Thursday, February 23rd, 2012

Akhriso Magacyada Tahriibayaasha Soomaalida Ee Xeebaha Liibiya Lagu La’yahay Ayadoo Meydadka La Helayna Maanta La’aasay

Published on January 26, 2012 by   ·   75 Comments  ·   5,799 views

Tripoli,Khamiis 26 January 2012 (SONNA)  Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Libiya iyo Guddi Jaaliyadda Soomaaliyeed ka tirsan ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay aasaan 17 qof oo ay badda Libiya soo caarisay iyaga oo meyd ah kadib markii ay la qalibmatay doonidii ay la socdeen dadkaasi

 

Wararka ay Wakaaladda SONNA ka helayso safaaradda ayaa tilmaamaya ib Cabdiqani Wacays oo ah siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Libiya iyo Guddi jaaliyadda Soomaalid ah ay magaalada Misirata ku aaseen 17-qof oo Soomaali ah  kuwaasi oo 14-kamid ah ay ahaayeen haween 2-  rag ah, halka qofka  kalena uu ahaa canug yar oo labo bilood jirta.

 

Doonidaan ka shareecatay xeebaha Libiya oo siday 56 qof oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa waxa ay ku wajahnaayeen dhanka dalka Talyaaniga, hayeeshee doonidii ay saarnaayeen ayaa waxaa la waayay 14-kii bishaan aynu ku jirno, waxaana 17-ka la aasay laga helay xeebaha Libiya kaddib markii ay baddu soo caarisay.

 

C/qani Wacays ayaa sheegay in 39-ka kale ee la la’yahay ay u badantahay in ay dhinteen, isagoo intaa ku daray in ay ku dadaalayaan sidii ay ku ogaan lahaayen nolol iyo geeri  waxa ay ku suganyihiin.

 

Hadaba Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u suurtagashay in ay hesho qaar ka mid ah magacyada dadkii doonidaasi qalibmatay la socday ee ku degtay xeebaha Libiya xilli ay ku sii jeedeen xeebaha Talyaaniga, waxa ayn kala yihiin sidan.

 

1.C/Qaadir Maxamed Jimcaale

 

2.Muxuyadiin Xaaji Cllhi Fiidoow

 

3.Mowliid Xuseen Cabdi Qoobdheer

 

4.Shiikh Xasan Cali Xaanshi

 

5.Xasan Mowliid Cismaan (jees bile)

 

6.Maxamed Aadan Hurwaa

 

7.Aadan C/qaadir Aadan ( aadan baale) dhintay)

 

8.Xuseen Cali Garaash

 

9.C/raxmaan Maxamed Nuur (amaan)

 

10.Liibaan Xasan Ibraahim

 

11.Maxamed Feysal B/weyn

 

12.C/maalik Xasan Shiikh Ibraahim

 

13.Saciid Maxamed Faarax

 

14.Cali Faarax

 

15.Dhaqane Maxamed Ciiloow

 

16.Saleymaan Sabriye Siyaad

 

17. Cali Maxamuud Cawad

 

18.C/risaaq Maxamed Nuur (ruush)

 

19.C/raxmaan Maxamed Macalin Gurey( xaam)

 

20.Xasan Maxmed Cali gaab

 

21.C/qaadir Farax  Xiriyo (madaxay)

 

22.C/fitaax Guuleed Clle

 

23.Ismaaciil Xuseen Barre

 

24. Cabdi Muxudiin Guure (Cabdi faroon)

 

25.Axmed Xasan Dhaqane

 

26.Naciimo Cabdi Cllhi

 

27.Malyuun Cumar Axmed

 

28.Nafiso Cilmi Siyaad

 

29.Maryan Xuseen Cali (Dhimatay)

 

30.Aniso Macalin Gureey

 

 

Source: SONNA

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

 

 

Readers Comments (75)

  1. maxamuud says:

    inaa lillah wa inaa illehi raajicuun illah ha, unaxariisto dhamaantood iyo sxbkeey (dhaqane maxamed ciilaaw). illaah ha unaxariisto ayaan leyhay .

