Thursday, May 17th, 2012

Ciidamada Dowladda oo howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay hub farabadan

Published on August 31, 2011 by   ·   10 Comments  ·   3,300 views

Ciidamada Dowladda ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhiga hub iyo Qalab Milateri oo ay ku soo qabqabteen howlgal ballaaran oo 24 kii Saac ee la soo dhaafay ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobalka Banaadir.

howlgal ballaaran oo ay saaka ciidamo isku dhaf ah oo boolis iyo meleteri isugu jira ay ka   sameeyeen xaafado kala duwan oo ka mid ah magalada Muqdisho ayaa  u suura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan hub aad u fara badan oo si suuq madow ah looga  ganacsanayay.

Shir jiraa’id oo saxaafadda loogu soo bandhigay hubkaasi iyo dadkii ku ee deysnaa in ay  si suuq madadoww ah  oo aan sharci eheyn u heysteen ayaa saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha waxa ay ku faah faahiyeen noocyada hubka iyo qalabka kale ee ciidan ee lala soo qabtay.

Taliyaha ciidamada booliiska Shariif Sheekhunaa Maye ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ku guuleysteen in ay soo qab qabtaan ilaa iyo 9 ruux iyo hub isudu jira qoryaha fudud ee AK 47 , Miinooyinka qaraxisada , dareeska ciidamadu xirtaan, Baasuukayaal ,hoobiyaha 120  iyo sariiraha ciidamada u gaarka ah.

Taliyuhu waxa uu sheegay in howlgalku uu ka dhacay degmooyinka Shangaani, Hodan iyo Wada jir, iyada oo hubkaasi qaar laga helay dukaamo ku yaalla  xaafadaha gudahooda.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdi Samad Macalin Maxamuud waxa uu sheegay in howlagkan lagu xaqiijinayo amaanka Magaalada Muqdisho ay ka danbeysan ammar ka soo baxay gudiga Amniga qaranka ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariir.

mudane Cabdi Samad waxa uu intaas ku daray in aan loo dul qaadan doonin in ciidamada dhexdooda laga furo suuq cirtoogta ah oo hubka looga gancsado.

Sidookale waxaa goobta soo gaaray gudoomiyaha maxakamadda ciidamada qalabka sida Xassan Maxamed Xuseen Moongaab si maxkamaddu ay shariga ay leeyihin u marsiiso  dadkaasi lagu soo qabtay iyaga oo  dukaaman hubka lagu iibiyo ka dhex furay ciidamada qalabka sida dhexdodooda

dhamaadka bishii Ramadaan ee dhowaan laga soo gudbay ayaa maxkamadda ciidamada waxa ay dil toogasho ah ku ridday Haweeney iyo askeri ciidanmada ka mid ah oo hub gudbiyay haweyneydaasi taasi oo iyadana u sii gudbisa dhanka kooxda Shabaab

wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa soo saartay sharci ah in dowladdu ay tallaabo ka qaadi toonto cidkasta oo hub aan la ogyn ku heysan magaalada Muqdisho

 

Readers Comments (10)

  1. Abwaan geelle says:

    Asc/ Hawlgalada nuucaan ahi waa inaysan joogsan Sanooyinka soosocda iyo illaa inta laga hubinayo qoyswalba iyo qofwalba hubka uu gurigiisa ku haysto nabadduna u noqonayso mid wanaagsan

  2. waxan codsaneynaa sawiradi howl galka ciidanka kuwa hubka lagu so qabtey si fiican haloo baaro inay iska heesten iyo inay ganacsato ahaayen yaan dil lagula deg degin hadii ganacsato ay yihin allah u naxariisto shaqadiisa ha qabsado muungaab wabilahi towfiiq

  3. Deeq (Dhaloow) says:

    ASC waa wax lagu farxo runtii howlkgan ay sameyen ciidamada Dowlada waana in la marsiiyaa sharciga dadka sidaan oo kale samenaya cidee doontaba ha`ahaatee.
    mahadsanidiin bahda Radio Muqdisho.net

  4. jalteey says:

    asc walaahi xaaladu waxay maraysa meeshaan rabay in ninkii hub sharci daro ah lagu qabto ladilo si hubka looga cabsado waa fikrad aaaaaaaaaaaaad u qurix badan ciidamadana waxaan dhihi lahaa illaah ha idinla garab galo howsha culus aad wadaan cxds guuuuuuuul guuuuuuuul amiin amiin asc

  5. maxamed cali says:

    asc ciid wanaagsan marka xiga waxaan aad ugu faraxsanahay hadaan shacabka nahay howlgalada ciidamada sida wada jirka ah ay u fulinayaan mudane muungaabna waxaan ku boorinaynaa inuu shaqada qaranka uu uhayo sidey tahay u fushado uusana dheg jalaq u siinin kuwo shayaadiin ayaa jira oo car qaladaynaya habsami u socodka nabad kusoo dabaalida wadanka iyo dabar goynta nabad diidayaasha mar labaad ALLAHA idiin guuleeyo dhamaan u hiiliye yasha nabada

  6. ahmed abdalla says:

    asc horta ciid wanagsan dhaman umadda somaliyed mel aad jogtinba waxanse si gaar ah ugu farax sanahay talabada cidamada amanku qadayan waxana hubanti ah haddi sidas lagu wado in guul laga gaari dono amanka si dhaqsi ah wana in dowladu amarkaso saarto sidisaba hub in aan lagu gadi karin magalada muqdisho wayo wa dhamaday wakhtigi hubka laga ganacsan jiray e waxa lagalay wakhtigi ciddi horay hub ugu xadgudubtay wax laga qaban lahay o shaciga lo horgeyn lahay inta qoryaha garabka lagu watana nabada lagama mira dhalin karo wasida ey aniga ila tahay wabilahi towfiq

  7. hussein says:

    walaahi aad iyo aad ayaan u la dhacsanahay shaqada uu hayo muungaab iyo siguud ahaanba maxkamada ciidamada waxa kaliya ee lagu hagaajin karo wadan ka ayaa ah in qof kastaa danbiga uu galo in lagu qado laakiin waxaan ka codsanayaa muungaab inuu maxkadama soo taago raga shabab ka ah ee xabsiyada kujiro walina u aaminsan shacabka somaliyed iyo DKM in ay murtadiin yahiin sidoo kale lo adeegso sharciga waxa uu ka qabo kuwa dadka xasuuqa ee hada gacanta dowlada kujiro . mahadsanidiin radiomuqdisho

  8. cali xaaji says:

    asc.waxaad suubiseen wa wax wanaagsan cidmada doow ladana waa ku amaanan yihiin laakin waa in aay socdaan inta kuwaaan afkaduubta laga cirb gooynaaya dalka oo idil,,,,,,

  9. ahmed says:

    saas kuwada

  10. Daud cunaaye says:

    Asc Bahda radio muqdosho Sln kdb wxan leeyahay cxds Iyo Dhaman Dadka soomaaliyed Inta Nabada Jecel Guuuuuuul wlh Howshu waxay usocotaa sidaan rabnay Hadii Aan nahay Shacabka inta nabada Jecel.

    Guushii gaarnaye Aan xejisano Somaaliyeey




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Shirjaraa'id Saxaafadda NEW YORK

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Qodobadii Looga Hadlay Shirkii New York “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...