Thursday, May 17th, 2012

Ciidmada Dowladda Oo Sii Wada Howlgallada Ay Ku Sugayan Amniga Muqdisho

Published on February 22, 2012 by   ·   1 Comment  ·   1,439 views

Ciidamaad qalabka sida ayaa maanta howlgallo ballaaran oo lagu xaaqiijinaayo amniga ka sameeyay degmooyinka heliwaa iyo Yaaqshiid iyagoo ku soo qabtay hub iyo dad fara badan.

Kadib markii ay ciidamada qalabka sida ay subaxnimadii hore ee saakay ku dhaqaaqeen howgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen degmooyinka Yaaqsdhiid iyo heliwaa ee gobolka banaadir ayaa waxaa lagu soo qaabtay dad tiradooda lagu sheegay 60 kuwaas oo isugu jira rag ka tirsana kooxda shabaab iyo kuwa lagu tuhunsanyahay inay ku lug leeyihiin kooxdaasi.

Waxaana sidoo kale lagu soo qabtay howlgallaadaasi oo xaafad xaafad iyo guri guri looga sameeynayay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa Darees ciidan, qoryo, rasaas iyo Miinooyin, iyadoo saxaafadda loo soo bandhigay tirada dadka la soo qaabtay iyo waxyaabaha kale oo ay ku guuleeysteen ciidamada.

Taliyaha nabadsugidda gobolka banadir Khaliif Axmed Ereg oo warbaahinta dowladda kula hadlay degmada Yaaqshiid ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka howlgalku u dhacay iyo qorsheyaasha kale oo ay damacsanyihiin waxa uuna farta ku fiiqay in ay gacanta ku soo dhigeen cadeymo muujinaya horjoogaha shabab u qaabilsan ururinta Zakada.

Sidoo kale intii ay howlgallaadaasi socdeen ayaa waxaa siyaabo kale duwan u soo dhaweeyay qaar ka mid ah dadweynihii ku sugnaa degmooyinka Yaashqeeid iyo Hilwaa kuwaas oo ku amaanay ciidamada sida wanaagsan oo ay u xaqiijinayaan amniga dadweynaha waxa ayna qaar ka mid ah dadkaasi soo jeediyeen dhalliilo ay tirsanayaan oo ku saabsan in rag ku labisan dareeska ciidamada ay moobilada ka qaataan xilliyada habeenka taas oo ay ka codsadeen saraakiisha ciidamada in ay wax ka qabtaan.

Howlgallada maanta ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa waxaa xusid mudan in ay si weyn uga qeybqaadanayeen ciidamo si gaar ah u tababarabn oo k a tirsan haydda nabadsugidda qaranka laguna magacaabo Alfa group-kuwaas oo si xeeladeysan u baarayay xaafadaha kala duwan ee degmooyinkaasi.

Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

Readers Comments (1)

  1. Wadandi yare says:

    waa howl wanaagsan lakin waa in la joogteeyaa oo maalinkasta la sameeyaa ugu yaraan si loo yareeyo qatarta dadka nabadiidka ah.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Shirjaraa'id Saxaafadda NEW YORK

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Qodobadii Looga Hadlay Shirkii New York “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...