  2. aad baan kuxumahay allaahu u naxaristo

  3. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun waa maalin murugo uleh umda somaliyeed ilaah naxariistii jana alaha kawaraabiyo ehladii iyo qaraabadii ey ka tageena sabar iyo iimaan alaha kasiiyo run ahaantii waa maalin madoow aad iyo aad ayaan uga xumahay dadka walalaheena oo shul iyo shl kusoo galaa bada waxaan kala dardaarmaa ka iga danbeeyo inowsan soo galin ood ku quus qaadataa walaalkaa ku dhintay bada mahadsanidiin

  4. cabdixakiin says:

    inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajicun waa arin laganaxo runtii waxaa meshaan uga tacsiyeynayaa intii waxkunoqotay donta iyo eheladoda allaha unaxaristo dhamantod waxaan kalo halkan uga mahadcelinayaa walaalaha marawalba utagan in aysowargeliyan waxkasta oo sokordha ajar illaahey ha idinkasiiyo intiidhimatane allaha unaxaristo aamiin

  5. Cilmi Gaafoow says:

    Inalilah wa ina ileyhi raajicun waxn leyahay ilahey ha unaxaristo inta dhimatay!!!!

  6. khaalid says:

    inaa lillaah wainaa ileeyhi raa jicoon waa arin murugo iyo xanuun leh ilaah ha unaxariisto dhamaan intii ku geeriyootay janadii firdoowsa allaha ka waraabiyo eheladoodane sabar iyo iimaan allaha kasiiyo ilaahoow wadankeena noohagaaji raarabbi raa raxmaan dhalinteena bada heey ku la deen ilaahoow adaa awood leh yaakariim dalkeena noo xasili dadkeenne quluubtooda isku dun yaa ar xama raaximiin ij cal wa dananaa aaminan

  7. inalilaahi waa inaa ileyhi raajicuun
    waa naxdin waa dhabar jab waaa masiibo umadda somaliyed usoo hooyatay allow naxariista jano ka waraabi inta nool ellaahow badbaadi inta buktana allow caafi somaliyey umadeyda muslimkaah ka tanaasula inaad wado martaan oo qorshihiin yahay

  8. cabdirahmaan mahamuud mahmed says:

    inalilahi wa inaileyhi rajicuun geerido waa xaq weyna dhimanlahayeen ilaah ha u naxaresto muhimada wa in an u diyargarowna kuwina nool dhimashada u aan ilah ka baqna salada walalayalo ku dadalno iyo camalka fican taas an is xasuusino sxb dena sas ayay u dhinten anagana wa dhiman duna camalka fican iyo cibadada insha,laah meel kasta aat dunida ka jugtit muhimada wa in taas insha,laah

  9. buule says:

    Inaalillaah wa inaa ilayhi raajicuun allaah ha unaxariisto dhamaantod eheladoodine samir iyo iimaan allaah ka siiyo walaalaha somaaliyed waxan ku leeyahey walaalayaa waxaad u ordeysaan waa aduunyo ee nafsadiina qatar ha ugalinina aduunkaan waa lagatagaa wax maaha

  10. maxamed says:

    kulu nafsin daa’iqatul mowt ilaaheey dhamaantood ha uraxmado

  11. cumarxasan says:

    inaa lilaahi wainaa ileeyhi raajicuun inta dhimatay oo meeydkooda lahelay aalaa unaxariist ayaa leeyahay inta maqan alaa usoo sahlo safaarada iyo jaaliyada alaa usoo sahlo hadii ey dhinteen iyo hadii eyy noolyahiinba laakin waa murugo weeyn ayaa dhihi karaa

  12. wax garad says:

    inaa lilaahi wa inaa ileehi raajucoon
    ilahoow unaxariiso intii dhimatay
    intii noolna badbadi

    ilahow dowladcadila oo dadkeeda hanata ayan ku waydisanay ilahay dal iyo dad nabada ayan kabarinay amiin amiin amiin

  13. xaawa luul says:

    ana li laahi wa ana ileyhi rajicuun alaha u naxariisto walalahayna alaha u naxariisto ehelki iyo qarabadi ay ka ageena samir iyo iiman sadaq ah alaha ka siiyo

  14. qorba joog says:

    alah unaxrreesto walaheyna somaliyed waa ina ilaahi rajacoon

  15. zakaria hussein says:

    ina lilahi wa ina ilahi rajicun allaha uwada naxaristo dhamantod inta ku geriyotay bada. Walal inta hada doneyso iney bada gasho walalayal iskaga so labta wad u jedine walalihin ayago adun u arodo ayey aqira ade marka walalayal is dhafa bada e dib uso labta wa iga dardaran

