Thursday, May 17th, 2012

Nagu Saabsan

Billowgii Idaacadaha Soomaalida

Somaliya waxay lahayd labo xarun idaacadeed oo waawayn oo kala ahaa Raadiyo Hargaysa iyo Radio Muqdisho. Radio Hargaysa wuxuu 10 sano ka badan ka fac weyn yahay Raadiyo Muqdisho. Idaacadda Hargaysa waxaa la dhisay sanadkii 1943-kii, waxaana la oran jiray “Radio Kudhu” oo macneheedu yahay “Idaacaddii Goodirka.” Waxay ku howl-billowday war-lalis xooggiisu yahay 100 watt, kaas oo yaallay isla xarunta Idaacadda ee golaha Shacabka Hargaysa.

Labo sano oo tijaabo ah kaddib, sanadkii 1945-kii waxaa lagu kordhiyay war-lalis ka xoog badan kii hore oo awooddiisu dhamayd 600 watt, waxaana loo bixiyay Idaacadda Soomaaliyeed. Radio Hargaysa xilligaas wuxuu ka koobnaa hal qol iyo Qoolad yar oo lagu tifatiro wararka la baahinayo. Wararka laga baahiyo waxaa laga xigan jiray BBC-da qeybteeda Ingiriiska, waxaa wararka tifatiri jiray rag Ingiriis ah oo kadibna u geyn jiray macallin Soomaali ah oo turjuma. Waxaa Radio Hargaysa ka bixi jiray 3 luqadood oo kala ah Soomaali, Carabi iyo English.

Raadiyo Muqdisho

Raadiyo Muqdisho wuxuu howl billaabay bishii June 1951kii, waxa uu ku howl billaabay halka uu haatan ku yaallo oo ahayd saldhig milatari. Ugu horreyntii waxaa lagu magacaabi jiray “Saldhigga Tijaabada Radio Muqdisho.” Mugga warliskeedu wuxuu dhammaa 200 oo waat, kaas oo mar walba cilladoobi jiray, waxaase jiray saldhig awooddiisu ahayd 5 kilo waat oo la adeegsan jiray marka ay cilladi timaaddo.

Si la mid ah idaaacadda Hargaysa Radio, Muqdisho wuxuu baahin jiray warar lagu sheegi jiray afafka Soomaali iyo Talyaani, gabayo, geeraarro, heeso, muusik, barnaamijyo caafimaadka ka hadlayay, waxbarashada iyo xannaanada xoolaha oo gadaal lagaga soo daray.

Sanadkii 1959kii waxaa si rasmi ah loo howl galiyay war-lalis xooggiisu ahaa 5 kw , kaas oo laga dhagaysan jiray Muqdisho iyo daafaheeda. Sanadkii 1960 kii markii la hantiyay gobannimada Soomaaliya, Radio Muqdisho wuxuu helay mudnaan dheeri ah, waxaana la kordhiyay awoodda raadiyaha. Sanadkii 1964kii ayaa la rakibay warlalis xooggiisu dhammaa 50 kilo watt oo suurto galiyay in Radio Muqdisho laga dhegeysto dhul baaxaddiisu dhan tahay 5000 oo km oo ah qiyaastii Afrika inteeda badan iyo qaybo Asia ka mid ah, waxaana maalgaliyay Midowgii Soofiyeetka.

Sidoo kale waxaa la dhisay istuudiyayaasha cusub ee Radio Muqdisho oo ay maalgalisay dowladda Jarmalka, kuwaas oo loo qalabeeyay si heer sare ah.

Bartamihii lixdamameeyadii tiro ka mid ah shaqaalaha Radio Muqdisho ayaa dalka dibeddiisa ugu baxay tababarro, kuwaas oo markii ay dib u soo laabteen wax badan ku kordhiyay howsha raadiyaha. Intaa waxaa dheeraa khubaro iyo xirfad-yaqaanno saxaafadeed oo dalalka reer galbeedka qaarkood iyo QM ka socday oo tababarro iyo tayo galinba u fidiyaha shaqaalaha Radio Muqdisho.

Saacadaha Raadiyaha

Haatan Raadiyo Muqdisho wuxuu hawada ku jiraa 6da aroornimo illaa 12ka saq dhexe, isagoo intaasi sii daaya warar barnaamijyo isugu jira wargelin, waxbaris iyo madadaalo. Barnaamijyada Idaacadda waxaa soo saara weriyeyaal caan ah oo naftooda u huray sidii ay Ummadda Somaaliyeed uga haqabtiri lahaayeen baahida warbaahineed.

Sumcadda Raadiyaha

Ra’yi-ururin dhowaan laga sameeyay magaalada Muqdisho, waxaa lagu ogaaday in Raadiyo uu yahay idaacadda loogu dhageysi badan yahay FM-yada ka furan caasimadda. Adduunka intiisa badan wax caadi maaha in idaacad ay dowladi leedahay inay kaalinta koowaad gasho, hase yeeshee guusha Raadiyo Muqdisho waxaa sabab u ah madaxda iyo shaqaalaha oo har iyo habeenba u soo jeeda sidii ay u tayeyn lahaayeen Idaacadda.

Wararka

NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...

Wararka Dunida

xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Shirjaraa'id Saxaafadda NEW YORK

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Qodobadii Looga Hadlay Shirkii New York “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
President Sharif In UN

Shir Ku Aadan Xaaladda Soomaaliya Oo New York Ka Furmay Iyo Nuxurka Khudbadii Uu Madaxweyne Shariif Ka Jeediyey

Magaalada New York ee dalka Mareykanka gaar ahaan ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...