Ayman Al-dawaahiri dan ma u hayaa Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed?- DHAGEYSO
Published on November 19, 2012 by Canab · 10 Comments · 4,225 views
Maalmo ka hor hoggaamiyaha ururka argagixisada ah ee Alqaacidda Ayman Aldawaahiri, ayaa soo diray farriin maqal iyo muuqaal ah oo uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Aldawaahiri oo hoggaanka Alqaacidda qabtay ka dib dilkii Osama Bin Laden, wuxuu ka murugeysan yahay jabka iyo guul darrooyinka is daba joogga ah ee la soo gudboonaaday Alshabaab iyo Alqaacidda.
Waxa uu si gaar ah uga hadlay qabsashada Kismayo oo ahayd isha dhaqaale ee argagixisada.
Dawaahirii waxa uu ku dooday in ciiidammada Kismaayo qabsaday ay yihiin Saliibiyiin doonaya in ay dadka Soomaaliyeed gaalo ka dhigaan.
Wuxuu yiri waxay la dagaallamayaan shareecada Islaamka ee Alshabaab ay gobolka ku maamulayeen.
Tolow, yaa u sheegay Dawaahiri in Alshabaab ay Shareeco islaam wax ku maamulayeen? Laakiin waxaa laga yaabaa in uu shareecada ula jeedo dhaqammada Alqaacidda ee qoor goynta , cabburinta iyo cabsi gelinta dadka ku saleysan.
Ayman Aldawaahiri, wuxxuu ugu baaqay muslimiinta caalamka in ay shacabka Soomaaliyeed ku gacan siiyaansiddii ay ula dagaallami lahaayeen cadowga ku soo duulay.
Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayuu Aldawaahiri ku tilmaamay Munaafiqiin iyo Murtadiin.
Dagaalyahannada Ajnabiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed nolosha u diidayna waxa uu ku tilmaamay mujaahidiin.
Aldawaahiri waxa uu ku jiraa dhuumaaleysi, ma tegi karo lagama jecla dalkii uu u dhashay ee Masar iyo dunida Islaamka, waxa uu dhowrkii biloodba mar soo diraa farriin laab la kac ah oo uu dalal nabdoon fidno uga ridayo.
Maleeshiyada Alshabaab ayuu ugu baaqay in ay dagaalka iyo dilka dadkak Soomaaliyeed sii laba jibbaaraan.
Hadalka Ayman Aldawaahiri muxuu macno leeyahay, Wax dan ahi ma ugu jiraan shacabka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u dhega nuglaadaan baaqyada Alqaacidda ee dagaal hurinta ah.
Waa mowduuca toddobaadkan ee barnaamijka Tubta Toosan oo uu marti noogu yahay Sheikh Cabdullaahi Axmed Garruun.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyata ayaa sheegay in ...
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ...
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ...
War Duhur 25-05-2013
Waxaa ka socda caasimada dalka Kuwait qabanqaabada loogu ...
Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
Hay,adda maaeaynta musiibooyinka qaranka ayaa maanta deeq raashin ...
Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
WAR SUBAX I 25 05 13
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanno ...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
WAR HABEEN 24.05.2013
Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
War Duhur 24-May-2013
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
WAR HABEEN 23 05 2013
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
magaceyga oo ah cabdi karin ahmed dawahiri marku dhahayo shacabka somaliyen aye gaaleynayaa masomali ayuu umaleya iney diinta daciif kuyihiiin maya somali saas kuma naqan karto gaal hadana wadamada gaalada waku nolnahay dintanagana wan kudhaqanaa alxmdulillah sorry qaliiif hana haleynin
Dawaahiri wa diin laway e dadkena koxdiisa alahanoga sifeyo waa qom badiyeysanee amin amin
waa nin ka shaqeeyo dhibka somalia waa dad aan fiicaneen waaye waxana ka qabna ninkaas in uu yahay mid dani noohaynin uu fiirsanayo tiisa khaska ah
baadarigaan weyn e dawaaahiri markuu baaq u diraayo khawaarijta asiga hoos tag muu asiga yimaado somalia oo uu janada uu sheegayo raadsho hadey sax tahay war u sheega baadarigaan somalia in eey ka fiican tahay kuna dhaqan wanagsan tahay diinta islaamka xataa dadalka laga soo gaaray diinta islaamka manta kuma dhaqmaan lkn somalia wey ku dhaqantaa baaadariyoow dawaaahire wehelkaada waa fircooon iyo sheydaan naarta insha allah?
Kacan bira somaliyey qalbikulansan uguntada dhulkina axa aa d maqleysin wahaladilo somali walaala yaal dalka iyo diinta iyo dad ka haladifaa co xaqa
midda la is weydiinaayo maxaa kagaley ayman adawaahiri arimaha somaliya hadii wax nabadeynaayo meesha uuujoogo hanabadeeyo al qaacida iyo al-shawab inta ay nagu sameysey ayaan wili quluubta dad badan somali ah ka go ila. muslinimadana mid asiga nabaraayo ma ahan qof walbo maalinta qiyaamo camalkiisa ayuu latagaa marka.caqiidada aad aamin santahay hadaanan qaadanin magaalo ayaa nahay mise gaalo raac.
filimkaas waaa dhamaday eeyaa cunay,alshabab,alqaeda,waanjabinay manadoneyno insha allah,waxaa mahad allah,iyo inti naftooda maalkooga uhurtay difaaca dalka dadka somalieed,
al qacido waa koox darbi jiifyo ah oo aan diin iyo horumar aan waxba ka aqoon
Asc dhaman umada somaliyed aqyaarey manta nin angaraneyn miyaa jira dhaqanka alqacida ama ayman aldawahiri miyey hadana donayan dadka shacabka iney qaldan runti umaleyn mayo manta in leydinku farxa alqaacido wayo waxad tihin wan so aragnay walwal iyo walac ayan dalkeni uga soo cararnay marnaba lagama yaabo inaan idin garab sino anigo ku hadlaya shacabka somaliyed ee alahayoow dalkeniyo alahayow dinteniyo alahayow dowladeniyo alahayow dalka noo iftimi intas kadib kunjer waxan u hambalyeynayaa madaxda dowlada waxan idin leyahay gushina gara golkina dhaliyaa by somaliyey
dadka muslimiinta ah wan salamay melwalbo ay jogan waxana idin leyahay A/W/W
intaasi kadib qofwalbo siduu jecel yahay alle ayaa og ollow dalkena noo hagaji dadkena noo mideey dintena nagu dhaq dhibkan iyo mushkiladaan socoto naga bixi waa masiibo allow naga qaad adaa uqeer badan qof labaryo inta muslin dunida jogtana dhibka kaqada amin amin