  16. baraxow says:

    inah wainah raa jucun alaha unaxristo dhaman toda waxan haal kaan taacsii uku dii raa yaah umada musimintah meel waal boo eey wada joogaan daal iyo diibad gaar haan umada somalia iyo sodoonkas qofod eladi eyka ger yoden waxan leyahay samar iyo iman alah lika siyo wiil laa shinah Gaab dhahena waxan mar lawad idin leyahay alah unaxa risto samir iyo iman alah lika siyo iyo amah ita uku dhimatay mah moyinka amah abayasha waxan leyahay alaha unax risto dhaman toda sodan kaaf qof amin amin amin amin lailah ilahow maxamada rasulu lahow salah lahow calekum salah iih iih hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy hoyoy alahayow umadada kasogar alahayow umadada kasogar adaka sogari kare alahayow umadada irid ufur alahayow umadada irid ufur amin amin

  17. Ibrahim says:

    inta dhimatay allaha unaxristo walalayal arinka ayaga ahi waa in wax laga qabta dlaki ladejiya xabada lajojiya lais walalsada: cano daday waa ladaba qabana tahribka waxa kenay dagalka iyo wixi lamidah haljojiyo hal iswalalsado somaliyey nabadey

  18. Sadiiq sh.cali says:

    INA LILAHI WA INA ILEYHI RAJICUN ALAH YARAXMA

  19. buula burde says:

    inaalilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun dhamanteen samir iyo iimaan alanaga siiyo ayagane ilaah ha u naxariisto kuwa maqane aqbaartooda alaha soo fududeeyo Aamiin

  20. buula burde says:

    inaalilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun dhamanteen samir iyo iimaan alahanaga siiyo ayagane ilaah ha u naxariisto kuwa maqane aqbaartooda alaha soo fududeeyo Aamiin

  21. Max'ed idiris x/cabdi says:

    Innaa lillaah wa inaa ileyhi raajicuun alaha unaxaristo dhaman inti muslimiin ah. eheladooda na samir iyo imaan alaha kasiyo Aamin. Aamin. Aamin. Geerida waaxaq marwalba waa ladhimana sababna way jirtaa ilahayoow kuwi kusabra. Kuna wana qaata naga yeel.

  22. gabar somaliyed says:

    inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucun lkn waa geeri aad u naxdin badan intan oo halmar dhimatay hadane gaigood ah dad kasoo jeedo hal qoys ilaah ha u naxariisto dhamaan wan u tacsiyadeynayaa rer b/weyn iyo cidi ay sida gaarka ah iga dhinteen ilaah ha i naxariisto dhamaana sabar iyo imaan ilaah hanaga wadasiyo

  23. Inaa lilaah wa’inaa ileeyhi raajicuun,, rabi ha’unaxariisto inta dhimatay sabar iyo iimana allaha kasiyo waalidiinti ay katageen iyo ddhaman umada somaliyeed, somaliyeey kawaantoba tahriiib iyo qaxar ilaah wadankena ayuu nabad nooga dhaliye mana ahan inaan wadamo kale uraadsano nolol iyo caafimad aan dhisano dalkeyna

  24. Allah ha unaxariisto dhamaan inta la la yahayna waxaan urajeynaa nolol dhalinta somaliyeed waxaan leeyahay haka naxina geerada waa xaq iyo midkaliyaha ee qof wilibo hubo inuu san baqaneyn waxaan ku soo gaba gabeynayaa waxa dhintay kama badna 50 qof maalin waliba meeqaa ku dhimata bariga somalia inta libia joogtana waxaan lee yay

  25. mr afgooye says:

    Asc KULUNAFSI DAA IQATUL MOW,
    Mowdku waa xaq qofwalibana meeshuu ku dhimanaayo ilaahaa og waxaana oo ga tacsiyadeeynayaa eheladooda iyo asxaabtooda iyo muwaadiniinta soomaaliyeed oodhan samir iyo iimaan alaha idinka siiyaan leeyahay AAMIIN ) inaalilaahi wainaa ileyhi raajicuun

  26. Ina lilahi wa ina ilayhi rajicun allaha u naxaristo dhamantod qasatan walalkay c/risaaq maxamed nuur rush allaha u naxaristo sabar iyo iman allaha naga siyo

