Sunday, May 19th, 2013

Abaanduulaha Ciidanka XDS Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Goobihii Saakay Lala Wareegay

Published on August 27, 2012 by   ·   16 Comments  ·   4,869 views

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay goobihii ay maanta la wareegeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Abaanduulaha ciidamada XDS General C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagabadan” oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkii maanta ay sameeyeen ciidamada ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan  shabaab hubna ay kaga furteen.

General Dhagabadan ayaa intaa ku daray in howlgalka lagu soo furtay hub ay lahaayeen shabaab iyagoona goobta kaga cararay meydadkii looga dilay dagaalkii maanta.

C/ramiin Yuusuf Aadan ayaa waxa uu hadalkiisa ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay san jirin wax qasaara ah oo ka soo gaaray howlgalka.

Abaanduula ciidanka ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in howlgalka uu ka socdo dhamaan gobollada dalka sida Hiiraan, Shabeelahada Hoose, Bay, Bakool Gado, iyo goballo kale.

Dhanka kale mid ka mid ah dadka ku sugan magaalada Marko oo sidoo kale la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta intii aan laga saarin shabaab ay dil u geysteen Shan qofood oo rayid ah kuwaas oo ku noola magaaladaasi, iyagoona dhac u geysteen hanti ay lahaayeen dad shacab ah.

Waxa uuna hadalkiisa raaciyay in shabaab ay u baxdaseen dhanka degmada Ceel Axmed, isgaoona hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu raaciyay in mudadii ay ku sugnaayeen shabaab Marko ay kala kulmeen dhibaatooyin badan kuwaas oo isugu jiro Dil, Dhac, Kufi, iyo handadaad, waxa uuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya in dalka oo dhan laga xareeyo shabaab maadaamada ay yihiin kuwo had iyo jeer wax yeelo u geysto shacabka.

Magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa aheyd meel ay ku sugaanyeen ajaanibta ka barbar dagaalanta shabaab kuwaas oo dambiyo kala duwan ka soo galay dalalkii ay u dhasheen waxaana haatan ay tahay mid ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida iyadoona shacabka ku dhaqan gobolkaasi ay aad u soo dhoweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Readers Comments (16)

  1. maxamed m shiiq says:

    Hanbalyo ciidanka xds.iyo amisom guuleesta kasii nadiifiya dalkoodhan carada illaah ha ku dhacdee guuuuuuuul

  2. Mohamud says:

    Hambalyo Abaanduulaha ciidamada XDS General C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagabadan”

  3. Ali says:

    Sojoog walagaway khawarijta qarniga sojifa lagahela waxan umahad calinay madaxweyne sharif iyo abandulaha cxds dhagabadan sidi ay ugudadalen had iyo jeer in nimankan jid iyo jihada didka lagasifeyo wadanken .soomalidiidow silac udhimo.

  4. caasha says:

    guuleesta subax walbo sidaan aan u fiiriyaa radio muqdisho wax lagu farxo ayaan idiinka rajeena marwalbo in aad noo soo dugbisaan sidan oo kale shabaab ilahoow halmalin idiinka dhig teeda kale waxaa la sheegaye in ee dhulka hoostiisa daganyahiin maxaa ka jira waba cajiibee?

  5. cabduqadir maxamed saney says:

    hambalyo hambalyo ciidanka xogga dalka somaliyed

  6. HADAAFOOW says:

    KHAWAARIJTA ALSHABAAB WAA JABEEN EE JABIYA
    CIIDAN XOOGA SII WADA DADAALKIINA TARIIKHDAA IDIN XUSI DOONTO

  7. abdiraxman cabdi jimcaale says:

    maan sha alaah guul guul guul hadii qawaarijtii shacabka dhibeysay ey ka xoreeyeen ciidamada xooga dalka somaaliyeed horana usocda ilaa aad ka cirib tirtaan shabaab iyo ajaanibta ku gabaneysa diinta ilaahey hnbalyo maanta waa marka barina kismaayo guuleysta ciidamadeena qalabka sida

