Tuesday, July 29th, 2014

Askar ka tirsan ciidamada Booliska oo tababar loogu qaaday dalka Jabuuti

Published on January 17, 2013 by   ·   1 Comment  ·   1,756 views

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tababar u diray in ka badan laba boqol oo askari oo muddo saddex bilood ah tababar ku qaadan doona Dalka Jabuuti.

Munaasabadda lagu sagootinayay askar ka tirsan ciidan Booliiska Soomaaliyeed oo gaarayaan 204 askari oo tabar looga qaaday dalka Jabuuti oo ay ka qayb galeen Taliyaha Akadeemiyada  Booliiska General Kaahiye, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Akadeemiyada  Gerneral Kaahiye ee dugsiga tabarka ciidanka Booliiska  Soomaaliyeed Axmed Dayib “Axmed Dhagacaleen” oo hadal ka jeediyay goobta ayaa  sheegay in ciidanka tababarka loo qaadayo ay yihiin 204  askar iyo saraakiil iskugu jirta 16  ka mid ah in ay yihiin Dumar ayna tabarkaasi  ku soo qaadan doonaan Muddo saddax bilood ah dalka Jabuuti.

Sidoo kale taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif  Sheekhuna Mayee  oo ka hadlay  munasaadda lagu sagootinayay  ciidanka ayaa xusay in askarta iyo saraakiisha la soo barayo ka hortaga argagixisada, Miino baariista, habka loo baaro dambiyada iyo waxyaabo kale.

Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa intaa ku daray in sababarkaan ay maal galineyso dowladda Talyaaniga ayna fulineyso dowladda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, isagoona askarta kula dardaarmay in ay dhowraan sharciga ciidanka Qaranka.

Ugu dambayntii wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali oo dardaaran dheer u jeediyay  askarta iyo saraakiisha gaaraysa 204 ayaa tilmaamay in ay nasiib u yeesheen in ay ku soo tababartaan dad ay iskaga mideysan yihiin diinta, afka iyo dhaqanka isagoon intaasi raaciyay in ay muhiim tahay in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda iyaga oo aqoon leh.

Askarta maanta loo qaaday tababarka oo gaara 204 askari ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada Booliska Soomaaliyeed laga doonayo in ay la wareegaan amaanka magaalooyinka laga xoreeyay maleeshiyada Kooxda shabaab.

Readers Comments (1)

  1. C/raxman says:

    Ugu horenynti dhaman shaqalaha radio&tv iyo madaxa qaranka wani salamay. manta sida ognahay magalada muqdisho o hormartay hadi ahaanlehed xaga waxbarashada, ganacsiga,cafimadka sido kale cidanka hoga dalka oo manta lagu tilmankaro guul wayne ay gareen oo ka sifeeyen malayshiyadka qawarijta al shaabab tasna wa guul wayne o uso hoyatay umada somaliyed waxana ilaahi ka baryeena inu malashiyadka alshabab meel daran ka bixiyo insha alla




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

100_8724

DAAWO SAWIRADA SIDA LOOGA CIIDAY BARIGA MAGAALADA MINNEAPOLIS

Salaada ciidul fitriga ee lagu qabtey bariga magaalada ...
igad

IGAD oo iska fogeysay warar been abuur ah oo ay baahiyeen Website-yada qaar

Xafiiska IGAD ee Muqdisho ayaa beeniyay warar been ...
Cabdi Catoosh (2)

Muwaadin Soomaaliyeed oo ay naafeeyeen burcad Koonfur Afrikaan ah oo codsaday kaalmo caafimaad “SAWIRRO”

Cabdi Catoosh Faarax, waa muwaadin Soomaaliyeed oo dhallinyaro ...
RIDWAAN

Wasiirka Diinta Iyo Owqaafta Oo Shacabka Soomaaliyeed U Diray Hambalyada Ciida

Ra'isul wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka diinta ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-28.7.2014.mp3"][/audio]
DSC06358

Wasiirka Warfaafinta oo kulan qado ah la qaatay carruur indhoolayaal ah “SAWIRRO”

Kulankan qadada ahaa ee uu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda ...
DSC01649

Daawa Sawirrada sida looga ciiday magaalada Cadaado

Deegaanada Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya ayaa ...
Ciid

Dhageyso Barnaamijka gaar ah oo ka hadlaya sida Caalamka looga ciiday

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
IMG_5476

Wafdiga ka socda Xukuumadda ee ku sugan Hiiraan oo la ciiday ciidamada Jabuuti “SAWIRRO”