  27. abdi shakuur says:

    ad ayaan uga xumahay geerida naxdinta leh ee ku timid walaaleheena alaha u naxariisto waxaan idinka digayaa umada somaliyed dalaa dalkaada aheen waa dareen kujoog haka fogaanina wadanka inta iga danheeso wayo nabad ayooow joqday ilove you somaliya

  28. Waan kaxumahay ilaahay ha una xariist0 hana laga waan toobo

  29. cllaahi says:

    inaa lilahi wa ina ilahi rajucuun walalahena meshaas ku fawyay alaha u naxiriisto janadina alaha ka warabiyo ,, dhaman eheladi iyo asxaabti eey ka tagena samir iyo imaan alaha ka siyo,,, waa arin murugo iyo uur kutalo le ,,walahi somali hadaan nahay waa dhibtonay dhib aan qarsoneyn aya naheysto ,, illaahow dhibkaan naga dulqaad oo wadankena noo daji adaa cadilehe

  30. farasha cad says:

    inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun ilaahow janatul fardowsa ka waraabi inti ku dhimatay doonidas ilaahow umada somaaliyeed inta soo hartay oo citintab ah ileen sida an wada ogsoonahay uma somaaliyeed waxaa qeybsaday bad iya xabad ee ilaahow inta soo hartay oo citinta ah alow dowlad xanaaneysa u dhali adigaa awood leh oo wax walba fududeyn karaa amiiiin alow amiin

  31. Cabdiyare cosman max,ed says:

    Ina lilahi wa ina ileyhi rajicun ilahay ha u naxaristo dhamantod khasatan sxbkey c/qadir farax (madaxey)

  32. inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuu waa wax laga naxo ilaahoow u naxariisoow dhamaantood

  33. abdifitah says:

    inaaaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ale ha unaxariisto asxaabtii iyo qaraaabada iyo waalidiinti ee ka dhinteen samir ale haka siiyo aamiin aamiin

  34. ilham says:

    inaalilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun ilaah ha uwada naxariisto waa musiibo xanuun badan oo umadeena usoo hoyatay ilaah waxaan uga baryaa inuu unaxariisto aamiin yaa allah

  35. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun
    allaha unaxariisto dadka somaaliyeed

  36. inaa li laahi wa inaaa ilayhi raajicuun
    waxaan tacsi udiyaraa dhamaan ehelada iyo qaraabada ay kageeriyoodeen dadka meesha ku geeriyooday waxaana leeyahay illaahay janatul fardowso haka waraabiyo

  37. cagadhoob says:

    inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaan tacsi udriyaa dhamaan qaraabada iyo ehelada ay dadkooda ku geeriyoodeen
    waxaan leehay samar iimaan allaha idinka siiyo dadka geeriyoodana waxaan leeyahay
    naxariisto jano alaaha idin siiyo dhamaantiin

  38. HAJI SAID says:

    WAXAA ILA MUUQATA DADKA U CARARAYAAN DAL SHESHEYE AYAKOO RAACAYAAN DOOMAHA AAN LAGU SAFRI KARIN INAY KUWAANTOOWAAN,CALOOSHA AYAA NAGA HURIYAAN SIDEE AAN YEELNA.DAWLADDA SOOMAALIYA INUU OLOLE QAATA SIDII DADKAAS LAGA JOOJIN LAHA.INTA BADDA KU DHIMATI ILAAHAY NAHRIIS IYO JANNO HA WARAABIYO

  39. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuuun allaha unaxariisto inta meesha ku geeriyootay waxaan tacsi udirayaa dhamaan qooska iyo ehelada sxbkay axmed nuur xasan dhaqane waxaan leeyahay samir iyo iimaan allaha idin siiyo illahay waxaan uga baryayaaa dhamaan dadka geeriyooday inuu unaxariisto yaaa rabi yaa rabi yaa rabi irxam irxam irxam

  40. mumtaaz says:

    inaalilaahi wainaa ileehi raajicuun ilaahoow unaxariiso intii ku geeriyootay intanoolna kabadbaadi oo kuwii kucibradqaato nagayeel

  41. Faaisa says:

    inaaa lilaahi wa Inaaa ileeyhi raajicuun soomaali ilaaha u maqan umadi waa dhamaatay ee ilaahoow shabaab meel daran ka bixi iyagaa ka masuul ah dhalinyaradaas dhamaatay ilaahoow u naxaariiso inta dhimatay

