Billowgii Idaacadaha Soomaalida
Somaliya waxay lahayd labo xarun idaacadeed oo waawayn oo kala ahaa Raadiyo Hargaysa iyo Radio Muqdisho. Radio Hargaysa wuxuu 10 sano ka badan ka fac weyn yahay Raadiyo Muqdisho. Idaacadda Hargaysa waxaa la dhisay sanadkii 1943-kii, waxaana la oran jiray “Radio Kudhu” oo macneheedu yahay “Idaacaddii Goodirka.” Waxay ku howl-billowday war-lalis xooggiisu yahay 100 watt, kaas oo yaallay isla xarunta Idaacadda ee golaha Shacabka Hargaysa.
Labo sano oo tijaabo ah kaddib, sanadkii 1945-kii waxaa lagu kordhiyay war-lalis ka xoog badan kii hore oo awooddiisu dhamayd 600 watt, waxaana loo bixiyay Idaacadda Soomaaliyeed. Radio Hargaysa xilligaas wuxuu ka koobnaa hal qol iyo Qoolad yar oo lagu tifatiro wararka la baahinayo. Wararka laga baahiyo waxaa laga xigan jiray BBC-da qeybteeda Ingiriiska, waxaa wararka tifatiri jiray rag Ingiriis ah oo kadibna u geyn jiray macallin Soomaali ah oo turjuma. Waxaa Radio Hargaysa ka bixi jiray 3 luqadood oo kala ah Soomaali, Carabi iyo English.
Raadiyo Muqdisho
Raadiyo Muqdisho wuxuu howl billaabay bishii June 1951kii, waxa uu ku howl billaabay halka uu haatan ku yaallo oo ahayd saldhig milatari. Ugu horreyntii waxaa lagu magacaabi jiray “Saldhigga Tijaabada Radio Muqdisho.” Mugga warliskeedu wuxuu dhammaa 200 oo waat, kaas oo mar walba cilladoobi jiray, waxaase jiray saldhig awooddiisu ahayd 5 kilo waat oo la adeegsan jiray marka ay cilladi timaaddo.
Si la mid ah idaaacadda Hargaysa Radio, Muqdisho wuxuu baahin jiray warar lagu sheegi jiray afafka Soomaali iyo Talyaani, gabayo, geeraarro, heeso, muusik, barnaamijyo caafimaadka ka hadlayay, waxbarashada iyo xannaanada xoolaha oo gadaal lagaga soo daray.
Sanadkii 1959kii waxaa si rasmi ah loo howl galiyay war-lalis xooggiisu ahaa 5 kw , kaas oo laga dhagaysan jiray Muqdisho iyo daafaheeda. Sanadkii 1960 kii markii la hantiyay gobannimada Soomaaliya, Radio Muqdisho wuxuu helay mudnaan dheeri ah, waxaana la kordhiyay awoodda raadiyaha. Sanadkii 1964kii ayaa la rakibay warlalis xooggiisu dhammaa 50 kilo watt oo suurto galiyay in Radio Muqdisho laga dhegeysto dhul baaxaddiisu dhan tahay 5000 oo km oo ah qiyaastii Afrika inteeda badan iyo qaybo Asia ka mid ah, waxaana maalgaliyay Midowgii Soofiyeetka.
Sidoo kale waxaa la dhisay istuudiyayaasha cusub ee Radio Muqdisho oo ay maalgalisay dowladda Jarmalka, kuwaas oo loo qalabeeyay si heer sare ah.
Bartamihii lixdamameeyadii tiro ka mid ah shaqaalaha Radio Muqdisho ayaa dalka dibeddiisa ugu baxay tababarro, kuwaas oo markii ay dib u soo laabteen wax badan ku kordhiyay howsha raadiyaha. Intaa waxaa dheeraa khubaro iyo xirfad-yaqaanno saxaafadeed oo dalalka reer galbeedka qaarkood iyo QM ka socday oo tababarro iyo tayo galinba u fidiyaha shaqaalaha Radio Muqdisho.
Saacadaha Raadiyaha
Haatan Raadiyo Muqdisho wuxuu hawada ku jiraa 6da aroornimo illaa 12ka saq dhexe, isagoo intaasi sii daaya warar barnaamijyo isugu jira wargelin, waxbaris iyo madadaalo. Barnaamijyada Idaacadda waxaa soo saara weriyeyaal caan ah oo naftooda u huray sidii ay Ummadda Somaaliyeed uga haqabtiri lahaayeen baahida warbaahineed.
Sumcadda Raadiyaha
Ra’yi-ururin dhowaan laga sameeyay magaalada Muqdisho, waxaa lagu ogaaday in Raadiyo uu yahay idaacadda loogu dhageysi badan yahay FM-yada ka furan caasimadda. Adduunka intiisa badan wax caadi maaha in idaacad ay dowladi leedahay inay kaalinta koowaad gasho, hase yeeshee guusha Raadiyo Muqdisho waxaa sabab u ah madaxda iyo shaqaalaha oo har iyo habeenba u soo jeeda sidii ay u tayeyn lahaayeen Idaacadda.