100 Qof oo Hargeysa lagu gudoonsiiyay abaalmarinno ka dib markii ay wax ka qabteen arrimaha bulshada iyo danta guud “SAWIRRO”
Published on February 22, 2013 by Jayte · 1 Comment · 3,278 views
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qeyb galay Munaasibad Biladdo lagu gudoon siinayay dadweynaha Somaliland wax taray mudadii ay jirtay kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 100 qof isla markaana iskugu jiray siyaasiyiin, aqoon yahanno, abwaanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda oo maanta lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Barnaamijka la magac baxay “Qiimee Qofkaaga” oo cilmi baadhistiisu muddo bilo ah ka socotay goboladda Somaliland ayaa maanta la gudoon siiyay bilad sharafyadii dadkii lagu soo xulay qiimayntii la sameeyay.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka mid ahaa xubnihii Barnaamijkan “Qiimee Qofkaaga” bilad sharafyada lagu gudoon siiyay ayaa la sheegay inuu ku mutaystay siyaasad wanaaga iyo hoggaamin hufan oo uu muujiyay mudadii uu xafiiska madaxtinimadda Somaliland joogay.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay Rashiid Sulub Caalin oo lahaa curinta, agaasinka iyo isku dubo-ridka barnaamijkan, waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq aad iyo aad u balaadhan uga soo jeediyo Rashiid Sulub Caalin oo hawl aad iyo aad qiimo iyo qaayo leh ee taariikhiga ah ee lagu qiimaynayo dadka Somaliland wax u taray iyo dadkeeda qiimaha leh iyo hal-doorka ee maanta barnaamijkan isku soo dubo riday ee ka fikiray ee soo sameeyay, waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo”
Madaxweyne Axmed Siilanayo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan iyagana halkan hambalyo uga soo jeedinayaa dadka qiimaha leh ee wax ka gaystay Somaliland magaceeda iyo taariikheedda ee xafladan lagu soo magacaabay ee sharafta ku mutaystay, Waxay ila tahay qof walba shacbigiisa iyo dadkiisa haddii aanu qiimayn ummad noqon maayo, ummad waxay ku noqdaan oo taariikhda ku galaan oo dad lagu noqdaa qiimaynta ummadiisa, dadkiisa iyo shacbigiisa”

















Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...
Wafdigan oo maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho ...
Warka Subaxnimo Sabti 18-05-2013
Ganacsatada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa ...
Kulankan oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka ...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah ...
Mas’uuliyiin kasocotay safaaradda Soomaliyeed Ee dalka Koonfur Africa ...
Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ...
Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka ...
Barnaamijka Imaqashii Imadadaali waxa uu ka mid yahay ...
Muqdisho, 17, May, 2013..... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Barnaamijka Kulanka Jimcaha waa Barnaamij Todobaadle ah oo ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayey iskaashi cusub ...
WAR HABEEN 17.05.2013
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu uxiraayeen ayuu ...
Maamulka dagmada Deyniile ee gobalka Banaadir ayaa ku ...
WARKA SUBAX 17.5.2013
Waxaa si aad ah u sii kordhaya mudooyinka ...
Ciidamada qalabka sida ee Somaliyeed oo ku sugan ...
Waxaa saaka daggan xaalada deegaano ka tirsan gobalka ...
Hogaamiyihii ururkii burburay ee Xisbul Ismaan Xasan Daahir ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
War Habeen 16-May-2013
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ...
Maajo 16, 2013, Muqdisho
Ayadoo Ia llaalinayo dastuurka dalka ...
WAR DUHUR 16.05.2013
Golaha wasiirada Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo ...
Shirkii golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu ...
Ciidamadan ka tirsan ciidanka XDS ee ka amabaxay ...
Siminaarkan kor loogu qaadayay aqoonta gabdhaha xildhibaanada ah ...
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariim Xuseen ...
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
Masha allah radiomuqdisho caadi ma tihiin hargeisa xittaa sawiro ayaad inooga soo qaadeen shaqo wacan ayaad qabateeen thanks