  42. cumar says:

    inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun
    ilaahay ha u naxariisto dhamaan walaalaheena ku geeriyooday bada isku xirta libiya iyo italy anaga iyo eheladii ay ka tageena ilahay samar iyo imaan alaha inaga siiyo amin amin

  43. Inaa lilah wa ina ilahey raajicuun dadaa aqaan ayaa jogay libiye iyo inta kale o ah walalo somaliyeede

  44. siyaad says:

    INAA LILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN ILAHOOW UNAXARIISO INTI MAQANNE ALAHAYOOW SAHAL AAMIIN , SULEYMAAN SABRIYE SIYAAD IYO MUXYIDIIN HAAJI C/LAHI FIIDOOW AA SIWEYN U AQAANAA ILAAHAOOW SAHAL YAARABALL CAALAMIIN

  45. geedi says:

    oromo inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun

  46. inaa lilaah waa inaa liaahi raajicun waxaa leeyahey dhamaantod janadi fardowso ilaahey ha ka waraabi waaxaa ku jiray sxb oo mar walbo i dhihi jiray waxaan noo balan ah bruzles bilgium aadan bale iyo c/risaq saacid iyo nacimo c/lahi oo ree nairobi is la aheyn ilaahayow dadkas janada ka waraabi

  47. ilahow u naxariiso dhamntood muslimin ayay ahayen wadankoda dhib iyo rafaaad uga soo cararay ilahoow raxmadada u fidi

  48. abdul abubakar says:

    Ilahey ha unaxariisto dhamaan walalaheena samirna kasiyo eheladooda
    Bada waa halis aad u xun halaga diktonado yurub ma aha meel naftada lo haligo ama istaahisha.

  49. Ina lilah wa ina ilehi rajucun waxan dacdsi udiraya eheladi katagen dhalin yaradas samar iyo iman alah kasiya amin waxan sifican u aqan sxbkey dhaqane maxamed cilaw o dugsi quran isla sodhiganay alow una xarisa janada fardowsa ala kawarabiya intuka tagay sabar iyo iman alah kasiya amin

  50. saalax sh.xasan says:

    inaa lilaahi waa inaa ilahay RAAJICOON allaha unaxariisto dhamaantood xuseen cali garaash waa walaalkay allaha una xariisto janadana allaha galiyo

  51. wadani says:

    إنا لله‘؟إنا إليه راجعون dhamaan umada somaliyeed iyo eheladii aay si gaara uga geeriyoodeen allaha kasamirsiiyo anagana kuwii ku cimra qaata hanaga dhigo umadeenii ayaaaa bad iyo biriba saas ugu geeriyooneysa tacsi ayaaan dhamaaan udirayaaa anoo wakiil ka ah ardada somaliyeeed ee qaarada asia qasatan wadamada qaliijka

  52. jaceyl says:

    Inaa lilaah wa inaa ileyhu rajicuun inta dhimatay alaha u naxariisto inta inta hada u diyaar ah in ey baxana waxaan leeyahay walalayaal iska daya nafta waa qali hagali baqtiyaa nasiib taas badankeeda wadankiina kulabta asaga ayaa ka heleysaan waxa aan u hajireysaan iyo kabadan ee aan wadankeena hagagsano iskana qabano kuwa sababta u ah malinkasta in dhalinteena badaha ku dhamadan mahadsanidiin

  53. Fardowso says:

    Asc.walaalayaal Waa arin laga naxo waxana uga tacsiyaynayaa eheladii ay ka bexeen

  54. mubara gambo says:

    ina lilah wa ina ilayhi rajicun walalayaal ilahey haw naxaristo dhamantod samir iyo iimaana haka siiyo walidkii dhalay iyo dhamaan umada somaliyed walalayaal

  55. Cali says:

    Illow unaxariiiso intii dhimatay inta lalah yahayna illow soo sahal waxaan ka garanayaa meshaan maxamed aadan hurwaa illow ka badbaadi asi iyo inta lalah yahay aamin

  56. istapene says:

    ina lilah wa ina ilehi rajicun alle ha unaxristo indhamatay umada somaliyed melwalbo ay jogan sabar iman alle ha?idinka siyo

