Tuesday, October 21st, 2014

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Dooday Waxa Sababay Iney Muqdisho Ku Soo Laab Laabtaan Falalka Argagixiso“Dhageyso”+“SAWIRRO”

Published on June 21, 2013 by   ·   2 Comments  ·   2,171 views

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo Jimco kasta ka baxa Radio Muqdisho iyo SNTV  ayaa todobaadkan looga hadlay mowduuc ku saabsan waxa sababay in dhaqarqabayaasha Shabaab ay weeraro naftii halignimo ah ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Todobaadkan waxaa kooxo dhagarqabayaal ah ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen xarunta hey’adda UNDP halkaas oo ay ku nafwaayeen 15 qofood oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi,  iyadoo weerarkii kan ka horeeyayna ay argagixisadu ku qaadeen xarunta maxkamada gobolka Banaadir.

Barnaamijka ayaa waxaa ka qeybgalay oo marti ku ahaa C/raxmaan Kulmiye C/raxmaan Dheere) oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka maamulka G/Banaadir ee dhinaca amniga ahna kusimaha gudoomiyaha G/Banaadir Warsame Maxamed Xasan ‘’Joodax’’ iyo aqoonyahan lagu magacaabo C/rashiid Qaliif, waxeyna si faahfaahsan uga doodeen sida looga hortagi karo falalka noocan oo kale ah iyo sida dowladu uga gaashaamatay ineysan mar kale soo laaban fal ceynkan oo kale ah.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga C/raxmaan Kulmiye ayaa tilmaamay in dowladu dadaal badan ku bixisay xasilinta amaanka Muqdisho, isagoo tilmaamay iney jiraan falal kale oo argagixiso oo hore loo fashiliyay, wuxuuna xusay in dowlada Soomaaliya ay damaanqaadeyso amniga magaalada Muqdisho.

Warsame Joodax oo ah gudoomiye ku xigeenka amniga maamulka G/Banaadir ayaa isaguna xusay in amaanka gobolka Banaadir uu yahay mid la isku haleyn karo laakiin falalka argagixiso caalamka oo dhan ay ka dhacaan waxaana socda qorshayaal looga hortagayo falalkaasi kaas oo mar dhow la dareemi doono.

Intii uu socday Barnaamijka ayaa dhageystayaashu waxa ay qadka Talefoonka uga qeyb qaadanayeen barnaamijka iyadoo mas’uuliyiintuna ay si faahfaahsan uga jawaabayeen su’aalaha ay soo weydiiyeen dhageystayaasha Barnaamijka.

Hoos ka Dhageyso Barnaamijka Kulanka Jimcaha

BAR,KULANKA TODOBAADKA QEYBTA Kobaad 21 06 13 

BAR,KULANKA TODOBAADKA QEYBTA Labaad 21 06 13

DSC01753

DSC01757

DSC01758

DSC01760

DSC01763

DSC01772

DSC01768

DSC01774

 

Photoby:Qeeys Cali Shire 

Readers Comments (2)

  1. aminyare says:

    AS DHAMAN WALALAHA SOMALIYED WAXAN U MAHAD CELINAYA DAADIHIYAASHA BARNAAMIJKAN IYO DHAYGEYSTAYASHA WAXAN UHAMBALYENAYAA MADAXDA DOWLADA DADAALKA AY KU JIRAAN WAXAANA U SOO JEEDINAYAA TALO AAN U ARKO INAY TAHAY MUHIIM XILIGA AAN JOOGNO TAAS OO KU SOCOTA DHAMAN MADAXDA DOWLADA BARLAMANKA,WASIRADA IYO MADAXWAYNAHA DACADDA AH

    AL SHABAAD WAXAA LOOGA GUULAYSAN KARAA
    1 IN DADKA SHACABKA AH EE DAWLADA IYO HORU MARKA JECEL AY SOO DIIWAAN GALIYAAN WIILASHOODA IYO GABDHAHOODA LASHAQEEYA AL SHABAAB
    2 IN DOWLADU AMAR KU BIXISO CIDII EHELLKOODU KAMID YAHAY AL SHABAAB AY SOO GUDBIYAAN MAGICIISA IYO HALKII UGDANBAYSAY IYO SAWIRADIISA HADAY SUURTA GALTAHAY
    3 HADII LAQABTO SHAQSI KAMID AH AL SHABAAB AMA LATOGTO WAA IN LASOO XIRAA DHAMAAN HELKIISA HADII AYSAN HORAY USOO GUDBININ WARBIXINTISA
    4 WAA IN SHARCIGAAN LAGU DARO HINDISO SHARCIYEEDKA WASARADA ARIMAHA GUDUHU U GUDBISASAY BARLAMAANKA HADAY SURTA GALTAHAY
    5 WAA IN SAWIRADA WIILASHA IYO GABDHAHA
    AL SHABAAB KATIRSAN LAGU DHAJIYAA MEELKASTA SI DADKA AY UGU FUDUTAATO IN SI DHAQSO LEH LOO SOO GUDBIYO MEELAHA LAGU ARKO, MAHADSANIDIIN

  2. ASCW MARKA HORE INLAALI LAAHI WA ILEYHIRAAJICUUN INTII KU DHAWACTEYNA ALLAHA CAAFIYO AAMIIN WAXAAN RABAA IN AAN CIIDAMADA AMA SARAAKIISHA WAA MARKII SADAXAAD EE NUUCAAN OO KALE EY DHAGAR QABAYAASHA AY SHACABKA WAXYEELO UGEYSTAA WAA IN CIIDAMADA LAGU AMA SARAAKIISHA WAA IN LAGU AMRO HADEYDHACAAN MIDII SHALEY OO KALE WAA IN AAN LAGALIN MEESHA WERARKU KA DHACAAYO OO AMAR LUGU SIIYO YAAN LAGALI ILAA AMARDABE




