Ayado hal malin oo qur aay ka harsantahay Shirka London Dr Ahmed El Tayyeb, oo ah Imamka Al-Azhar ayaa soo saaray baaq uu ku taageerayo shirka London loogu qabanayo dadka Soomalida ah. Al-Azhar waa hay’adda diineed ee ugu saamaynta badan Masar dhexdeeda, waana mid ka mid kuwa ugu muhiimsan hay’adaha diinta islaamka ee ka jira dunida muslimka. Shirka London loogu qabanayo Soomalidu waxa uu qabsoomaya 23ka Febraayo waxaana ka soo qayb galaya xubno sare oo matalaya in ka badan 50 dawladood iyo ururo caalami ah. Xoghaya qaramada midoobay Ban Ki Moon ayaa ka soo qayb galaya, sidoo kalena waxa kasoo qayb gali doonaa madaxa Midawga Africa, jaamacadda carabta iyo ururada iskaashiga muslimiinta. Shirkan waxa looga dan leeyahay dardar galinta hawlgalka caalamiga ah ee Soomaaliya, fariintiisana Imamku waxa uu ugu baaqay Soomalidu in ay dhinac iska dhigaan wixii khilaaf dhexdooda jira kana wada shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha ka oogan Soomaliya.
Baaqa Imamka waxaa u dhigna sida hoos ku qoran
Ilahay baa amaan leh, Allihii koonka abuuray. Naxariista Alle iyo Nabadgalyadiisu ha ahaato korka rasuulkii u dambeeyey, walaalihiisii rususha kale ahaa iyo kuwa xaqa taageera markasta..
Soomaliyeey!
Allaha wayni waxa uu idiinku sheegay [ Qur’anka dhexdiisa] “qabsada xarigga eebbe, dhammaantiin, oo ha kala tagina; waxaanad xasuusanaataan waxa eebbe idinku galladay; waxa aad ahaydeen qaar isu cadaw ah markaasuu alle isu keenay quluubtiina, waxaanaydu ku noqoteen naxariistiisa alle awgeed qaar walaalo ah”
Rasuulka Eebe, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri:
Qofka mu’iminka ah iyo qofka kale ee muminka ahi waxa ay isu yihiin sidii dhisme oo kale barkiiba barka kale uu xoojinayo.
Sidoo kale waxa uu yiri:
Muslimku waa walaalka qofka muslimka ah ee kale. Sida daraadeed yaanu dulmin yaanuna dulayn. Qofka qof muslim ah u garagaara ilaahay ayaa isna u gargaara; qofka qof muslim ah dhib ka fayda ilaahay ayaa isna ddhibta ka fayda maalinka qiyaame; qofka qof muslim ah ceebtiisa asturana ilaahay ayaa ceebtiisa astura maalinka qiyaame. .
Walaalaha Soomalida ahoow: Dadkiina sharafta leh waxa soo martay dhib iyo xanuun badan waxaanay u muuqataa haatan in damiirkii dunidu dhaqaaqay ama ay isku dayayaan in ay wax idinla qabtaan .
Waa in aad ka shaqaysaan sidii nabarkiina u daweyn lahaydeen, aad u daryeeli lahaydeen agoontiina iyo kuwa barakacay ugana hortagi lahaydeen in dhiig dambe oon waxba galabsani daato .
“qofka muslimka ah qofka kale ee muslimka dhiiigiisa, hantidiisa iyo sharaftiis in uu dhaawacaa waa ka xaaraan” (sunahii nabiga )
Kuwii aan diinta ku walaalawnayow, miyaydaan ka daalin qaybsanaanta iyo dagaalka? Miyaydaan ka daalin in aad qori caaraddiisa kuwada hadashaan iyo qalalaasaha dadkiinii ku barokacay daafaha dunida, dumarkiinii iyo caruurtiiniinau baylihiyay silica iyo ayaan darida?
Markii aan maqlay shirka London runtii waan idiin damqaday waxaanan jeclaystay in aan idinla hadlo, aniga oo rajo ka qaba in oraahdeyda gaarto qalbiyadiina oo aad aqbashaan. In la heshiiyo, lays cafiyo laysuna dulqaato ayaa loo baahanyahay si dhaawacyada dalkiinu u bogsoodaan dhibaatada dadkiinuna u soo afjaranto.
