Friday, October 31st, 2014

Ardayda Jaamacadaha Muqdisho Oo Xarunta Golaha Shacabka Su’aallo Ku Weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka “Dhageyso+Sawirro”

Published on December 6, 2012 by   ·   24 Comments  ·   13,599 views

Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta waxa ay Ardayda wax kabarta Jaamacadaha magaalada Muqdisho su’aallo ku weydiiyeen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Ardayda ka dhageystay fikaradahooda ku aadan sida ay jeclaan lahaayeen in Baarlamaanka iyo Dowladdaba ay u shaqeeyaan.

Kulankan fikirka,talada iyo su’aallaha ay isku dhaafsanayeen Gudoonka Baarlamaanka iyo Ardayda Jaamacadaha magaalada Muqdisho wax ka barta oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Ardaydii horey Jaamacadaha uga qalin jebiyey ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Warbaahinta Qaranka ayadoo Barnaamijkana uu taaba geliyey ururka dhalinyarada ee SYL II.

Bilowgii Barnaamijkan ayaa Ardayda kasoo qeybgashay oo gaareysay 300Arday iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxey si wadajir ah ugu duceeyeen Ardaydii sida xaqdarada aheyd loogu xasuuqay magaalada Muqdisho gaar ahaanna Ardaydii lagu kala laayey Qaraxyadii Hotel Shaamow iyo Warshadii Hargaha iyo Saamaha waxaana ay Alle uga baryeen inuu naxariistiisa jano siiyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ugu horeyn waxa uu Ardayda faah faahin ka siiyey qorshe howleedka ay gudoonka Baarlamaanku diyaariyeen in Golaha Shacabku ay ku shaqeeyaan afarta sano ee soo socota waxaana uu Gudoomiyuhu tilmaamay in qorshaha Baarlamaanku uu yahay in Afar sano kadib ay dalka gaarsiiyaan in shacabku ay Madaxdooda dooran karaan.

“Ardayeey waxaan marka hore idinkaga mahad celinayaa sida aad uga soo qeybgashay kulanka la dinku casuumay,maamullada Jaamacadahana waan ku ammaanayaa sida ay Casuumaada u aqbaleen,sidoo kale Warbaahinta Qaranka waxaan uga mahad celinayaa qaban qaabada Barnaamijkan,ururka SYL II sidoo kale waxaan uga mahad celinayaa taaba gelinta barnaamijkan waxeyna ii tahay fursad weyn inaan la kulmo intaan oo dhalinyaro ah” ayuu yiri Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka.

Gudoomiye Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in u jeedada kulankan loo qabtay ay tahay in Gudoonka Baarlamaanka uu dhageysto fikradaha kala duwan ee ay qabaan Ardayda wax kabarata Jaamacadaha Dalka iyo kuwa ka qalin jebiyey maadaama ay Ardaydu yihiin mustaqbalka iyo hogaanka berito.

Ardayda Jaamacadaha magaalada Muqdisho wax kabarata ee iyagu barnaamijka ka qeybgalay ayaa su’aallo si toos ah u weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayadoo su’aallaha ardaydana ay u badnaayeen in Dowladdu fursaddo u abuurto Ardayda ka qalin jebiya Jaamacadaha Dalka iyo in sidoo kale ay Dowladdu qorshe taageerro ah u dejiso hormarinta Waxbarashada Dalka si dhibaatada jahliga laga dhaxlay looga gudbo.

Ardayda barnaamijka fikir iyo tallo isweydaarsiga maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka kasoo qeybgashay waxey uga mahad celiyeen Gudoonka Baarlamaanka sida uu waqtiga ugu huray islamarkaana uu fursad ugu siiyey iney aragtidooda usoo gudbin karaan islamarkaana ay weydiin karaan su’aallaha ay qabaan waxaana ay Ardaydu sidoo kale codsadeen in la joogteeyo tashiyada dhexmaraya Madaxda Sare ee Dalka iyo Ardayda Jaamacadaha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo ka jawaabayey su’aallo ay Ardayda weydiiyeen ayaa tilmaamay in Dowladdu ay fursad siin doonto dhalinyarada ka qalin jebiya jaamacadaha Dalka maadaama ay daruufo adag wax ku barteen isagoo Ardaydana si gaar ah uga farxiyey in fursada ugu horeyso uu Baarlamaanka siin doono bisha Jauary ee fooda inagu heysa fursadaasina ay tahay shaqaalle uu Baarlamaanku qaadanayo.

Waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka codsaday Ardayda ineysan marnaba ka bakheylin aragtidooda ay u arkaan in lagu hagaajin karo Dalkooda islamarkaana lagu gaari karo yoolka la hiigsanayo ayadoo Mudane Jawaarina uu ballan qaaday in kulamada noocan ah ay noqon doonaan kuwo la joogteeyo.

Gebagebadii Barnaamijka ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari soo bandhigay shax uu ugu magac daray Arday Xildhibaan taasi oo uu xusay in looga gol leeyahay in Ardayda iyo Baarlamaanka mar walba si ay isaga warqabaan waxaana shaxdaasi ay tahay mid fududeyn doonta in Ardaydu ay xili kasta talooyinkooda kusoo gaarsiin karaan Gudoonka Baarlamaanka.

Kulankii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo iyagu talaabo hormar leh ku tilmaamay in Ardayda Jaamacadaha dhigta fursad loo siiyo iney Xarunta Golaha Shacabka Madaxda sare ee Dalka Su’aallo ku weydiiyaan.

Waa markii ugu horeysay oo ay Madaxda sare ee Dalku fursad u siiyaan Ardayda Jaamacadaha Dalka wax ka barata iyo kuwa ka qalin jebiyey iney toos ula kulmaan islamarkaana ay fikir iyo su’aal toos u weydiiyaan waxaana qaar ka mid ah Ardayda ka qeybgashay Barnaamijkan maanta o la hadlay Warbaahinta Qaranka ay kulankan ku tilmaameen inuu yahay mid doorkii ay Dalkooda ku lahaayeen lagu siinay ayagoo Warbaahinta Qaranka iyo ururka SYL II uga mahad celiyey sida ay Barnaamijkan isagu howleen qabashadiisa.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Jawaabaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadaha

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Jawaabaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadaha

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Jawaabaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadaha

Photo By:-Feysal Muuse Maxamed

Readers Comments (24)

  1. abdirisaag says:

    waa arin aad loogu riyaaqo in maantay madaxdii qaranka 22 kadib ay hor fariistaan ardayda soomaaliyeed oo ah ubaxii maanta madaxdii berito .
    taasi waxa ay ku tuseysaa in hogaanka dalka uu yahay hogaan aqoon iyo daacadnimo labadaba isku darsaday
    illaah hala garab galo xilka ay noo hayaan hogaanka dalka oo aan mid mid u kala qaadeyn .
    illaah ha idin xafido

  2. daljir says:

    maasha’allaah aad baan udhiira gelinayaa arintan oo kale in lajoogteeyo,madax daacad ah sidaan ayaa lagu yaqaan

  3. Qurbe-ku-raag says:

    Wallaahi, hadda ayaan dhabbihii horumarka qaadnay.

  4. ismacil yare says:

    waa wax aad loogu farxo aad iyo aad ayana ugu mahad celinenaa gudomiyahay hosha oo shacabka uhayo in ardayda iyo shacabka waxa eerabane laga dhagestane waa wax farxadleh aad bana ugu mahad naqena insha allah wadankena oo nabad ah ayaa rajenaa

  5. Mahad says:

    asc wr wb masha allah waa wax lagu farxo waxa maanta uu sameyay gudoomiyaha barlamanka somalia mr jawaari uu fursada u siiyay ardayda in uu fikirkoda dhagaysto taasina waxay mu jinaysa dimoqoradiyada waa guul usoo hoyatay ardayda iyo shacab weynaha somaliyed. Aniga waxan ahay arday wax ka barta dalka sweden waxana si toos ah u waydina su`aalaheena madaxda dalka aan joogno sida ra`iisulwasaha iyo boqorka iyaga oon fiirinayn kani dalka u dhashay iyo kani waa ajnabi, waxana rijayna in ay madaxda kale ee dalka ay ku daydan mr jawaari