  8. kahin alim says:

    hanbalyo cidanka cxds

  9. wadani yare says:

    asc dhammaan umadda soomaaliyeed.
    Xaqiiqatan waansoo dhaweynayaa lawareegitaanka MARKO lkn su,aasha aanqabaa waxay tahay ALSHABAAB BAXDAYE MAXAA XIGA?
    ciidamada qaranka waxaan kula dar daarmayaa ineysan ku xadgudbin hantida umadda iyo sharafkooduba, lkn qawaarijta shabaab haddii ay arkaan cid katirsan ama ayku tuhmaan tallaabo haka qaadeen.
    ILAAHOOW SOOMAALI NABAD IYO CAANO.

  10. Baabulka says:

    Sheikh xasan Dahir aweisoo inteed galee hada walee marka lugu qabto waxiid sheegi laheyd ayaa lagaa rabaa intey goor dhow tahay is dhiib koley waxaad tahay nin danahiisa oh jarta aad ciyaaraysay waa lagaa raayiyee haddii kale dhulka ayaa meedkaagii lagu jiidaa ogaaw.

  11. Baabulka says:

    Dadka rear markoow ha baqina u sheega cxds iyo kuwa amison meesha ay ku dhuumaleysa ayaan sheydaaminta waa taqaanin wajigooda hana is dhahina weey soo laaban doonan

  12. maxamed xasan says:

    somaliya gula insha alha

  13. gabar soomaaliyeed says:

    godanaw meel dayo hargaysana waxaad ka tahay wanted kismaayo iyo baraawena waa beri iyo habeendambe waxaa kugu raadjoogo ragii aad maatadooda dhurwaaga siisay gabdhahoodana aad xaaranta ku banaysatay ee indha xume meel dayo waxaan idin leeyahay ciidamadeenaw aruuriya maatada iyo dadka aad ka xoreyseen qawaarijta

  14. XOOGGA DALKA SOMAALIYEED IYO ABAAN DUULAHA CIIDDANKA DHAGA BADDAN GUULEEYSTA WAL LAALA YAAL KA XUREYA CADAWGA DALKA KU SOO DUULAY EE UMMADDA DHIBAATADDA KU HAYO HORREY U SOCDA MALAAQA SOMAALIYEED

  15. abdinuur said dheere says:

    general dhagabadan cimrigaa ha dheeraado guulayso waligaa waan ku taageersan nahay

  16. Ina hassan says:

    jeneral dhega badan in ana malin uun la kulmaan jeclaan lahaa ama aan maqlo si aan ugu mahadceliyo waa geesi halyeey ah ilahoow ku dhaaf hanbal dhamaan cidamadeena iyo sarakiisha oo idilba




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

caabudwaaq

Maamulka degmada Caabudwaaq oo soo bandhigay qiimeyn lagu sameeyay daadad kusoo rogmaday degmadaasi.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Galmudug-wwww

Maamulka Galmudug oo awaamiir kasoo saaray qaabka loo qaadayo imtixaanadka dugsiyada.

Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso warka subax ee Radiomuqdisho

Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Magaalada-Beledweyne1-300x233

Magaalada Baledweyne oo ay ka socdaan howlo lagu dariseynayo xaafadaheeda.

Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
astaanta-maamulka-gobolka-banaadir

Maamulka gobolka Banaadir oo ugu baaqay dadka reer Muqdisho inay ka faa’iideystaan mashaariicda laga hirgelinayo caasimada

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
DSC00193

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo sheegay in la joogo xiligii uu dalku ka bixi lahaa dib u dhaca.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
tiiceey

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo nasiib daro ku tilmaamay is qabqabsiga dhinaca maamulka ah ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
ciyaartoy

Ciyaartooyda ciidanka XDS iyo ciyaartooy ka socotay ciidanka Burundi oo kuwada ciyaaray Muqdisho iyadoo ay guusha raacday ciyaartoyda ciidanka XDS

Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 18 05 2013
DSC00193

“Dowladdu barnaamij bey ka diyaarisay dhaqan gelinta Federaalka” War-saxaafadeed”

(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
DSC00217

DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweynaha oo xariga ka jaray Iskuul cusub oo ay hirgalisay dowladda Turkiga

Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Duhur

war duhur 18.05.2013
DSC00193

Madaxweynaha oo ka hadlay arrimaha Jubbooyinka, Soomaaliland iyo hirgelinta Federaalka”Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta ka hadlay arrimaha ...
DSC09816

Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo xafiiskiisa ku qaabilay guddiga Gaadiidka ee Baarlamanka”Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta Isgaarisiinta iyo Gaadiidka ayaa kulan la ...
DSC09819

Daawo Sawirrada Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacada Carabta oo booqday Baarlamanka Soomaaliya

Wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayay ...
K-KOLEYGA_DEGMO-3

Xarunta maamulka degmada Xamar Jajab oo dib u dayactir lagu sameeyay

Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Saacid 11

R/wasare Saacid oo kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamanka Carabta oo booqanaya Muqdisho

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
BOQASHADA  MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN (11)

“Daawo Sawirrada”Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo booqday deegaanada Jawiil iyo Beergadiid ee g/Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...
IGAD

Wafdi kasocda Igad oo lafilayo inay gaaraan magaalada Kismaayo kulamana la qaataan odayaasha deeganka.

Wafdigan oo maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subaxnimo ee RadioMuqdisho

Warka Subaxnimo Sabti 18-05-2013
caabudwaaq

Ganacsatada gobolka Galguduud oo dowlada Soomaliya ku amaanay ciidamada xooga ee ay ka howlgelisay gobolkaasi.

Ganacsatada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa ...
ciidan xds

Kulan lagu soo dhaweynayay Ciidamo katirsan xooga dalka Soomaaliyeed oo ka dhacay degmada Caabudwaaq .

Kulankan oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka ...
astaanta_qaranka13

Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay warar been abuur ah oo lagu qoray Twitterka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah ...
safaarada_004

“Daawo Sawirrada”Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo ku howlan sidii ay dib ugu soo celin laheyd caruur lagala wareegay waalidiin Soomaaliyeed

Mas’uuliyiin kasocotay safaaradda Soomaliyeed Ee dalka Koonfur Africa ...
DSC09964

Gudoonka Baarlamaanka Oo Casho Sharaf U Sameeyey Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ...
DSC01287

Ururo iyo shaqsiyaad bulshada wax u qabtay oo maanta Cadaado abaalmarin lagu siiyay”SAWIRRO”

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka ...
Astaatnta Imaqashii

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii Imadadaali Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Imaqashii Imadadaali waxa uu ka mid yahay ...
IMG_8739

Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socda urur goboleedka IGAD “SAWIRRO”

Muqdisho, 17, May, 2013..... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Astaanta kulanka-jimcaha

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Jimcaha Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Kulanka Jimcaha waa Barnaamij Todobaadle ah oo ...
Muqdishada Cusub

Munaasabad Lagusoo Bandhigayey Iskaashi Ay Jaamacadda SIMAD La Yeelaneyso Jaamacad Ku taala Malaysia Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayey iskaashi  cusub ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 17.05.2013
DSC09876

Madaxweynaha oo Xafiiska Ku Qaabilay Wafdi ka socday IGAD “DAAWO SAWIRRADA”

Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu uxiraayeen ayuu ...
Muuqaal kale oo Degmada Deyniile ah

Maamulka deegmada Deyniile oo ku boorriyay shacabka degmadaasi iney gacan ka geystaan nabadgelyada

Maamulka dagmada Deyniile ee gobalka Banaadir ayaa ku ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Fatwo

Horjoogayaasha Shabaab oo Godane Cambaareeyay!

Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...

*