ciidamada dowlada oo la wareegay deegano hor leh oo ka tirsan g.gedo
Published on April 30, 2011 by admin · 13 Comments · 2,582 views
Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa deegaano hor leh kala wareegay maleeshiyaadka Khawaarijta Shabaab kaddib howl gallo ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud.
Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo Radio Muqdisho wareysi siiyay ayaa sheegay in ciidamadu ay saakay howl gal ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Buurgaduud oo ka tirsan gobolka halkaas oo ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Shabaab.
Dhinaca kale deegaanka Yurkud waxaa saakay ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyaadka Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo halkaasi ka sameeyay howl gal, guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda ku sugan yihiin halka laga soo galo deeganka, ayadoo maleeshiyaadkiina ay isaga baxeen deegaanka oo ay u carareen duleedkiisa.
Degmada Xudur wararka aan ka heleyno ayaa ayaguna sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay isaga baxeen degmada oo xarun ah gobolka bakool, kaddib markii ay ka baqeen ciidamada dowladda oo ku soo jeeda halkaasi.
Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa hadduu Alle Idmo.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
asc caadi maahan ciidamada ka dagaallamaya gedo waxaa ka muuqata wadaninimo dhab ah runtii hadii ay dhinacyada kale sidaas si lamid ah u dagaalami laheeyeen waa laga adkaan lahaa alshabaab balse maxaa ku dhacey ciidamadii ka dagaalamayey dhoobley hakadka galey yaa noo cadeyn kara calaa yaxaaal guuleystayaal sii wada dadaalka insha allaah guul
maa shaa alaah ilaah ayaa mahadleh waxaan ugu horeyn u mahadcelinayaa walaalaha wariya yaasha radio muqdisho marka xigta waxaan rabaa in aan u mahadceliyo ciidanka xooga dalka guud ahaan gaar ahaan ciidanka qawaarijta cadowga ah ku jabiyay gobalka gedo iyo jubooyinka iyo baladweyne cidankaas waa ciidan hilfaha u qaaday nimanka rabay in aay dalka alqaida u gacan galiyaan
waliba ciidanka xooga dalka ee kadagaalamayo gobalka gedo waa ciidan sigaar ah u taba baran oo guulo is dabajooga soo hooy naya guuleesta yaaloow guuleesta marlabaad marsadexaad ayaan u mahad celinayaa ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee hilfaha u qaaday kooxda qawaarijta aah ilah guulaha hanoo sii badiyo madaxda dowlada waa mahadsan yihiin
walaahi ciidamada qaranka somaaliyeed ee hool galada ka wada gobolada gado iyo baay iyo bakool waa ciidamo daacad ah oo wadaniyadnimo ka muuqato waxaan aaminsanahay hadii ciidamadaas ay helaan taakeleyn dhab ah ee la wareegi karaan dhamaan gobolada jubooyiinka iyo gobolada bay iyo bakool waxaan ilaah ugu barinayaa in uu dhiigooda badbaadiyo ciidamadeena guulna gaarsiyo ugu dambeyntii waxaan leeyahay hambalyo hambalyo
MAASHAA ALLAAH ILLAAHOW SUMCADEENII IYO MIDNIMADEENII IYO HAYBADEENII SOO CELI,RABIYOOW SOOMAALI WAA MIDEE IS JECLAYSII.SOOMAALIYAY KA FOGAADA QABYAALADA IYO KUWA KU ADEEGTO,OOOOGOOOOW SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH. SAL CAL. WAR .
guuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuul kan ka naxoow nafta waa alshabaab halaha jabiyo amiiiiiin yaarabi tan labaad waxaan ugu baqayaa shacabka somaaliyed in ay tageeraan qaranka somaaliyeed waadna madsantihiin radiyo muqdisho
TV-ga qaranka wariyayaal ma u joogaan aagaga dagaalka ee Gedo iyo Jubooyinka iyo magaalooyinka la xoreeyay. Hadayna jirin waxaan ku dhiirigelin lahaa inay tagaan oo ka soo duubaan. dhiirigelin ayay u tahay ummada Somaliyeed.
Hambalyo ciidanka qaranlka guusha ay gaareen. laakiin si loo tirtiro qabqablayaasha qabiilka ku shaqaysta waa in la abuuraa jawi lagu soo jiidanayo dadka wanaagsan ee aan rumaysnayn argagixisada ah ee ku jira Shabaabka. Si sdhismaha dawladu u xoogeysto cadaaladana loo adkeeyo.
Haf hadalka kuma jiro , Shaqaalaha waxaan isleeyahay hadalka hore ee ah in ciidamada dowlada ay la wareegeen gobolka gedo kadib markii howgalo laga sameeyay gobolka galgaduud , xooga waxaan isleeyahay in labo meel oo kala fog yihiin aysan waxba iska geli garin laakiin ujeedkiina sida buu ahaa waa dareemi kara ,
Tan xigta Guul iyo gobonimo baa u rajaynayaa mujaahidiinta qalabka sida naftooda u huraya difaaca dalka iyo diinta
waa mahadsantihiin ciidamada qalbka sida kusii wada erya ilaa wadankoo dhan uga sifeyneysaan guulestayaaloow guuleesta Aamiin
waxaan idinka codsaneeynaa in sidi layeelay gedo ooKALE INAAD YEESHAAN BAY IYO BAKOOL YAAN LOODIRIN XILDHIBAAN EE HALOO DIRO SARAAKIIL LAGU KALSOONYAHAY TAAS DAWLADU HAKA TAXADARTO
Assalamu calyukum
waxaan hambalyo u dirayaa geesiyaasha Gedo xureeyey, hubaal waxaa ha geddo oo xur noqataa waa saylac oo xorowda. al-shabaab waxaan leehay “saxibayaalow dadkiina u tudha, oo calankaan madow dejiya, oo illah ka baqa’.
QURBAJOOG waxaan odhana lahaa nimanyoow waxaa la inooga baahanyahay inaan daba istaagno ciidanka qaranka oo al-shabaab ka dhigaya hubka. taas waxay ku imaan kartaa inaan is abaabulnaa oo kolba meesha la xoreeyo gacan siinaa, matalan aan ka bilaawno BALADXAAWO, DHOOBLAY, XUDUR iwl hadaba hadii aad haysid fikrad lagu taageri karo meelaha laga saaray al-shabaab radiomuqdisho hanoo noqoto meel dhexe’e ku soo hagaaji fikirkaaga.
nimankaa diinta ku soo gabaday
nimaankaa dalka gubaya
kuwaa dadaka dilaya
kuwaa duiiday calankeena
geeshkoow la dagaal
oo dalkoo dhan ka xoree
qurbajoogoow geddo booqo
oo dhaqaale ku gargaar.
wabilaahi towfiiq
Hambalyo! Hambalyo! Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeeynayaa ciidamada dowladda ku meel gaar ah. Bravo Farmajo.
1-Howlgalada ciidamada qaranka ee Gedo waa talaabo ku dayasho mudan.
2-Ciidamada Jubada hoose waa in soo dhaqaajiyaan
3-Ciidamada Qaranka & Amisom waa in ka weeraraan shabeelada hoose dhinaca jaziira oo ay degaan Laanta buuro, Shalaambood, dhanaane & Magaalada Marka arintaa waa qaban kar wax aan ka badnayn 1000, Xitaa saacado kooban howlgalkaas haloo sameeyo si niyad jab shabaabka la dagaalamaya ciidamada qaranka ee advanciga ka soo wad dhica gedo & Jubooyinka.
Adkaysiga waa furaha guusha.