  57. shiine says:

    oooh im sorry my pple dowlada somalia miyaysan awodin in ay kalada hadasho adunka in la aqonsado pasaporka wadankena si ay u sahlanato riskiga bada loo galayo hadii adunka aqon san laha pasborkena it is very simple frm moqadisho to italy dhimashadana way yaran lahayd plz homeafairska somalia do some thing about this metter

  58. Alaha unaxaristo walalaha musliminta ah mida kale waxa joga tunusiya waxa halka noga tegay ninka layirahdo muxudin xaji c/lahi fidow alaha unaxaristo waa nin aad uga naxay mar dhawne isugu ken dambesay (shusha kam) bye mida kale aniga waxa ujogay libia doman badan ow lagu la.yahay inti dhimatay alaha unaxaristo ilow wadankena now hagaaji bada ma.aadeyn hadi wadankena wanagsana laha ee alow now gargaar

  59. said ali says:

    inaa li laahi wa inaa ileehi raajicuun hada ka hor dad aa aqaano oo aan isla soconay aya ku dhintay anigane wa kaso bad baaday ee ilahow dalkeena noo hagaaji yaa rabi runtii yurub iney saan tahay hadii aan oga lahay ma imaan leheen ee walala yaal iska jooga wa idin baryaa waxa aa u dhimaneysan waa dhib aa so doonaneysaan waayo meshan waligey ma arkin tuugsi meshaan tuugsi lee loogu imaada wayo ceerta la qaato yaa been idinla sheegin warqada aa buux buuxineyso oo ceerta ku qadaneyso wa tuugsi marka iska jooga malin kasto waxa dhahaa dowladii meel ma qabsatay aan imaadee sanadkii lasoo dhaafay wa imaday muqdisho safarka kale hadii aan imaado ma u soo laabanayo meshaan ee walalayaal iska jooga wa idin baryaa inta dhimatayne ilahey samir hanaga siiyo aamiin aamiin aamiin

  60. Duwe says:

    INA LILAH WA INA ILEHI RAJICUN allaha u naxaristo dhamaan inta dhimatay inta maqana alaha so sahlo SXBKEY C/risaq abshir seed wa ku maqanyahy allaha so sahlo hadu dhintana alaha u naxaristo AAMIIN AAMIIN

  61. Maxamad cabdi says:

    Inaalilahi wa inaa ilehi rajicun dadkan intooda badan waxan isla somarney saxaraha xuseen cali garaash garabka ayan isku heyney inta libya sogaleyney dhamantod wan garanaya ilahey ha unaxariisto walaalhey walaal waan idinbarya inta jirta somalia iyo wadamada ku dhaw naftina hasoo haligi nina badan waynaga qabta inku filan rabiyow unaxariso walaalaha ku geriyoday

  62. barshe_1 says:

    usi dabaal malakasaye maxa bada laga donay ani waba yaabee kule ma baqtiyen

  63. Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicun wlhi waxaa dhacday musiibo ku rebtay umada somaliyed murugo aad u xun dhamaan waxaan halkaan uga tacsiyadeynaya dhamaan dadka ku halagmay badda eheladi iyo qaraabadi eey ka geeriyoden dhamaan inta dhimatayna waxan leyahay allaha u naxaristo

  64. qanciye says:

    ALLAH u naxariisto inta dhimitay janadii fardoosa neh ilaahey haka waraawiyo aamin aamin aamin yaarabui

  65. C/wahaab xasan axmed says:

    Innaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuuh allah u naxariisto sabar iyo iimaan allah ka siiyo qaraabada ay ka geeriyoodeen waxaa kaloo mahad iska leh walaalaha dhibkasto oo soo kordha waqtigooda noo soo hura oo nala soo socodsiiya geeridu waa xaq noloshuna waa xaq wa billahi towfiiq

  66. cabdiyare says:

    inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucuun allah iyo raxmo waxaana uga tacsiyadeeynayaa marka hore nafteeyda kadibna inta ila midka ah oo geeyridaan naxtinta badan ka naxday gaar ahaan sxbkeey c/qaadir maxamuud cawad oo walaalkiis ku jiray

  67. Yaasiin Mmacalin Ibrahim says:

    Innaalilahi wa innaa ileyhi raajicuun.

    Walaalaheen Allah ayaa naxariis uga baryaa, jannada allah ha ka waraabiyo, anagana dhamaanteen ilaaheey qayrkiisa hanoogu bedelo, samir iyo iimaan dhamaanteen insha allah. Amiiin, amiin.

