Allaha U Naxariistee Suldaan Cabdi Cali Sokor Oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Kismaayo
Published on February 2, 2013 by Jayte · No Comments · 1,736 views
Allaha u naxariistee Suldaan Cabdi Cali Sokor oo ka mid ah salaadiintii gacanta weyn ka geysatay in dalka uu ka gudbo KMG islamarkaana uu u gudbo dowladnimo buuxda ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Aaska Suldaanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,Saraakiil, Mas’uuliyiinta maamulka magaaladaasi, culumaa’udiin uu ka mid yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolada Jubooyinka.
Meydka Suldaanka ayaa waxaa barqanimadii maanta lagasoo dejiyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayadoo salaadii janaasadana lagula tukaday garoonka diyaaradaha magaaladaasi waxaana ugu dambeyn lagu aasay qabuurro ku yaala magaalada Kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo aaska kadib ka hadlay goobta ayaa tacsi u diray guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdi Cali Sokor ayadoo markaasi kadibna uu wasiirku ka hadlay taariikhda suldaanka iyo kaalintii uu ku lahaa samatabixinta umadda iyo isbedelka hormarineed ee uu hada dalka ku jiro.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isaguna ka mid ah Culumaa’udiinka ugu caansan dalkeenna oo ka hadlay madasha Aaska ayaa tacsi kadib waxa uu tilmaamay in Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdi Cali Sokor uu ahaa shaqsi inta badan nabadda Soomaaliyeed iyo hormarka umaddaba waqti badan u huray.
Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdi Cali Sokor oo ka mid ahaa salaadiintii Muqdisho mudada fog u joogtay sidii dalku uga gudbi lahaa KMG ayaa waxa uu ku geeriyooday maalin ka hor magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayadoo maantana aas heer Qaran ah loogu sameeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
WAR DUHUR 20.05.2013
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
Warka Subax 20-05-2013
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...
WAR HABEEN 19.05.2013
Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso
Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...