Ciidamada Oo Fashiliyay Qarax Lala Doonayay Ardayda Iskuulka Al Fajri
Published on November 30, 2011 by Mowliid · 11 Comments · 3,234 views
Ciidamada qalabka sida ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan baco laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo malleeshiyaadka kooxda alshabaab ay soo hordhigeen iridka hore ee schoolka Al fajri dagmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kaas oo ay doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan aradayda wax ka barata schoolkaasi iyo shacabka ku nool degmadaasi.
Ustaad Maxamad Axmad oo ka mid ah barayaasha Iskuulkaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in barqanimadii maanta ay ka warheleen walxahaasi qaraxa ee iskuulka la soo hordhigay kadibna ay la xiriireen hay’adaha amaanka ee Dowladda taas oo dhalisay in lagu guuleysto in walxahaasi qarxa laga saaro goobta ka hor inta aanuu waxyeello gaarsiinin.
sidoo kale ustaad Maxamad Axmad ayaa intaa ku daray in markii arintaas ay dhacday ay qasab noqotay in la kala diro ardaydii dugsiga hoose wax ka baraneeysay si looga hortago in argagax uu ku yimaado ardayda hadii ay dhacdo in walxaasi ay qarax sameeyaan isagoo ku boorriyay walidiinta Ardaydoodu ay iskuulkaasi dhigtaan in ay isdajiyaan ayna foojignaan ku shaqeynayaan.
dhinaca kale ustaadka ayaa ugu baaqay al shabaab in ay ka fogaadaan dhagarta noocaan oo kale ah maadaama Schoolku uusan wax shaqo ah ku laheeyn siyaasadda.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay soconayaa howlgallo balaaran oo ciidamada qalabka sida ay kaga hortagayaan isku dayga al shabaab ay ku doonayaan in ay ku bartilmaameedasadaan dadka beri ma geydada ah.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
ilaah ayaa mahadas leh oo ka badbaadshay umadan aan waxba galabsan oo dhiigooda la baneestay marwaliba ilaah nabad haku soo dabaalo dhulkeena hooyo ciidamada dowladana ha foojidnadan markasto wax aan caafimaad qabin ayaa wadanka ka buuxo oo umadaan unaxeen kuwaas ilaah ayaan uga dacwoonay subax walba dhiilo cusub ayaa wadankeena laga so sheegaa ilaahoow noo gargaar adaa awood badane
all shabab yaa naga qabto kuwan laf dhabarteni yaryared ayaa uso jestene waxa kale oo loso diray shacabka somaliyed lakin manta malin an ahen ayuu ka shegenaa kii usoo diray shacabkeena an waxba galabsan umada somaliyedna oo dibada ku nool waxa an dhihi lahay hala mujiyo in la necebyahay al shabab shayadin Nacala wasay wada indho gadudane.
hadana iskuulkii miyaaa la qarxinaaa iyo ardayda ,,, walee shabaabow waa lidiin fahmay ,, dowlad iyo amisom ma rabtaaane shacabka ayaad rabtaaaan inaaad xasuuqdaaan doonfaarayow ,,,, Cali dheere mar uun gacanta waaan kugu dhigaaa hadaanan cad cad jirkaaga u jarjarin ,,,
Iam sorry falkan wuxushnimada ah.
Lkn waxa farxad ino ah ardada o badbaday allow naga qabo qawarijta dhaqamadan o ey laso ifbaxen.
Scholku wa scholkegi e an kuso waxbartay.
WAXUUSHATA DADKA ISLALAYNA WAXHALAGA QABTO
asc dhaman waxan salamaya shaqalaha radio muqdisho iyo walalaha soomaliyed hadan halkan coodsi kasojediyo dolada kmg waxan usheegay al shabaab dhalin yarada kasoo gostay in magalada laga qabto waxay wax qarax yada dhigayo wa iyaga tasi wa igatalo waxan ahay muwadin soomaliyeed waxan ilahey kabaryaya inta qarazxa kudhimata alaha unaxariisto inta kudhawacantayna alaha cafiyo by by waa wadani yare
Ilaah ayaa mahad iska lah oo ardayda kabad baadiye qaraxa ee kooxda alshabaab oo loosodire ine dadiyaan dhiiga ardayda iyo umada somaliyed waxaan layahay waad mahad santihen ciidamada xooka dalka somaaliye dadaal kiina laba jibaara ayaan layahay
dhamaan shacabka soomaaliyeed meelkas oo ayjoogaan waxaan ugatac siyay nayaa dhacdada argagaxa leh ee lala beegtay xatunta talisman ciidamada ee VIlla Somali waxaan usheegayaa madaxda ciidamada soomaaliyeed in ay yihiin tusaalaha nabad galiyada hadii ayagu nabbed qabaan anana aan nabbed qabno waxaan ugadigayaa in qof aanan lashaqayn ciidamada dawlada uusan xarumeheeda baaritaan la,aan soogalin. mida kale masuul kasta waa inuu kala saraa shaqada qaranka iyo qaraabadiisa. Tankale dhacda walba waa in wax laga bartaa
Ha la iga raali noqdo waxaan ula jeeday villa baydhabo
allow kuwaan hal mar lee nadhaafi maxaa ciyaalka ku direy mid ay qarxiyaan iyo ay dhahaan is qarxi shartooda allow na mooti cudur waxay qabaan ciyaalka neceb juudaanleey waaye sheydaamada.
asc walaalayaal, hadii ay keenen in ay qarxiyaan, iskooleyda,haweenka masaakiinta ah iyo maatida abaarta dilatay, waa in uu shacabka, talaabo qaadaa,taasoo ah in ninkii hooyadiis ama walaashiis,ey disho babbo uu raad sadaa nin ah al shabaab ,ow soo dilaa, caruurtiisa ama walaashiis, ama hooyadii, ama walaalkii, dad u xigga maxaa yeelay wuu ogyahay in uu wlaalkii uuyahay al shabaab markaa ha u aaro qaraabadii, hadey dadka ka kor jilcanyihii wabilaahi towfiiq