  68. Inalila
    hi waina ileyhi rajicuun dhaman samir iyo
    Iman alaha nagasiyo amiin lakiin dadka hada
    Liibiya joga ee rabo iney tahriiban ama ku wa
    Usocdo yemen alaha tuso xaqa miyeysan ujeedin
    Masiibada war naftada adiga masul ka ah ee kajoji
    Masiibada walalahaga ku dhacay maal adunyo
    Wa lahela lakin naf maya ..halasabro dowlada maantey nogu dhawdahay walahi waxad arki dontaan gaalo somaliya usoo tahriibayo insha,alaah

  69. Inaalilahi wa inaa ilehi rajicun waa masiibo murugo naxdan caafimaad bini aadanka wax udhimeeyso wallaaliyaal hoojoojinka sharafta badan ee soomaaliyeed odiyaalka dhalanyarada dhambaan waxaan idin leyahay sabar iyo iiman Illaheey hanagasiyo dhamaan intii dhimaday khaasatan Illaaheey sabar iyo iiman hakasiyo hooyooyinka dhalay muxrumiintaan shahiiday ALLAAH ALLAAH ALLAAH WALLAA XOWLA WALLAA QOWATA ILLAABI LAAHIL CADIIM.
    wallaaliyaal waxaa naga maqan will layiraahdo Mustaha Cabdiraxmaan Sheek Xasan hadii yeen tiisa lahaayo wallaaliyaal nasoo geersiya sida ugu dhakhsi badan maxaa yeelay kuma heeyno nolol iyo geeriba midkooda baba waad mahad santiin

  70. Inaalilahi wa inaa ilehi rajicun waa masiibo murugo naxdan caafimaad bini aadanka wax udhimeeyso wallaaliyaal hoojoojinka sharafta badan ee soomaaliyeed odiyaalka dhalanyarada dhambaan waxaan idin leyahay sabar iyo iiman Illaheey hanagasiyo dhamaan intii dhimatay khaasatan Illaaheey sabar iyo iiman hakasiyo hooyooyinka dhalay muxrumiintaan shahiiday ALLAAH ALLAAH ALLAAH WALLAA XOWLA WALLAA QOWATA ILLAABI LAAHIL CADIIM.
    intaan kadib
    wallaaliyaal waxaa naga maqan will layiraahdo Mustaha Cabdiraxmaan Sheek Xasan hadii yeen tiisa lahaayo wallaaliyaal nasoo geersiya sida ugu dhakhsi badan maxaa yeelay kuma heeyno nolol iyo geeriba midkooda baba waad mahad santiin

  71. Liban Abdulle Mohammad says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicun wlh waxa nagu dhacay hadanu somali mohammad nahay waa wax ey taarikhdu xusi donto wana ka tacsiyeyna dhamantod naxaristi jann ban u baryeyna waa shuhado dhamantod e “inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun”

  72. INAA LILAAHI WA’INAA ILAYHI RAAJICUUN waxaan halkan uga tacsiyeynaya dhaman umada Somaliyeyd musibdn Ku dhacdy Waxana Si gaar ah ugu tacsiyeynaya Ilma {Qoobdheyr} Oo Uu ugu horeyo sxpkey Ayaanle xuseyn cabdi Qobdheyr Oo Aan leyahay walalkeyn MOWLID XUSEN Cabdi {qobdheyr }allaha u Naxaristo Samir iyo Iimana ha idin Ka Siiyo kitabkisa gacnta midig allaha ka siiyo Aamin yaa rapi

  73. inaa lilaahi wa inaa ileyhi rajicun intma ku dhimatay alaha u naxaristo inta ku sijedo haku wantowan waxan leyahay nafta ya lahlagina shaqo melkasto ayey talaa

  74. Kingmustafa abdi says:

    Allah yarxamahum inta dhimatay dhaman walalaha jecel tahriibka iney galan haku wantoban

  75. Osman jibril says:

    Allaah ha unaxariisto dhamaan walaalahayga somaliyeed ee ku geeriyoodey tahriibta qoysaskoogana samir iyo iimaan inuu ka siiyo
    Aamiin…