  6. Ali Chemico says:

    Waxaan runtii hanbalyo qiima badan usoo jeedinayaa bahda radio muqdisho oo runtii shaqo qaran oo qiimi leh u haya ummada soomaaliyeed waxaana idin leeyahay halkaas kasii wada sxbayaal

    Marka labaad waxaan runtii aad iyo aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta madaxdii soomaaliyeed ay ardaydii wadanka fikir is waydaarsanayaa ayagoo ka wada hadlaya sidii dalka loo hormarin lahaa taasi waxay markhaati cad u tahay in isbadal dhab ah uu dhacay intaan noolaa waligay ma arkin tanooo kale waayo dawladba kuma dhalan waxaana ay tani ii tahay guul dhamaan ummada soomaaliyyed guul bay utahay ilaahow noo siyaadi oo noosoo dadaji nabadii iyo barwaaqadii

    Soomaaliyeey ilaahay u mahdnaqa inta hadhayna is raaciya qabiilkana aan meel ku xirno walaalayaal , gudoomiya baarlamaanka waxaan ku dhiira galinayaa inuu sidaas mar walba sameeyo waxaana kula talinayaa inuu aqooyahana dalka ee dal iyo dibad joogana sidaas oo kale ula tashto fikirna u waydiiyo si fikirada badan ee saliimkaa loo aruursho dalkana loogu hormarsho .

  7. Qaran Doon. says:

    Asc.

    Waxeey Tusaale Cad u tahay in dhabihii wanaagsanaay Cagta saarnay. sida

    Middnimada, Wada-tashiga, Is Dhaxgalka, Tala wadaaga. Waa Aasaaska Qaran Caafimaaf qabo.

    Ilaahow Qaranka soomaaleyeed Noo Adkeey, Ammaanso, Nabad galayana na sii.

  8. Asc magaceyga wa fahad hasan o jogo capetown
    Waa arin wanaagsan waxu sameyey mudane jawaari wana wax u bahan in lagu daysado

  9. C.qani says:

    waxaan xasuusta xili aan arday loo o goleen aga garka golaha shacab maanta waa guul aan garnay runti mr.jawari profka waxaan lenahay ilaah ha kurab kalo horane u soco wax dhib ah ma argi doontit insha allaah

  10. maxamed says:

    jawaariyow fursadan okale ardada goboladana ha la siyo si ma sirkoda ardeynimo ugu qeb qataan wana arin lo bahnaa tan

  11. mohamed says:

    waa guul aad iyo aad loo garay masha allah ilaah baa mahad leh hala sii wado insha allah. asc

  12. sahra says:

    asc runtii wadaynu radinaynay wadahadalka oo ah wax badalikara kacan kahadalka hadii lawada dashado masuul iyo shacabaka waxa horumar lakukaarikaro hadii musuulka qofka ahi fahmo in uu dalada waxkasiiyo shacabkuu masuulka u ahaa waa wax aad ufiican dantuna kujiroto ilahoow nabada noo adkee aamin

  13. ismaacill m m says:

    masha allaah walaahi waa arin aad u wngsan in madaxda dalka ay ardaydu fursad u siiyaan soo gudbinta fikirkooda ku aadan habsami u socodka dalka in aradayda maskaxdoodu fareshka thy wax laga weydiiyo waa rin aad u wangsan waana ku farxsnhy aniga ahaan arintaan oo kale masha allaah dowladeena iyo dalkeena waxaan u rajaynaaa guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  14. waa wax lagu farxo .maadama ay umadii soomaliyed ay yeelatay xaq.haku socoto sinaan iyo cadalad ,

