“Sawirro”AMISOM oo tababar u furtay shaqaale loogu talagalay Dab damiska
Published on January 14, 2013 by Canab · 2 Comments · 6,087 views

Taliska Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ayaa maanta tabar u furay shaqaalaha Rayidka kuwaas oo loo tababari doono ka shaqeynta Gaadiidka dab damiska iyadoo furitaanka tababarkan uu ka soo qeybgalay gudoomiyaha gobalka Banaadir.
Munaasabadan tababarka loogu furay 15 ka mid ah shaqaalaha Rayidka ah ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda gobolka oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” taliyaha qeybta kahortaga musiibooyinka AMISOM iyo madax katirsan ciidamada AMISOM.
Intii ay socotay xaflada ayaa waxaa hadalo ka jeediyay qaar ka tirsan saraakiishii ka socotay ciidamada AMISOM waxa ayna kula dardaarmeen in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan tababarkaan maanta u bilaawday.
Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan ayaa xusay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay u tahay maalin weyn maadama ay heleen qalab dab damis ah iyo shaqaale u tababaran howlsha dab damiska.
Waa tababarkii ugu horeeyay ee uu maamulka gobolka iyo AMISOM u furaan howlwadeeno loo carbinayo inay ka hortagaan ama damiyaan dabka waxana marar badan magaalada Muqdisho ay wajahdey gubasho baahsan oo ku timid dhowr jeer suuqyada magaalada.










Kulankan oo ay maanta yeelanayaan xubnaha golaha shacabka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
War Habeen 21-May-2013
Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
WAR DUHUR 21.05.2013
Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada Sadexdii bilood ee ...
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
WARKA SUBAX 21.5.2013
Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...
Tan iyo markii ay soo shaacbaxday in qilaaf ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
WAR HABEEN 20.05.2013
Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
WAR DUHUR 20.05.2013
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
Warka Subax 20-05-2013
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
masha alaah aad iyo aad ayaa ugu farxay markaa arkay dabdamis wadankeenni hooyo kahowl galaayo masha allah ayaan leyahay walall
gudoomiyaha gabalka banaadir tarzan iyo shaqada oo umadd u wado waa ku mahadsan yahay kuwa meelahaha ka qeylinayo ha u joojin dayaxa aad mareee waana muuqataa shaqadaada codkodiina waa yaraaday oo wax maqlo eey waayen kkkkkkkk ka saco shaqada waa xoowli ishii buktaay ku bidhaanso waa kaas tarzan umadiiba wada daba socoto godoomiye tarzan alle ha ku xafido guuuuuuuuuuuuuul