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

IMG_4392

DAAWO SAWIRRADA:-Qeybta Seddexaad Ee Nolosha Iyo Waxbarashada Ardayda Cusub Ee Turkiga

Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Bandhiga Wareysiyada Oo Caawa Intiisa Badan Looga Hadlay Howlgalkii Lagu Xoreeyey Baydhabo”Dhageeyso”

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo habeen walba ka baxa ...
Fiqi

Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Oo Ciidammada Ugu Hambalyeeyey Xoreynta Baydhabo Janaay”Dhageeyso”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin ...
Dr.Cabdiweli-Gaas1

Ra’isulwasaaraha Oo Ciidammada Ugu Hambalyeeyey Xoreynta Baydhabo Sheegayna In Howlgalka Uusan Hakan Doonin”Dhageyso”

Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada ...
Baydhabo

Dadka Baydhabo Janaay Oo Caawa Xoriyad Ku Hoyanaya Iyo Howlgalka Lagu Baacsanayo Al-Qaeda Oo Gobollada Koonfureed Xowli Uga Sii Soconaya”Dhageyso”

Xaalada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ...
x2

DAAWO SAWIRRADA:-R/wasaaraha Soomaaliya iyo kulamadiii uu la yeeshay madaxda Midowga Yurub

R/wasaaraha Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 22-February-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
ciidamada_som_jubooyinka

Faah faahinno ku aadan la wareegitaanka Baydhabo ee ciidammada dowladda

Faah faahinno dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya ...
war-deg-deg-ah1-150x150114211

Ciidamada XDS Oo Si Buuxda Ula Wareegay Magaalada Baydhabo

Ciidamada XDS ayaa la wareegay magaalada Beydhabo iyadoo ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WAR DUHUR 22 02 12
UN somal

Q.M.Oo Liiska Xannibaadda Ka Saartay Shaqsiyaad Iyo Shirkado Soomaali Ah

Qaraar ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada ...
Ciidamada_Qaranka

Ciidmada Dowladda Oo Sii Wada Howlgallada Ay Ku Sugayan Amniga Muqdisho

Ciidamaad qalabka sida ayaa maanta howlgallo ballaaran oo ...
Baydhabo

Shabaab Oo Ka Qaxay Baydhabo Iyo Ciidamada Oo Ku Sii Siqaya

Malleeshiyaadja Shabaab ayaa billaabay in ay maanta ka ...
Sequence 56.Still001

Agaasimaha W/Warfaafinta Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Kormeeray Dhismiha Hotelkii SYL Oo La Dayactirayo

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta ...
xabsiga1

Munaasabad Lagu Maamuusayay Aas’aaska Ciidamada Asluubta Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Munaasabad lagu maamuusayay xuska 42 guuradii ka soo ...
ciidamada_som_jubooyinka

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Baydhaba

Wararkii ugu danbeeyay ee aynu  ka heleyno magaalada ...
Dr.Cabdiweli-Gaas1

Ra’iisul wasaaraha dalka oo faah faahiyay kulammadii Brussels uu kula qaatay madaxda Yurub

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo soo gabagabeeyay socdaal ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 22.2.2012 Janaury               Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Madaxweynaha London

Madaxweyne Shariif oo xalay gaaray magaalada London

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu ...
Bardaale

Ciidammada dowladda oo kaabiga ku haya Bardaale

Malleeshiyaadka kooxda Al-Qaacidda ayaa isaga baxay degmada Bardaale ...
DSC09983

DAAWO SAWIRRADA:-Hub Iyo Maxaabiis Maanta Lasoo Bandhigay Kuwaasi Oo Ciidammada Qalabka Sida Kusoo Qabteen Howlgallo Caasimadda Ka Socda

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Ahmed El-Tayeb

Baaq Imamka Al Azhar uu ku taageerayo Shirka London.AKHRISO

Ayado hal malin oo qur aay ka harsantahay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 21-February-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Isqarxinta Maxay Shareecada Islaamku ka qabtaa?

Sanadahan  dambe waxaa dalkeenna Soomaaliya ku soo kordhay ...
tubta-toosan1-150x150151

Mas’uuliyadda Bulsho Dhegeyso

Qof kasta oo ka mid ah bulshada Waxaa ...
MSF

Maxay Shareecada Islaamku ka qabtaa afduubka samafalayaasha?

Falalka Afduubka Shaqaalaha Gargaarka ee Soomaaliya u yimid ...