyn is raacdo helno nabad warta waba heleynaye syl2 waxad gashen boski syl ki hore tariqda somali bos weyn aya gashen ilahey ha idinla garab galo dadalkina lama so kobi karo farxadeyda somali ha is racdo cadowgeda ha jabo bulshoy isku dubini aya idinku ogahay syl2 hormar wangsan aya idinku ogahay somaliyey salama iyo nbad by dalkeyga iyo dadkeyga iyo dowladena wa jeclhy by by syl2 guul guul

  37. Syl2 hormar guul ayan idinku ogahay masha alah alahayow no rume riyadena alahayow dowladnimo nabad warta nasi somali ha is raacdo cadowgeda ha jabo syl2 waxqabadkina wku faraxsanhy hore usi wada tarida somali baal dahab ah o xasus mudan ayad ka gashen

  38. Muxudiin says:

    Masha ad ban ugu faraxsanahay inan arko sawirada ardaydi cycle one ad baana ugu mahadcelina mamulayasha iyo macaliminta syl2 runti waxan is dhihi kara wa janis in laga fa idesto mudan waxana ku wacyi gelinaya ardayda ka baxda e waqtiga 6 da bil ku qaata xarunta inay bulsho weynta somaliyed gaarsiyan wax yabihi ay ka fa idesten iskulka.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

kulanka todobaadka cadaala

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo lagu falanqeeyay mashruuca calaamadeeynta guryaha G/Banaadir (Dhageyso)

Barnaamijka kulanka Todobaadka  ee ka baxa Radio Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-31-10-2014.mp3"][/audio]
Jaamac-Oday

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha oo dalbaday in la banneeeyo xarumihii wasaaraddaasi

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed ...
Cabdiweli-Sheekh-III-300x237

R/wasaaraha oo guddi wasiirro ah u magacaabay geerida taliyihii ciidanka booliiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
201499635458526731427637Taliyaha_Booliiska_Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Taliyihii Ciidanka Booliska

Mogadishu,30, October 2014- Guddoomiyaha G/banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ...
war-deg-deg-ah1-150x150114216

Ra’isul Wasaaraha Dalka Oo Magacaabay Ku Simaha Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.(DAAWO MUUQAAL)

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-HABENIMO-30.10.2014.mp3"][/audio]
unnamed (2)

Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada “Sawirro”

Mogadishu,30, October 2014-- Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ...
Cabdiweli 1

R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Mogadishu,30, October 2014-- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ...
Sequence 05.Still002

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geerida taliyihii Booliska Soomaaliyeeed

Abu Dubai- October 30, 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Jaawri Sawir Hore

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed…WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421

War Deg Deg ah, Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday.

War Deg Deg ah. Allaha u naxariirstee waxaa maanta ...
DANI

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo maanra soo xiray shir looga arinsanaayay qorshaha Qaranka ee 5 sano ee nagu soo fool leh.(DAAWO MUUQAAL)

Shirkan  wata shiga ahaa  oo looga ari sanyay   ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/warka-duhur-30-10-2014-ok.mp3"][/audio]
wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay kulan Dhalinyarada lagu wacyigelinaayo oo Muqdisho lagu qabtay.(DAAWO MUUQAAL)

Kulankan  ooh al ku dhiggiisu ahaa xal u ...
SAM_4729

La heystayaal Afar sano u afduubnaa Burcad badeed oo ku soo wajahan Muqdisho

Garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusamareeb ayaa goor dhaweeyd ...
shabaab

Dad Beeraley ah oo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ku dilay tuulo ka tirsan Mahadaay

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay tuulo ...
Xasan-sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo xalay gaaray magaalada Abu Dhabi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Mxamuud ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-30-10-2014.mp3"][/audio]
IMAG0966

Wasiirka arrimaha dibadda oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeedda (Sawirro)

Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ...
IMG_12681

Arday Soomaali ah Oo Deeqo Waxbarasho Lagu Gudoonsiiyey Xarunta Jaamacada Mount Kenya University Ee Magaalada Thika “SAWIRRO”

Xarunta ay Jaamacada Mount Kenya University ay ku ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-HABEEN-29.10.2014.mp3"][/audio]
astaanta-Puntland

Bulshada Rayidka ah ee Puntland Oo Soo Saaray Qodobo Ku Saabsan Dimuqraadiyaynta

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 October 2014 ...
xasan sheekh

Madaxweyne Xasan Oo U Ambabaxay Dubai

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ...
Ban ki Mon

Madaxda sare ee dalka oo kulan la qaatay Ban-Ki Moon iyo madax kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan ...
astaanta_qaranka11 ok

Digreeto Madaxweyne oo garsoorayaal shaqada looga joojiyay “Daawo Video”

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdsiho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-29.10.2014.mp3"][/audio]
Luuq dagaal

Maleeshiyada Shabaab oo jab loogu geystay dagaal xalay ka dhacay duleedka Ceel Garas

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa ka ...
AU FORCES/REUTERS

Dowladda Uganda oo ciidamado gaar ah u soo direysa Soomaaliya

[caption id="attachment_213902" align="aligncenter" width="640"] AU FORCES/REUTERS[/caption] Ciidamada dowladda Uganda ...
banki1

Ban Ki-moon iyo Madaxweynaha Bankiga Adduunka oo taageero u ballanqaaday amniga iyo horumarinta gobolka

Muqdisho, 29ka Oktoobar 2014 – Xoghayaha Guud ee ...
Wasiirka boostada

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo la kulmay Madaxweynaha Rwanda

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Maxamed Ibraahim oo ...
Banki Moon

Banki Moon oo goor dhaw soo gaaray muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayay Xoghayaha guud ee Q.midoobay Banki Moon ...

Tubta Toosan

show

Islaamka & Xiriirka Caalamiga ah

Islaamku waa diin caalami ah oo ku socota ...
Qarac

Dilka Rayidka Diintu maxay ka qabtaa?

Maleeshiyada Alshabaab tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii ...
Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...