  15. sabriye says:

    waa wax lugu farxo manta in ardayda somaliyeed ay su,aalo waydiiyaan prof jawari waana arin hormarkeenikarta hadii lasiiwado dhanka kale wxn amaan balaaran iska leh radyaha qaran oo suurtagaliyay arintaa wxn leeyahay wadanka waad ka hormariseen dorkiina

  16. dalmar says:

    Jimco wanaagsan, tani waa dhabaha dhabta ah u fakarka dalka iyo dadka uu xil kasaaranyahay yar iyo weyn waa in laqabatimo kulamadan oo kale marwalba aadbana ugu riyaaqayaa si kal iyo laab qaana horumar wanaagsan,

  17. dhagtiir guuled says:

    aad iyo aad baan idin kugu mahad celinayaa mudanayaal madaxda wadankoow sidaas ku wada waan guuulaysanaynaaye

  18. Rabi ka cabsi iyo Rabi jaceel waa furaha nolosha, waa nasiib in dhaliyarada Somaliyeed oo hortaagan yahay Hogaan ku daysasho mudan. Gudoomiyaha Barlamaanka waa nin dalkiisa iyo dadkiisa oo dhan wada jecel, waana dareen umada ey aad ugu oneed. Somalida waa dad fiican ee wax u naxo ayey wayeen.

  19. saalax axmed says:

    WA ILMEYA MARARKA QAAR ARDAY WAX BARTAY MA IHI LKN ARDAY WADANKIISA JECEL AHAY WHY DADKEEYGA AA U ARKI WESANAHAY AYAGOO CALANKODA ISLAWADA JECEL O CALAN ADUUNKA YAAL NABATA U KUNOOLYAHAY UGA SARAMIRI WESANYAHAY E UFAHMI LA YIHIN SIDAN KALE OO FARXATA KUJIRTO IYO KALSONIDA PR JAWAARI SOOMALIE TARIIQAYADA EE LEDAHAY TAN UGU QALISIN KAGALEE WE LOVE U <

  20. saalax axmed says:

    HAL RALI QABA INTA AQRISAY QORALKAN HATA QORALKA MARKA AQRISO EE SOQOREEN SHACABKA WAXA DAREME FARXAT WAXA DAREME NABAT WAXA DAREME HORMAR WAXA DAREME JACEEL WAXA DAREME NABAD WA ANI SE ILA TAHAY LKN PLZ QOF WALBO OO QORAL SOQORAYO HAKU SO DARO MESHA UU JOOGO AMA MESHA OO KUNOLYAHAY QORBAHA KALIGIIS MAHIN WALA SOOMALI PLZ WAX WEEN MAKULA AHAN HADALKAN >LKN ANEE FARXAT ITAHAY ANI KALIGEY IN AAN JECLEN WADANKA EE ITUSEE <AAMIN RUNWAYE INTAAS, WA MAHAT SANTAHAY ABAAYO ABOOWE

  21. dr mahdi said salaad says:

    ardy wax barta sii wada wax barashada inin kaa ah ubixii wadanka continue thanks

  22. masha allha gudoomiyaha allaha noo daaofo

  23. Ibra bitoole says:

    Wallhi bilaahi aad ayaan ugu farxay xada ayaa i istagtay wana oyay alle waxaan kabaryaa dalkena noo hagago jawarina alle janatul firdowsa hageeyo ,,aduunkana farxad iyo caafimad cimri dheeri alle haku siyo taariiqda ayaa kuxisi doonto




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-31.10.2014.mp3"][/audio]
DSC07371

Wasiir Ku Xigeen Mahad Salaad Oo ka Warbixiyay Shir Helsinki uu Kaga Qeyb Galay “Sawirro”

Wasiir ku xigeen mudane Mahad Salaad oo howlo ...
IMG_4679

Safiirka Turkiga ee Soomaliya Oo lagu soo dhaweeyey degmada Hiliwaa “Sawirro”

Gudoomiyaha G/banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jeneral Xasan ...
SESIONKII

Wasiirada Gaadiidka Dhulka Africa Oo Nairobi Kaga Shiray Horumarinta Gaadiidka “Sawirro”