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Dadaab-camp

Soomaali Qaxooti  ah oo dalkooda ku soo laabanaya

Qaar ka mid ah dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-HABEENIMO-21.10.2014.mp3"][/audio]
astaanta.qaranka-300x2282

Guddiga Amniga xukuumadda Soomaaliya oo go’aano ka soo saaray arrinta ka taagan gobolka Hiiraan

Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga Amniga ee ...
DSCN1179

Qaar ka mid ah ehelada qoysas ay dhibaatooyin u geysteen Shabaab oo lacago la siiyay “SAWIRRO”

Ururka Haweenka Gobolka Benaadir ayaa maanta deeq lacageed ...
DSC07320

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha oo furay siminaar ku saabsan soo xulidda guddi maamula kheyraadka “SAWIRRO”

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa maanta furay kulan ...
wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta: “Kalsooni dhisidda shacabka waxa uu muhiim u yahay in horumar dhanka nabadda iyo xasiloonida laga gaaro Soomaaliya” (DAAWO VIDEO)

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Musftaf Sheekh ...
astaanta.qaranka-300x228

Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha oo ka shiray xoojinta wadashaqeynta

Kulun looga hadlayay waxqabadka Wasaaradaha iyo xoojinta xariirka ...
amniga

Hay’adaha amniga oo la wareegay garaash ku yaalla degmada Warta Nabadda. (DAAWO VIDEO)

Ciidamada hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa maanta ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-21.10.2014.mp3"][/audio]
DSC00102

Maamulka Godinlabe oo dib u habayn ku samaynaya canshuuraadka  “SAWIRRO”

Kulankan maanta lagu qabtay magaalada Godinlabe ee mamulka ...
EU

Midowga Yurub oo taageeray horumarka ay ku talaabsatay dowladda

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay horumarka ka jirta ...
Wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta oo booqday weriyeyaal siyaabo kala duwan ugu dhaawacmay Muqdisho. (DAAWO VIDEO)

Booqashadan uu Wasiirka Warfafainta iyo Hanuuinta Dadweynaha ee ...
macalin

Ururka Suxufiyiinta Carabta oo abaal marin guddoonsiiyay Qoraa Soomaaliyeed

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa ...
astaanta-warka

Dhageyso warka subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-21-10-2014.mp3"][/audio]
Jowhar

Jowhar: Wasaaradda arrimaha gudaha oo deeq gaarsiisay barakacayaal

Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa deeq raashin ah ...
beeraha

Dood cilmiyeed ku saabsan wax soo saarka beeraha oo Muqdisho lagu qabtay

Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida loo kordhin karo wax ...
Nicholas-Kay

Danjire Kay oo baaq u diray bulshada gobolka Hiiraan

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada ...
Baydhabo

Beydhabo: Dastuurka maamulka koofur galbeed oo la diyaariyey

Guddiga  farsamo ee maamul u sameynta gobollada koonfur ...
o11

Shir looga hadlayay Shidaalka Soomaaliya oo lagu qabtay London

Shir looga hadlayay shidaalka Soomaaliya oo ay ka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astanta-warka-150x150

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-HABEEN-20.10.2014-ok.mp3"][/audio]
Golbal_Summit_Afrika_16

Shir looga hadlaayo maalgashiga Africa oo maanta ka furmay dalka Ingiriiska,”sawiro”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabduweli Maxamed Cali Gaas ...
DSC06954

Labo kunteenar oo khamri ah oo lagu bur buriyay Muqdisho.“SAWIRRO + VIDEO”

Labo kunteenar oo ay ku jiraan waxyaabaha maanka ...
astaanta_qaranka13

Guddiga Amniga ee xumuuadda Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo dagaal Beeleedka deeganka Deefow ee gobolka Hiiraan

kulanka ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-20.10.2014-ok.mp3"][/audio]
astaanta_qaranka13

Guddigii dhowaan Xukuumadda Soomaaliya u xilsaartay baaritaanka xadgudubyadii lag eedeeyay AMISOM oo maanta warbixin soo saaray. (DAAWO VIDEO)

Taariikhda marka ay ahayd  18/10/2014 waxaa uu ku ...
shil-gaari

Shil-gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo maanta ka dhacay deegaanka KM13 . (DAAWO VIDEO)

3 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ...
baarlamaanka

Barlamaanka Soomaaliya oo maanta warbixin ka dhegeystay gudiga daraasaadka iyo soo dioyaarinta shuruucda axsaabta siyaasadda ee dalka. (DAAWO VIDEO)

Bilowga Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo ay soo ...
ddd

Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo sheegtay in si cadaalad ah u qeybin doonto deeqaha waxbarasho oo Soomaaliya la siiyo

Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ...
mi-2

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka qaybgalaya shir kasocda magaalada Busan

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Aadan Ibraahim ...
kurtunwaarey

Xaalad nolol xumo oo soo wajahday dadka ku nool Kurtunwaarreey

Degmada Kurtunwaarreey ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa laga ...
baarlamaanka

Baarlamanka oo maanta fadhi yeelanaya

Mudanayaasha Barlamanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ...
diyaaradaha-Kenya

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyn ka geystay Kudha

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa duqeeyay saldhig ...

Tubta Toosan

Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...
Jihaad

Jihaadku ma dagaal oo kaliyaa? Dhageyso

Qur’aanka iyo Sunnaha waxaa ku soo arooray JIhaad, ...
Godane & Barawe

Alshabaab Godane iyo Baraawe ka dib?? – FALANQEYN DHAGEYSO

  Maleeshiyada Alshabaab waxaa dhowrkii toddobaad ee la soo ...