Wafdiga ka socda Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-28.07.2014-.mp3"][/audio]
IMG_5987

DAAWO SAWIRRADA MADAXDA QARANKA OO KUMANAAN DAD AH LA CIIDAYA

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
DSC05952

Wasiirka Warfaafinta Oo La Ciiday Barakacayaal Danyar Ah (Sawirro)

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha mudane Mustaf Sheekh ...
DSC06140

Wasiirka Warfaafinta Oo Booqday Ilmo Mataano Ah Oo Isku Dheggan (Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ...
DSC05881

Madaxda Qaranka Oo Kumannaan Dadweyne Ah Salaada Ciidda Kula Tukatay Masjidka Isbaheysiga (Dhageyso+Sawirro)

Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/Warka-Subax-28.7.2014.mp3"][/audio]
isbaheysiga

Muqdisho Oo Si Farxad Iyo Nabadgelyo Leh Looga Ciidayo

Iyadoo ay maanta tahay maalintii koobaad ee ciidulfidriga ...
unnamed

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa munaasabadda Ciidda hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed:-War-Saxaafadeed

Muqdisho, 27 July 2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ...
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Guddoomiyaha Barlamaanka oo shacabka u diray hambalyada ciidda (Daawo)

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan ...
cabdiweli1

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda oo shacabka ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidda (Daawo)

Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, ayaa Warbaahinta Qaranka ...
unnamed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Ummaddiisa ugu hambalyeeyey munaasibadda Ciidda (Daawo)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ...
ra isu;

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Ummadda Soomaaliyeed ugu Hanbalyeeyey Munaasabadda Ciidul Fidriga

Muqdisho, 27, July, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Consultation Pictures (5)

Kulan wadatashi iyo xog is weeydaarsi dhexmaray Wasiiradda Haweenka, Xildhibaanada iyo Ururada Bulshada Rayidka “SAWIRRO”

Kulan wadatashi iyo xog is weeydaarsi dhexmaray Wasiiradda ...
vlcsnap-2014-07-27-16h21m08s215

Deeq Zakaatul fidri ah oo maanta loo qeybiyay boqalaal ruux oo isugu jira agoon iyo danyar ku nool Magaalada Gaalkacyo “SAWIRRO”

Deeqdaan oo ay soo dhiibeen Qaar ka mida ...
Ciid

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday in ay Bari Ciid Tahay

Wasaarada diinta iyo Awqaafta xukuumada Soomaaliya ayaa goor ...
astaanta_qaranka11 ok

Guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed oo la hirgeliyay (Dhageyso)

Madaxda sare ee dalka ayaa maanta ka qeyb ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-27.07.2014.mp3"][/audio]
Sequence 95.Still008

Hotel cusub oo laga furay Muqdisho “SAWIRRO”

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ka hirgeliyay hotel cusub ...
vlcsnap-2014-07-27-13h55m13s116

Howlgallo balaaran oo ay sameeyeen ciidamada amniga oo lagu soo qabtay hub iyo rasaas “SAWIRRO”

Ciidamada amniga ee dalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta ...
DSC01617

Agoon iyo naafo ku dhaqan Ximan iyo Xeeb oo deeq la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Deeqdqan lacageed oo ay iska soo uruuriyeen Haween ...
DSC05566

DAAWO SAWIRRADA TARTAN CILMIYEEDKII XALAY EE LA SOO GABO GABEEYAY

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
DSCF3062

Gudoomiye Muungaab “Gabdhaha Soomaaliyeed Waa Udub dhaxaadka Bulshada” (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Jeneral ...
DSCF3201

Muungaab Oo Maanta La Kulmay Guddoomiyayaasha Degmooyinka G/Banaadir Iyo Howlwadeenno Kale (Sawirro)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Jenaral ...
DSC05592

Mas’uuliyiinta W/Warfaafinta Iyo Kan G/Banaadir Oo Xalay Degmada Kaaraan Uga Qeybgalay Dabaaldegga Guusha (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna ...
Howl

Ciidamada Ammaanka Oo Saaka Howlgallo Ka Wada Xaafado Ka Tirsan Degmada Hodan

Ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgallo ...

Tubta Toosan

images (12)

Ramadaanka & Daadinta Dhiigga

Waxaan ku ku jirnaa tobankii dhexe ee bisha ...
TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
July

Islaamka iyo Waddaniyadda

Iyadoo loo dabbaaldegayo maalintii xorriyadda iyo Qarannimada Soomaaliya, ...