Isutagii ugu horeeyay ee Horumarinta Gaadiidka Dowladaha Afrika ...
kulanka todobaadka cadaala

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo lagu falanqeeyay mashruuca calaamadeeynta guryaha G/Banaadir (Dhageyso)

Barnaamijka kulanka Todobaadka  ee ka baxa Radio Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-31-10-2014.mp3"][/audio]
Jaamac-Oday

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha oo dalbaday in la banneeeyo xarumihii wasaaraddaasi

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed ...
Cabdiweli-Sheekh-III-300x237

R/wasaaraha oo guddi wasiirro ah u magacaabay geerida taliyihii ciidanka booliiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
201499635458526731427637Taliyaha_Booliiska_Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Taliyihii Ciidanka Booliska

Mogadishu,30, October 2014- Guddoomiyaha G/banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ...
war-deg-deg-ah1-150x150114216

Ra’isul Wasaaraha Dalka Oo Magacaabay Ku Simaha Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.(DAAWO MUUQAAL)

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-HABENIMO-30.10.2014.mp3"][/audio]
unnamed (2)

Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada “Sawirro”

Mogadishu,30, October 2014-- Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ...
Cabdiweli 1

R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Mogadishu,30, October 2014-- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ...
Sequence 05.Still002

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geerida taliyihii Booliska Soomaaliyeeed

Abu Dubai- October 30, 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Jaawri Sawir Hore

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed…WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421

War Deg Deg ah, Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday.

War Deg Deg ah. Allaha u naxariirstee waxaa maanta ...
DANI

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo maanra soo xiray shir looga arinsanaayay qorshaha Qaranka ee 5 sano ee nagu soo fool leh.(DAAWO MUUQAAL)

Shirkan  wata shiga ahaa  oo looga ari sanyay   ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/warka-duhur-30-10-2014-ok.mp3"][/audio]
wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay kulan Dhalinyarada lagu wacyigelinaayo oo Muqdisho lagu qabtay.(DAAWO MUUQAAL)

Kulankan  ooh al ku dhiggiisu ahaa xal u ...
SAM_4729

La heystayaal Afar sano u afduubnaa Burcad badeed oo ku soo wajahan Muqdisho

Garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusamareeb ayaa goor dhaweeyd ...
shabaab

Dad Beeraley ah oo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ku dilay tuulo ka tirsan Mahadaay

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay tuulo ...
Xasan-sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo xalay gaaray magaalada Abu Dhabi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Mxamuud ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-30-10-2014.mp3"][/audio]
IMAG0966

Wasiirka arrimaha dibadda oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeedda (Sawirro)

Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ...
IMG_12681

Arday Soomaali ah Oo Deeqo Waxbarasho Lagu Gudoonsiiyey Xarunta Jaamacada Mount Kenya University Ee Magaalada Thika “SAWIRRO”

Xarunta ay Jaamacada Mount Kenya University ay ku ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-HABEEN-29.10.2014.mp3"][/audio]
astaanta-Puntland

Bulshada Rayidka ah ee Puntland Oo Soo Saaray Qodobo Ku Saabsan Dimuqraadiyaynta

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 October 2014 ...
xasan sheekh

Madaxweyne Xasan Oo U Ambabaxay Dubai

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ...
Ban ki Mon

Madaxda sare ee dalka oo kulan la qaatay Ban-Ki Moon iyo madax kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan ...
astaanta_qaranka11 ok

Digreeto Madaxweyne oo garsoorayaal shaqada looga joojiyay “Daawo Video”

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdsiho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-29.10.2014.mp3"][/audio]
Luuq dagaal

Maleeshiyada Shabaab oo jab loogu geystay dagaal xalay ka dhacay duleedka Ceel Garas

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa ka ...

Tubta Toosan

show

Islaamka & Xiriirka Caalamiga ah

Islaamku waa diin caalami ah oo ku socota ...
Qarac

Dilka Rayidka Diintu maxay ka qabtaa?

Maleeshiyada Alshabaab tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii ...
Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...