Waxaan Alle waydiisanaynaa in uu idinku guuleeyo dadaalkiina sharafta leh waxaananu u rajaynaynaa mustaqbal ifaya dadkiina dhibta badani soo gaartay.
Ilaahayow waxaan kaa baryaynaa in aad na siiso naxariis aad ku hagto qalbiyadayada, nagu midayso nagagana ilaaliso imtixaanada. Ilaaha dunida oo dhan Abuurayoow. .
Naxariis, nabadgalyada ilaahay guudkiina ha ahaato.
Shaykh Al Azhar
Dr Ahmed El Tayyeb
maasha alaah sheekh al azhar
aamin aamin aamin alaha noo aqbalo ducada shiikhul azhar alaha nooga dhigo tii dhibaata soomaaliya soo af jarta waa shiikhul caalamka insha alaah kariim waxana rajeenayaa in uu noqdo dhibkii soomaaliya ee laabadan jirsatay in ey tani ugu dambeeso bi,idni l
aahi kariin
aad baan ugu faraxsanahay hadalka qiimaha leh ee ka soo yeerey imaamka weyn ee sheikh al-azhar dr.ahmed dayib waxaan alle ka rajeenayaa in uu naga dhigo kuwii dantooda gartaa oo ka gudba marxaladihii adkaa runtii waxaa la joogii waqtigii aan ka gudbi lahayn wixii dhibaato ah oo ina soo marey waxaana haboon in aan horey u socono kana shaqeyno danaha dalkeena ummadeena iyo diinteenaba hadaan anaga wada tashanin oo aan isku tanazulin lama fogeysanayo in aan kusii jirno marxaladihii adkaa ee na soo marey ,somaali ha noolaato . waad mahadsantihiin dhamaan
aad baan ugu qancay baaqa sheekha Allahana nagu daweeyo
sheekhu waa mahadsanyahay anagana waxeey natusee walaalnimada muslimka qof kasta oo soomaaliyahoow waanada muslimka qaado saas ayaa inoobalan ah .w.s.c.
asc dhamaan shacabka somalia salaan kadib waxaan leeyahay ilaahey ajar iyo xasanaad hakasiiyo sida wanaaga badan ee uu noogu nasteexeeyay sheikh al azhar, waxaana ilaahey karajeynaa in uu shirka london in uu ilaaheey kadhigo kii ugudambeeyay oo somalia looqabto kunaxalismaan dhamaan mashaakilka 21sanokuhabsaday wadankeena ilaahoow waxaan kuweydiisanaynaa nabadgalyo taam ah
aaaaaaaaa miiiiiiiiiiiiin aaaamiiiin somaliyey idinkana aamiin dhah shiikh docadiisa ma,uliyiintana waxaaleyahay naqda kuwa unaxa dadka iyo dalka oo iskadaya isqab qabsiga dhaxadiina oo hishiiya dunida weey idiinsoojeetaayee ilahay ha,idin hishiisiiyo aamin aamin
Masha allah shikha wu nala dardarmay lkn away dadki qadan lahaa ILLAHOW umadena dhibatada ka qaad
asc
aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin radio muqdisho
xaqiiqdii markaan akhriyay hadalka sheikh waan ilmeeyay
waxaana layaabanahay dadkan aan damqaney inyarxaataa dadkiidibada joogay ayaa dareemay dhibka intuu le egyahay anagiina waan fahmi la nahay oo maalin kasta wax dil ayaa noosii cad tol illaa goorma ayaan saan kujiri doonaa …..
Ma sha alaah ilahey qer ha siyo imamka wlhi hdlkisa wn la qaba wuu naga damqana waa rux islam ah qer ilahey ha ugu badalo wn ka bixi dona dhibka malin un in sha alaah laa taq naduu min raxmati laah naxarrista ilahey wn heli dona shacabkena dhibka wuu ka bixidona dalkena dhulkena daatkena diintena mr danbe dhiig malu ku tadaayo in sha allah
Asc all bro waxaa. Xaqiiqo ah in hadii aa nahay. Somali in damiir keyni ow dhintay illaa in yar ow ilaahey u naxariistay maahine ilaahey hidaaayo hanasiiyo hana nagu hanuuniyo dariiqa xaqa ah alle haka jaaziyo imaam al azhar. Nasiixadi ow nasiiyay